12-10-2009 11:01:22 Ceelbuurnet.com
KOOBKII RABADAANKA AY QABTEEN DHALINYADA GOBOLKA  HIIRAAN (Beledweyne)

Waxaa goore hore  ku soo gebgeboobay koobkii Rabadaanka oo ay soo qabaqaabiyeen  dhaliyarada Maamulka Sportiga  ee Gobolka Hiiraan.

Tartanka waxaa ka qeybgalay 8 kooxood oo ka kala dhisan xaafadaha gobolka . tartanka oo loo soo abaabuley si heersare ah ayaa waxaa  ay kooxaha soo bandhigeen ciyaar wanaag iyo asluub wanaag, kaas oo soo jiitay dad badan oo degan Gobolka oo dadka u soo waadasha tegi jiray ay Boqolaal  kor u dhaafeen.

Sideedka Kooxood e eka qeyb galay wax ay kala yihiin.

LA      MAGALAAY

2)     XAAWOTAKO

3)     ISBARTIIBO CITY

4)     ISBARTIIBO UNITY

5)     KOOSHIN

6)     GAADIIDKA

7)     LAABKA

8)     HOWLWADAAG

Waxaa gebgebadii tartanka isku soo haray labada kooxood ee gaadiidka iyo Isbartiibo City, waxeyna guushii raacday kooxdaha gaadiidka oo soo bandhigay ciyaaro hore aan hore loo arag, oo dad badan  soo xasuusisay ciyaarihii looga bartay Gobolka hiiraan Xiliyadii hore ee uu wadanka nadaba aheed.

Waxaa xaflada loo sameeyey oo loogu talagalay in lagu bixiyo abaalmarihii ay  kala muteysteen dhalinyarada tartankaan ka soo qeyb galay. Waxaa hadal kooban ka soo jeediyey.  Madaxa Olompicka Qaranka ee Gobolka Hiiraan mr abdikarin hassan qalaad(yaani) kaas oo ka hadley marxalada ay ku qabteen ciyaaraha, taasina ay tahay in dhalinyarada la dhiiro galiyo oo marxaladkasta loo qabqaabiyo tartamo sidaan oo kale  ah. Wuxuna mahad u soo jeediyey  dadkii gacan ka geestay in uu hirgalo tartankaan iyo dhamaan dadkii kala shaqeeyey iyo dhamaan bulshada  Gobolka oo jecel sportiga.

Wuxuuna mr yaani sheegay in kooxda koobka ku guuleystay ay tartamo ugaga qetbgaleyso gobolka Gedo mar dhaw.

News Editor
Ceelbuurnet.com
admin@ceelbuurnet.com
Muqdisho

                         

 

 Contact us at: admin@ceelbuurnet.com     

        Copyright © 2007 ceelbuurnet.com