|
|
|
Maanta oo kooxihii ka qeybgali
lahaa cayaaraha xagaaga SEUKI 2007 soo
bilaabanayaan iyadoo guddiga
qabanqaabaduna uu soo gabagabeeyey
howlihii garoonka. |
|
|
|
Waxaa Maanta oo ay bishu tahay 12
July biloowday imaanshaha kooxihii ka qeyb galilahaa cayaaraha
xagaaga SEUKI 2007 iyadoo maantana ay soo dagayaan kooxaha Finland ,
Holland , Norway , iyo kooxda Halgan oo ka socta England.

Kooxahan ayaa waxeey u soo
diyaargaroobeen sidii ay Tournementtigan uga qeyb qaadan lahaayeen
iyadoo koox waqlba ay xisaabta ku soo darsatay ineey koobka sanadkan
hanato.

Waxaa iyaguna howlahoodii ay
gabogabo mareeysaa ururka qabanqaabada oo iyago howlahooda soo waday
muddo sanad ah iyagoo diyaariyey sanadkan garoon cagaar ah isla
markaana ku xiray fadhigii ay daawadayaashu fariisan lahaayeen
iyagoo waliba martida ugu tala galay fadhi VIP ah oo martida u qaas.

Waxaa kale oo uu ururku diyaariyey
dhalinyaro ka timid xafiiska shaqada isla markaana mudadan 2 week ah
ka shaqeeynaya garoonka nadaafadiisa iyo waliba soo qabashada
kubadda dhalintan oo ka muuqada sawirkan kore.

Cayaarahan ayaa waxaa ay furmayaan
maalinta 14 July oo ku beegan sabtigan soo socda iyadoo ay cayaarta
koowaadna furayaan kooxdii koobkii hore haysatay ee xiddigaha
Rågsved iyo kooxda Sonpet ee dalka Finland.

Cayaarahan ayaa waxeey leeyihiin
xiiso gaar ah maadama ay isku arkayaan kooxha kala heeysta koobabka
Canada iyo England iyo Sweden kuwaasoo kala ah Xiddigaha Rågsved oo
heeysata koobkii SEUKI 2006 , London Stars oo heeysta koobkii ka
dhacay Toronto 2007 iyo Ilamos oo heeysata koobkii ka dhacay North
London 2007.
- Garaad Salaad Xirsi
- garaadcadde@hotmail.com
|