13-07-2008 11:00:10 Ceelbuurnet.com
Cayaarihii xagaaga SEUKI 2008 oo shalay u furmay si aan caadi aheeyn iyadoo uu ururka SEUKI u ciiday sanadguuradii 10 aad ee cayaaraha xagaaga Stockholm

 

Cayaarihii xagaaga SEUKI 2008 ayaa shalay waxeey ka furmeen garoonka weyn ee Spånga IP iyadoo ay halkaana garoonka soo buux dhaafiyeen dadweynaha cayaaraha jecel ee reer Sweden haba ugu badnaadeene  reer Stockholm.

Cayaarahan xagaaga SEUKI 2008 ayaa sanadkan wuxuu urruweynaha SEUKI u ciiday sanadguuradii 10 aad ee ka soo wareegtay bloowgii cayaaraha xagaaga Stockholm oo la bilaabay sanadkii 1999 iyadoo uu shalayna guddoomiyaha ururweynaha SEUKI Abdi Afrah guddoonsiiyey bilad sharaf ilaa 26 qof oo iskugu jira dadkii qeybta ka soo qaatay cayaarahan xagaaga Stockholm isla markaana wali gacanta ka geeysta .

Shaadooyinkan ayaa dadka la siiyayey oo aad u badan waxaan ka xusi karnaa Haji _Farah oo ah oday Soomaaliyeed oo had iyo goor u taagan hormarka dhalinyarada iyo gabi ahaanba Soomalida isla markaana wuxuu Haji Farah ahaa guddoomiyihii ugu horeeyey ee qabta cayaaraha xagaaga Stockholm oo shalay toban jirsaday, Waxaa sidoo kale shalay shadaado sharaf uu ururka SEUKI siiyey Shirkada Xawaaladda Dahabshiil oo uu guddoomiyaheeda Stockholm Mr Maxamuud Ibraahim gacan weyn ka geeysto cayaarahan xagaag SEUKu isagoo had iyo goor dhinac taagan guddiga qabanqaabada.

Garoonka ayaa waxaa lagu sharaxay boorara ka turjumaya sanadguurada tobanaad iyagoo iskugu jiray lugqadaha Soomaliga , Swedhisha iyo Englishkaba.

Xafladan 10 guurada ayaa waxaa shalay ka heesahay fanaanad ka timid cariga Mareeykanka laguna magacaabo Raxma Ruuxi iyadoo halkaa ka qaaday hees wadani ah oo runtii kicisay dhamaan dadkii soo buux dhaafiyey garoonka weyn ee Spånga IP oo shalay u camirnaa si aan caadi aheeyn.

Waxaa halkaa sidoo kale heeso macaan ka qaaday al fanaan Jeele Cali iyo Mr Jeey oo ka mid ah fanaaniinta mustaqbalka magaalda Stockholm iyadoo uu dhanka DJ gana buuxinayey DJ Xasan Wuqooyi oo ka mid ahaa guddigii ugu horeeyey ee ka soo shaqeeyey cayaarihii xagaaga Stockholm shalayna halkaa shahaado sharaf lagu guddoonsiiyey.

Barnaamijkan shalay oo ay daadihineeysay wariye Shukri Sheekh ( Shukri Somaliweyn) oo lagu furay aayadaha quraanka oo uu noo akhriyeye Axmed Salax Maxamed ( Diinaash) waxaa guddoomiyaha ka dib dhowr kalmad ka jeediyey Abeba Hayle ooo ah siyaasi ka socda degmada Rinkeby iyadoo ay hadalka uga danbeeyeen oday Soomaliyeed oo Sportigii hore ka mid ah laguna magacaabo Yaasiin Bulsho , sidoo kale waxa halkaa hadal gaaban ka jeediyey Xoghayaha Olympikada soomaliya Mudane Taranbi , Cabdi Yare oo ka socday ururka dhalinyarada .

Xafladan shalay loo dhigay sanadguurada cayaaraha xagaaga Stockholm ayaa waxaa goobjoog ka ahaa oo iyaguna shahaado sharaf lagu guddonsiiyey dhanka warbaahinta Universal Tv Stockholm , TV Horseed iyo Somali Star TV.

Xafladan ka dib ayaa waxaa casuumaad casho sharaf ah martidii halkaa joogtay ilaa 30 qof u sameeyey labada TV ee magaaladan Stockholm Somali Star TV iyo TV Horseed oo iyaguna ka mid ahaa warbahintii la guddonsiiyey shahaado sharftii shalay.

Cayaarahan shalay ayaa waxaa goobjoog ka ahaa websiteka weyn ee Jowhar.com iyo wariyahooda weyn Mr Salah Mocallin oo halkaa wakiil uga ahaa websaydo badan oo Soomali ah xiiseeynayana cayaarahan xagaaga SEUKI 2008.

Cayaartan shalay ayaa waxaa cayaartii koowaad wada yeeshay kooxdii Champoinka aheeyd sanadkii 2007 Qaran oo ka dhisan xaafada Rinkeby iyo kooxda Streatham oo ka timid magaalada London waxaana halkaa cayaar ay aad ugu gacan sareeyeen kooxxda Qaran ay kooxdii Streatham uga badiyee 6-1 ku dhan.

Cayaartii labaad oo shalay ay dadkii sugayey 3 dhibcood u sii xisaabiyeen kooxda Ilamos oo ya wada cayaareen kooxda Göteborg ayaa waxeey noqotay cayaar dadkii daawanayey ay ku raaxeeysteen iyadoo labada kooxoodba ay isku awood ahaayeen oo aad hadana moodeeysay in kooxda Göteborg ay wax xooga ah firfircoonaayeen.

Cayaartan ayaa noqotay in kooxda Göteborg ay 1-0 ku suul daartay koox ka mid ah kooxaha la saadaalinayey in ay sanadkan koobka xagaaga SEUKI 2008 qaadi doonto.

 

 


Maxamed Cali Shirwac

Muqdisho
shirwac@ceelbuurnet.com

                         

 

 Contact us at: admin@ceelbuurnet.com     

        Copyright © 2007 ceelbuurnet.com