13-07-2008 17:35:00 Ceelbuurnet.com
 Kooxda Leicester oo 1 iyo 0 ku quusisay kooxdii ka soctay Irland ka dib cayaar ay maanta wada yeesheen kooxaha ku wada jira Group  A

Waxaa maannta garoonka weyn ee Spånga IP ka dhacay cayaaro xiiso leh oo dhexmaray kooxaha ka kla socda magaalada Leicester ee dalka UK iyo dalka Irland.

Cayaartan oo aheeyd cayaar aad u kulul ayaa waxaa gooshii koowaad kooxda Leicester u dhaliyey Nr 20 aad cayaaryahanka u sita iyadoo cayaartana ay qeybteedi koowaad ku dhamaatay 1-0 ay ku hogaaminayeen kooxda Leicester.

Ka dib markii ay labada kooxood la soo tashteen tababarayaashooda ayaa waxeey ay cayaartii ku bilaabatay firfircooni iyo cayaar wabaag xad dhaaf ah iyadoo uu weerarka iyo weerar celiskuba batay.

Gababagadii cayaartan ayaa ku soo idlaatay 1-0 ay guushu ku raacaday kooxda Leicester oo haatan 3 dhibcood la fadhisa.

Cayaarta labaad ee maanata oo ay isla groupkan A isku arkayaan ayaa waxaa wada cayaari doona qadar daqiiqada ah ka dib kooxaha Xiddigaha Rågsved iyo kooxada Olympic Amager .

Cayaartan oo ah cayaar aad loo hadal hayey oo ay dadka sugayeen marka la fiiriyo labadan kooxood cayaar wanaagooda ayaa dadku wuxuu is weeydiinayaa sida ay noqon doonto natiijada ciyaartan iyadoo aan halkan idinkaga soo gudbin doono isala dhamaadka cayaartan.

Waxaan hadii aan nahay shabakadda warbaahinta ceelbuurnet u balanqaadeeynaa dadweynaha cayaaraha xiiseeya inaan maalin kasta natiijada cayaarahan sid deg deg ah u soo gudbino.

Cayaarahan maanta ayaa dhincaca fanka waxaa dadweynaha maaweelinayey fanaaniinta kala ah Al fanaan Cabdi fitaax lagend iyo al fanaan Axmed Jeeri iyo faaniin ka tirsan fanaaniinta Stockholm.

Cayaartan maanta waxaa garoonka ku sugnaa Cabdulaahi Imaan oo ka socda Universal TV Stockholm

 

 


Maxamed Cali Shirwac

Muqdisho
shirwac@ceelbuurnet.com

                         

 

 Contact us at: admin@ceelbuurnet.com     

        Copyright © 2007 ceelbuurnet.com