|
|
|
Taratankii kubadda cagta ahaa ee Somali
Sport Leage oo shalay maalintiisii
labaad galay |
|
|
|
|
|
Cayaarihii Somali Sport Leage ee ka
socday galbeedka magaalada London ayaa maalintoodii labaad galay
shalay iyadoo ay wada cayaareen kooxaha Hil Top iyo Halgan cayaarta
labaadna Leicester iyo Wembley United.

Cayaarahan oo aad u xiiso badnaa
ayaa waxaa cayaartii hore wada cayaaray kooxha Hill Top iyo Halgan
iyadoo cayaartana ay guushii la hoyatay kooxda Hill Top oo 3-2 uga
badisay kooxda Halgan.
Cayaartii labaad ayaa waxaa iyadana
fooda is daray kooxaha Leicecter oo iyadu ka dhisan isla magaaladaa
Leiscecter iyo kooxda Wembley United oo ka dhisan xaafadda Wembley.

Cayaartan oo aad u adkeyd ayaa
waxaa kooxda Leicecter ay Wembley kaga guuleeysatay 4-3.
Cayaarahan ka socda galbeedka
magaalada London oo ay soo qabanqaabiyeen ururka Somali Sport Leage
ayaa waxaa yihiin cayaaro ay ka qeyb qaadanayaan kooxo aad u farsamo
badan kuwaasoo ay ka mid yihiin London Stars , Ilamos , Halgan , Al-
Hijra , Leicecter , Wembley United , Hill Top iyo waliba Horseed.

Kooxahan ayaa ilaa hadda waxaa soo
badiyey Ilamos ,London Star , Leicecter iyo Hill Top waxeeyna
leeyihiin min 3 Dhibcood .
Cayaarahan ayaa ilaa haatan wax
barbardhac ah aysan ku dhamaan iyadoo Jimcaha soo socdana aya wada
cayaari doonaan Ilamos Vs Al-Hijra iyo Horseed Vs London Stars.
- Cabdi Cumar
Afrax
- London
|