15-08-2007 00:33:42 Ceelbuurnet.com
 
 Ururada Somali Sport Leage iyo SEUKI International oo si wadajir ah casho ugu sameeyey marti sharaf Sport

Ururada Somali Sport Leage iyo SEUKI International ayaa si wada jir ah waxeey casho sharaf u sameeyeen bah Sport oo ka kala yimid wadamada UK , Canada , iyo Sweden iyagoo casho sharaftaasna ay iska kaashadeen Maxamed Buube , Axmed Bile , Maxamed Khaliif , Bile Cali Xamaali ( Ex MBC ) iyo Cabdirasaaq Seef.

Dadka marti sharafta ahaa ee cashadan loo sameeyey ayaa kala ahaa Cumar Ganjab , Cantar Jeenyo ,  DaaŽuud Dheere  oo reer Canada ah kana mid ah xiddigihii hore ee dalkeena  iyo Maxamed Sheekh oo reer London ah iyo Cabdi Afrax oo ka tirsan masuuliyiinta ururka SEUKI kana yimid wadanka Sweden.

Cashadan ayaa waxaa ay ka dhacday Bar casri ah kuna yaal xaafadda Hammar Smith waxeeyna martidu is dhaafsanayeen sheekooyin u badan cayaarihii ka dhici jiray dalkeena waliba waagii barasamaadkii.

Ururka Somali Sport Leage ayaa isagu wada qabanqaabada cayaaraha haatan ka socda garoonka cagaarka ah ee Stron brige Bark halkaas oo ay ku tartamayaan 8 kooxood oo ka dhisan dalkan UK iyadoo uu ururku xitaa wado qorshe uu kaga qeyb qaadanayo tartan lagu magacaabo Inter City tartankaas oo ay isku arki doonaan kooxo ka kala yimaada jinsiyadaha kala duwan ee ku dhaqan dalka Ingriiska iyadoo kooxda Soomalidana uu soo xuli doono macallinkii laba goor ku guuleeystay macallinka ugu wanaagsan isagoo loogu aqoonsaday tartamadii ka kala dhacay Toronto iyo Stockholm macaalinkaas oo lagu magacaabo macallin Daahir Gacameey.

Cayaarahan Inter City ayaa sanadkan waxaa uu ururka Somali Sport Leage rajeeynayaa in kooxda Soomalidu ay meel fiican ka gaari doonto insha allah.

Cabdi Cumar Afrax
London

                         

 

 Contact us at: admin@ceelbuurnet.com     

        Copyright © 2007 ceelbuurnet.com