|
|
|
Xulka
Kubadda cagta ee Soomaaliya oo maanta
dalka ka ambabaxay iyagoo ku sii jeeda
dalka Ruwanda |
|
|
|
Xaflad lagu maamuusayay sii
sagootinta Xulka Kubadda Cagta ee Soomaaliya '
da'doodana ay ka yartahay 17- sano jirka ayaa saakay lagu qabtay
Hotel Muqdisho ee
degmada Wardhiigley ee Magaalada Muqdisho.

Xafladaasi waxaa ka soo qeybgalay
Gudoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta
Mudane Saciid Mugaambe , Gudoomiye Ku xigeenada Xiriirka
Soomaaliyeed , Agaasimaha
Guud Wasaaradda Dhalinyarada iyo Sportiga , Mas'uuliyiin iyo Marti
Sharaf kale .

Hadal uu halkaasi ka jeediyay
Gudoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta
Mudane Saciid Mugaambe ayaa waxa uu ka waramay kaalinta uu Xiriirka
ugu jiro
Horumarinta cayaaraha dalka iyo Barnaamijka haatan u qorsheysan
Xiriirka ee ku aadan
Kor u qaadidda cayaaraha gobolada dalka , waxa uuna sheegay in
dhowaan ay kormeer ku
tageen qaar ka mid ah Gobolada dalka , taasoo la doonayo in sare
loogu qaado
hanaanka Sporti ee Goboladaasi .

Mudane Saciid Mugaambe waxaa kaloo
uu ku dheeraaday kaalinta looga baahan yahay iyo
waajibaadka laga doonayo inay ka soo dhalaalaan cayaartoydii maanta
ka ambabaxaysay
dalka , kuna sii jeeday dalka Ruwanda , kuwaasoo la filayo in
halkaasi ay uga
qeybgalaan koobka bariga iyo bartmaha Afrika .

Sidoo kale waxaa munaasabadaasi ka
hadlay Xoghayaha Guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee
Kubadda cagta Mudane C/qani Saciid Carab , wuxuuna ka hadlay
waqtigii kooxda ku soo
diyaar garowday iyo dhibkii laga soo maray carbintooda , wuxuuna
kula dardaarmay
cayaartoyda Soomaaliyeed inay ilaaliyaan anshaxa iyo shuruucda u
taala Sportiga ,
isagoo sheegay in horumarka Sportiga uu ku xiran yahay hadba sida
loogu carbiyo
cayaartoyga shuruucda u taala Sportiga Qaaradda Afrika , wuxuuna u
mahad celiyay
Maamulka Dayniile Hospital doorkii uu ka qaatay dhiiri gelinta
Sportiga iyo kaalmada
wax ku oolka aheyd ee uu gudoonsiiyay Cayaartoyda Soomaaliyeed ee
maanta dalka ka
ambabaxaysay .
Intaa ka dib cayaartoyda ayaa yu
dhaqaaqday dhanka Airpor-ka Muqdisho , halkaasoo ay
ka dhoofeen iyaga iyo Mas'uuliyiintii Hogaamineysay wafdigaasi.
Qaar ka mid ah cayaaryahanada oo wareysi aan la yeelanay ayaa inoo
sheegay in ay
rajo fiican ka qabaan inay guulo wax ku ool ah ka soo hoyaan
cayaaraha ay ka
qeybgalaan , waxayna cadeeyeen inay tahay markii ugu horeysay oo ay
u baxaan dalka
dibadiisa , waxa ayna u mahad celiyeen Mas'uuliyiinta Xiriirka
Soomaaliyeed ee
Kubadda cagta .
Muuse Maxamuud Jiisow
jisow@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
025215576666
002521653623
|