Ururweynaha SEUKI oo doortay maamul cusub oo haga ururka cayaaraha xagaaga dhici doona 2013 iyadoo guddoomiye loo doortay Feyasl Makaraan

Ururweynaha SEUKI oo ah ururka dhalanyarada ee cayaaraha iyo dhaqanka Yurub ahna ururka soo qabanqaabiya cayaaraha xagaaga ka dhaca magaalada Stockholm ayaa wuxuu doortay maamul cusub oo ururka hogaanka u qabta cayaara sanadeedka 2013 ka dhici doona hadii allaha awooda lihi ogolaado magaalada Stockholm.

Xafladda lagu magacaabay Guddoomiyaha ururka ayaa waxaa ka soo qeyb galay bahweeynta Sportiga magaalada Stockholm oo iskugu jiray gabdho iyo wiil iyo sidoo kale odayaal iyo kooxaha degan Stockholm ee ka qeyb qaata tartanka uu soo qabanqaabiyo ururku.

Guddomiye ayaa waxaa uu ururku u doortay sanadkan Faysal Makaraan oo ka mid ahaa xubnaha ururka ahna ruux shaqo badan soo qabtay , waxaa sidoo kale la dhameeystiray oo la doortay xubnihii dhimanaa ee ururka iyadoo loo dhisay sidan hoos ku qoran.

Xogheyn ---------------- Abdihodan Afrah

Qasneeji----------------Abdiwali Maalin

Gudd ku xigeeyn-----------Ahmadeey Barseeye

Masuulka dhalinyarada --------- Abdi Azizi Hussein Egal ( Daalo )

Farsamada -------------  Bile Cali Xamaali ,Sacad Geedi , Seef

Garsoorayaasha --------- Axmed Saalax Diinaash

Maxamed jaamac ( MJ ) ------------ Mediyaha

Xafladda caleemasaarka oo uu xiriirinayey xoghayaha ururka SEUKI Abdihodan Afrah waxaa markii ugu horeeysay aayadaha quraanka ku furay Sabriye Gaaboow oo ka mid ah odayaasha Sportiga Sweden , ka dib waxaa halkaa ka hadlay ha,yadaha ururka ka caawina dhanka dhaqaalaha oo uu ugu horeeyey Maxamuud Sheekh Ibraahim oo ka socday shirkadda xawaaladda Dahabshiil , Ibrahim buraale oo isna ka socday islamiska förbundet iyo Iskolka Al Azhar , iyo maxamed cabdi oo ka socday xawaaladda sahal Express.

Waxaa sidoo kale halkaa ka hadlay cayaaryahnkii hore kooxda Jeenyo bashiir Jeenyo , ururka xaawo taako Sahra Barqadle iyo cali Garaash waxaana ka dib halkaa loogu mahad celiyey guddoomiyihii hore ururka Cabdi casiis daalo shaqdii uu soo qabtay waxaana xilka lagu wareejiyey guddoomiyaha cususb Mr faysal Makaraan.

Guddomiyaha cusub ayaa wax xoogaa ka warbixiyey howlaha ururka ku soo foolka leh iyo u diyaargaroowga cayaaraha xagaaga SEUKI 2013.

Xafladan oo lagu qabtay Jubba Restraung ayaa u dhacday si aan caadi aheeyn oo aad u heer sareeya.

 

News Editor
Ceelbuurnet.com

n @ceelbuurn

Contact us at: admin@ceelbuurnet.com adm et.co

Copyright ? 2007 ceelbuurnet.com