12-06-2009 10:57:15 Ceelbuurnet.com
Ururweynaha SEUKI oo qabta cayaaraha xagaaga ka dhaca Stockholm oo soo gabagabeeyey howlihii diyaargarowga ee sanadan 2009 .

 

 

Ururweynaha SEUKI oo qabta cayaaraha xagaaga kubadda cagta ee ka dhaca magaalada Stockholm ayaa haatan soo afjaray howlihii baaxada lahaa ee isku diyaarinta cayaaraha xagaaga SEUKI 2009 oo 17 July ka furmi doona garoonka weyn ee Spånga IP ee magaaladan Stockholm.

 

Guddoomiiyaha ururweynaha SEUKI Mudane Shuute oo sanadkan hogaaminaya ururkan ayaa wuxuu haatan kooxaha u sheegayaa in wax walba ay diyaar yihiin waxaana noo haray uun in kubadda la bilaabo maalinta 17 July 2009 oo ah xilliga uu tartanku furmi doono.

 

Sanadkan ayaa waxaa uu ururka SEUKI ku dadaalay in wax laga badlo jiifka iyadoo la dagi doono meelo kala duduwan iyadoo sidoo kale dhalinyarada u imanaya cayaaraha xagaaga Sockholm ay sanadfkan heli doonaan waxyaabo kale oo ay ka mid yihiin barashada magaalada Stockholm oo ay ka caawin doonaan ha,ayadda Studiefrämjandet oo uu ururku sanadkan wada shaqeeyn la saxiixday.

 

Waxaa sidoo kale sanadkan cayaarahan ku soo biiray kooxo kale oo aad u adag oo hore uga cayaari jiriay cayaarihii kale ee ka dhici jiray isla magaaladan Stockholm.

 

 

Sanadkan 2009 ayaa magaalooyinka Stockholm iyo Toronto oo lagu kala qabto cayaaraha ugu waaweeyn ee Europe iyo North America  waxaa ka dhici doona hal hal cayaar iyadoo taasina ay sare u qaadi doonto tayada ay yeelan doonaan cayaarahan ka kala dhacaya Stockholm iyo Torornto.

 

Ururka SEUKI oo hore u qaban jiray koobka ugu adag ee ka dhaca Yurub hadana ah ururka kaliya ee qaban doono cayaaraha ugu daawashada badan uguna weyn Yurub ayaa waxaa haatan ku soo biiray ilaa 3 koox oo aad u adag taasoo sanadkana koobka ka dhigi doonta mid aad loo xiiseeyo maadama ay ka soo qeyb galayaan kooxo aan kala dhicin.

 

Waxaa kale oo koobka sanadkan sii adkeeynaya go,aan uu ururka SEUKI ku gaaray qorituurkii cayaarahan 2009 taasoo lagu go,aansaday in labada koox ee ugu dhibco yaraada tartanka ineey baxayaan hal sano iyadoo lagu soo badli doono laba koox oo kale taasoo tartankan tayo u sii yeeli doonto iyadoo sida aan haatan maqalnay ay kooxuhu isi soo adkeeynayaan iyadoo koox walba ka carareeysa ineey hoos koowaad ama labaad ka gasho.

 

 

 

 

Cayaaraha xagaaga SEUKI 2009 oo ah cayaaraha ugu adag ee ka dhaca Yurub yaa sanadkan ku guuleeysan doona adigoo ku qayaasaya kooxda aad is leedahay waxeey noqon doontaa Championka SEUKI 2009 ( Halkan riix)

 

 

News Editor
Ceelbuurnet.com
admin@ceelbuurnet.com
Muqdisho

                         

 

 Contact us at: admin@ceelbuurnet.com     

        Copyright © 2007 ceelbuurnet.com