11-08-2007 11:28:04 Ceelbuurnet.com
 
Cayaarihii xagaaga ee Somali Sports Leage oo si habsami leh shalay uga furmay galbeedka magaalada London 

Cayaarihii xagaaga ee Somali Sports Leage oo sanad walba lagu qaban jiray galbeedka magaalada London ayaa shalay si habsami leh loo furay iyadoo ay ka soo qeyb galeen bahdii Sportiga badankood kuwaasoo iskugu jiray kuwo deggan magaalada London iyo kuwo marti ku ahaa oo ka kala yimid wuqooyiga Amerika iyo Yurub.

Ilamos

Sidii ay qorsheeyeen guddiga Somali Sports Leage oo iyagu soo qabanqaabiyey tartankan ayaa waxaa Programka lagu furay aayadaha quraanka iyadoo ka dib uu halkaa marti sharafta ku soo dhaweeyey guddoomiyaha guddiga qabanqaabada Somali Sports leage Gudoomiye Maxamed Buube  sidoo kale waxaa  halkaa ka hadlayodayaashii Sportiga oo isugu jiray qaar iyagu hore uga tirsanaa maamulkii Sportiga dalkeena halka qaar kalana ay ahaayeen cayaartooydii hore ee u safan jiray naadiyadii dalkeena iyo waliba xulka Qaranka Soomaliya .

Horseed

Waxaa xusid mudan oo aan hore loogu arkin goobaha cayaaraha lagu qabto inan da,yar oo Soomaliyeed oo lagu magacaabo Mahad Ismaaciil Xaaji Nuur oo halkaa ka dhawaajiyey astaantii dhawaaqa heesta calanka iyadoo halkaana dadkii iskugu yimid ay la qaadayeen heesta.

London Star

Guddiga ayaa iyagu waxeey diyaar garoow u soo galeen qabashada koobkan ay isku arki doonaan 8 koxood iyadoo shalayna ay wada cayaareen kooxaha Ilamos Vs Horseed cayaartas oo gabgabadeedii ku dhamaatay 2-1

Al - Hijra

Cayaartii labaad ayaa waxaa iyaguna wada cayaaray kooxaha London Stars oo iyadu ka dhisan galbeedka magaaladan London iyo Al- Hijra oo ka dhisan wuqooyiga waxeeyna cayaartan kooxda London Stars ku quusiyeen Al-Hijra 6-2.

Cayaarahan ayaa waxaa guddiga qabanqaabada ka caawiyey dhinaca dhaqaalaha Ganacsade Soomaliyeed oo daggan magaaladan London laguna magacaabo Ismaaciil Xaaji Nuur iyadoo aysan aheeyn markii ugu horeeysay oo uu ka qeybqaato hormarinta Sportiga Soomalida uuna yahay runtii shaqsi ku dayshao mudan .

Cayaarahan ayaa waxeey socon doonaan ilaa 02 Stember iyadoo lagu cayaari doono garoonka Storn Brige Park waxaa sidoo kale xusid mudan in cayaarahan oo shalay ay goobjoog ka aheeyd shabakadda warbaahinta Ceelbuurnet.com qeeybteeda Sportiga iyadoo sidoo kale aad cayaarahan kala socon doontaan www.ceelbuurnet.com/sport.html .

 

Marti sharafta halkaa shalay joogtay ayaa waxaa ka mid ahaa Dr Cunaaye , Soomareey , Seeyga Ruushka , Xaaji Iimaan, Shiino Guhaad , Cumar Ganjab , Biyooleey , Cantar  Jeenyo , Maxamed Muslimiin , Biriq , Macallin Joon ,Deeysane , Xasan Xuseen , Baaba Jeey, Cabdulaahi Yusuf iyo maalgaliyihii tartanka Mr Ismaciil Xaaji Nuur .

 

 

 

Cabdi Cumar Afrax
London

                         

 

 Contact us at: admin@ceelbuurnet.com     

        Copyright © 2007 ceelbuurnet.com