Guddoomiyaha Guddiga
Sporiga iyo dhaqanka magaalada Atlanta Dr Cali Cusman Cali oo
hambalyo u diray Guddoomiyaha gobolka Benadir Mudane Maxamuud Axmed
Nuur ( TARSAN )
Gobolka Benaadir iyo
Dawladda Hoose ee xamar waxa waajibaadkooda ugu horeeyo ka mid ah in
la hormariyo Nabadgelyadda iyo arrimaha Bulshada kuwaa oo runti soo
celin kara karaamadii Magaaladda Madaxda Dalka Somaalia ee Mogadishu
oo ah Muraayadda Qaranka Soomaaliyeed isla markaana leh Taarikh aad
iyo aad u fac weyn wallow ay dagaaladii sokeeyey
waxyeeleeyeen.
Markii Mudane Maxamuud
Axmed Nuur(TARSAN) loo soo magacaabay in uu Gobolka Benaadir
Hogaamiye,waxa uu durbadiida diiradda saaray qodobadda kala ah
Nabadgelyadda,unkidda ilo dhaqaale,horumarinta Arrimaha Bulshadda
gaar ahaan ISBOORTIGA,ka hortegidda warqadaha been abuurka ee ku
saabsan lahaanshaha dhulalka iyo soo celintii bilicdii magaalaadda
Muqdishu.
Waxaanu maanta
qormadeyna ku soo qaadaneynaa waxqabadkii Gobolka Benaadir ee dhanka
Isboortiga mudadii yareyd oo uu hogaaminaayey Halyey Maxameu Axmed
Nuur(TARSAN) oo maanta Taarikhda Ummadda Soomaaliyeed ka galay
meelaheeda qiimaha leh una huray Gobolkaani wax alla waxii awood ah
oo sharciga u saamaxaayo.
Mudane Maxamuud Axmed
Tarsan oo ka mid ah khabiiradda Isboortiga Soomaaliyeed si mug lehna
u garanaayo doorka uu Isboortiga qaadan karo,ayaa isagoo
khaashanaayo saarakiisha isaga la shaqeyso ayaa waxa la go'aansaday
in diiradda la saaray abaabulka Isboortiga Gobolka Benaadir oo leh
cudud dhalinyaro oo aan la dhayalsan karin si loo abuuro jawi
saamaxaayo is dhexgel ku wajahan in xididaha loo siibo colaad
hadaafka ah oo la dhex dhigay bulshadeena iyado laga lahaa arrimo
Siyaasadeed.

Gudoomiyaha Gobolka
Benaadir Mr. TARSAN markii uu arkay ahmiyadda uu Isboortiga u
leeyahay abuuritaanka dhalinyaro leh cudud mideysan oo u heelan ka
qeyb galka horumar kasto oo ku aadan Qaranka Soomaaliyeed,markii la
arkay in uu dhalinyaradda ku toosinaayo tubta toosan madaama
Isboortiga laga barto Ixtiraam iyo kala dambeyn,ayaa Gudoomiyaha
Gobolka Benaadir Mudane TARSAN isagoo khaashanaayo Gudiyadiisa kala
duwan ee Gobolka Benaadir ayaa waxa lagu dhiiradda in la abaabulo
Tartamo Isboorti ee Gudaha iyo Dibaddaba leh oo Magaca Gobolka
Benaadir looga qeyn galo,waxaana Sanadkii aanu soo dhaafnay ee 2011
lagu dhiiraday in la abaabulo kuwa soo socdo.
1)Tartankii Caasimadaha
Dalalka Afrika oo lagu qabtay Dalka Keenya Magaaladda Madaxdiisa ee
Nairobi oo ay ka qeyb galeen Gabdho iyo Wiilal Kubadda Koleyga ah oo
ku ciyaaraayey Magaca Magaaladda MUQDISHU.
2)Ka qeyb galkii
Tartankii Goboladda ee lagu qabtay Magaaladda Garoowe oo ay ka soo
qeyb galeen illa 18 Gobol,laguna Tartamaayey Kubadda Cagta Halkaa oo
ay Ciyaartoydii ku Ciyaareysay magaca Gobolka Benaadir ku
guuleysatay Kaalinta Koowaad iyago si sharaf leh u daafacay magaca
Magaaladda Madaxda Qaranka Soomaaliyeed halkaa ka soo qaatay Koobkii
Kowaad iyo Biladii Dahabka aheyd oo loo tartamaayey.....waxaana ay
Garoonka Aaden Cadde International ka soo degeyn iyagoo oo uu
hogaaminaayo Mudane Maxamud Axmed Tarsan,halkaana ay ku soo
dhaweyeen bulshadda Gobolka Benaadir oo aan u kala
harin.
3)Mudane TARSAN
Gudoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Magaaladda Muqdishu waxa uu
kula kulmay Magaaladda DOHA ee Dalka QATAR Gabdhaha Xulka Qaranka ee
ka qeyb galaayey Tartankii carabta,waxaana isagoo ku hadklaayo
Magaca Ummada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey Guushaasi Taarikhiga oo
ay gaareen,taa oo geli doonta taarikhda .
4)Waxa gacanta lagu
hayaa barnaamij lagu mataaneynaayo Gobolka Benaadir iyo Ha'aydo
Isboorti ee Atlanta oo shirkii ugu horeeyey ee gogolxaarka ahaa la
qabtay(PRELIMINARY MEETING),ka a oo la wadi doono inta laga
gungaaraayo.
5)tartankii Degmooyinka
Gobolka Benaadir ee Kubadda Cagta oo abaabulkiisa ay lahaayeen
Madaxda Gobolka Benaadir oo uu ugu horeeyo Gudoomiyaha Gobolka
Benaadir Mudane TARSAN oo weliba awood u helay in uu keeno
Furitaankii iyo Xiritaankiiba Madaxweynaha Ummada Soomaaliyeed
Mudane Shekh Shariif Shekh Axmed arrinta oo ah guusha weyn oo uu
Gobolka Benaadir gaaray uuna cadeeyey addunweynaha in maanta lagu
guuleystay in la nabadeeyo Gobaalkaani,waxaa kaloo ay Gobolka
Benaadir Ku guuleysteen in Degmooyinka Gobolka Benaadir ay maanta
soo bandhigaan Cuduudooda ,addunka ay tosaan in ay maanta Ummadda
Soomaaliyeed ay gacmaha is qabsatay.
Anigoo ah Mudane Dr.
Cali Cusmaan Cali oo Isboortiga Soomaaliyeed ku soo dhex jiray muddo
aad iyo aad u dheer garanaayana ahmiyadda uu Isboortiga uu u
leeyahay isu keenidda shacabka ayaan waxaan halkaa Hambalyo iyo
Mahadnaq aan la koobi kari u jeedinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda
Soomaaliyeed Mudane Shekh Sharif Shekh Axmed iyo Gudoomiyaha Gobolka
Benaadir ahna Duqa Magaaladda Muqdishu Mudane Maxamuud Axmed TARSAN
oo shacabka Soomaaliyeed u muujiyey ahmiyadda ay nabadda leedahay
isla markaana u cadeeyey in ay kala qeyb galayaan dardargelinta soo
celinta Nabadda iyo kala dambeynta.
GUUL UMMADDA
SOOMAALIYEED
GUUL GOBOLKA
BENAADIR
MABADDA HA
WAARTO.