|
|
|
Heshiis hormuud u noqon kara qaadista
isbaarooyinka u kala dhaxeeya ururada
qabanqaabiya cayaaraha ee Yurub iy
Ameerika oo ay labada urur ee SEUKI iyo
EuroSom ku kala saxiixdeen magaalada
Leicester ee dalka UK |
|
|
|
Ururada waaweeyn ee EuroSom iyo
SEUKI ayaa ku dhiiraday markii ugu horeeysay in ay wada saxiixdaan
heshiis ay labada urur ku mideeynayaan waxqabadkooda islamarkaana
horseed u noqon kara wada shaqeyn buuxda oo dhexmarta dhamaan
ururada Sport ee ka dhisan Yurub iyo Amerika.

Labadan urur oo hore uga wada
tirsanaa tartankii xaaga ee ka dhici jiray Stockholm ayaa ururka
EuroSom waxaa uu gooni isku taagay sanadkii 2003 halka ururka SEUKI
na uu maamul gaar ah sameeystay 2005.

Labadan urur ayaa ka dib markii ay
arkeen baahida loo qabo in si wada jir ah wax loogu qabto Sportiga
Somaalida qurbajoogta ah iyo kan Soomaliyaba waxeey isla meel
dhigeen ama kala saxiixden qudaba hoos ku qoran .

1-
Qabashada cayaaro saaxiibtinimo oo isu soo dhaweeyan kara
dhalinyarada ka qeybgaleeysa tartanada ay qabanqaabiyaan labada urur.

2-
Soo wada xulidda ciyaartooyda mustaqbalka fiican ku leh ciyaaraha
kala duwan si ay ugu raadiyaan naadiyo ay la tababartaan si loogu
kordhiyo xirfadaha iyo tayada aqooneed isla markaana u matalaan
dalkoodii hooyo.

3- Sameynta guddi farsamo oo
ka kooban labada dhinac oo arintaas fulinteeda iyo ka mira
dhalinteeda u xilsaaran.

4-In ay si wada jir ah u
raadiyaan dhaqaalihii lagu fulin lahaa tartanada ayqeybgalayaan
cayaartooyda magaca Soomaliyeed mataleeysa.

5- Isla socodsiinta
tartanada iyo barnaamijyada kale ee labada urur soo qabanqaabiyaan
si ay u fududaato howlaha wada shaqeeyneed.

6- In labada dhinac ay is
weeydaarsadaan aqoon kororsi iyo waaya-aragnimo ku saabsan xirfadaha
kala duwan ee hormarinta dhalinyarada Soomaliyeed.

Labadan urur waxeey mahad gaar ah u
celinayaan guddiga Olompikada Soomaliyeed oo iyagu ku dadaalay in uu
dib u habeyn ku sameeyo sharciyadii GOS , kaas oo u sahlay in uu si
hufan u guto waajibbaadkaas.

Heshiiskan ayaa waxeey labada urur
ee EuroSom iyo SEUKI ku kala saxiixdeen magaalada Leicester uu uu ka
dhacayey shirsanadeedka iyo qorituurka 2008 ee ururka EuroSom iyadoo
ay heshiiskana dhanka EuroSom uu u saxiixay guddoomiye Maxamed Diini
dhanka SEUKI na uu u saxiixay guddoomiye Cabdi Cumar Afrax.

Goobta uu heshiiskan
ka dhacay ayaa waxaa ku sugnaa masuuliyiin ka soctay Guddiga
Olompikada Soomaliya iyo odayaal Sport oo ciso iyo sharafba ku dhex
leh bahda Sportiga waxaana masuuliyiintii halkaa joogatay ka
mid ah.

Guddomiye ku xigeenka guddiga
Olompikada Soomaliya Mudane Duran Farax Axmed

Guddoomiye ku xigeenka xiriirka
kubadda koleyga Soomaliya Mudane Baana Cabdalla Cali

Tababaraha xulka kubadda koleyga
Soomaliya Mudane Cumar Anyeelo

Guddomiyaha iyo guddomiye ku
xigeenka naadiga Elman ee Soomaliya Mudane Axmednuur Cabdulle iyo
Cabdulqaadir Axmed Jamac.

Waaxaa kaloo halkaa goobjoog ku
ahaa odayaal Sportiga Soomaliya magac ku lahaa oo ay ka mid yihiin
Prof. Muusa Maxamed Naasir oo dadku ay u yaqaanaan Macalin Muusa
shirkana uga yimid magaalada Canada.

Adan Maxamed Nuur ( Oor)
Macallin Bashiir Cabdi Daahir
Muriidi Zien
Axmed Sabriye Gaaboow
Cabdulqaadir Maxamed Faarax (
Birirq).

Shirkan oo ay soo qabanqaabiyeen
EusoSom Leicester oo uu hormuud u yahay Cabdullahi Axmed Saneey ayaa
dhanka SEUKI waxaa uga qeyb galay Gudoomiyaha ururka Cabdi Cumar
Afrax iyo Guddoomiya farsamada SEUKI Sheekh Mukhtaar Shuute halka
dhanka EuroSom ay uga qeybgaleen Guddoomiye Maxamed Diini iyo
Xogheynta Maxamed Cali Looloow.

Waxaa iyaduna xusid mudan in
dhamaan xubnaha ururka EuroSom ay halkaa ku dhamaayeen iyadoo uu
halkaana joogay taftiraha websitka Somalisc oo isagu runtii howlo
badan oo dhanka warbaahinta ah ka hayey halkaa.

Labadan urur ayaa waxeey albaabada
u furayaan ururkasta oo Sport oo diyaar u ah waxwadaqabsi dhexmara
iyo in ay u wada daneeyaan Sportiga Soomaliya oo u baahan taakuleeyn
xoog leh.

Mohamed
Sheikh Nuur
shikha114q@hotmail.com
|