Guddiyada Sportiga
gobolada OHIO iyo Atlanta oo ka wada irsan dalka Mareykanka oo
maanta wada Ciiday
Maanta oo kale Nov 24.2011 waxa
dalka Mareykanka oo idil ay tahay maalin shaqadda laga nasanaayo taa
oo soo jirtay muddo aad iyo aad u fog,waxaana isa soo boqda
asxaabta,qaraabadda iyo inta uu ka dhaxeeyo
sokeeyanimadda.
Iyado haddaba laga duulaayo
ahmiyadda ay maalinta leedahay ayaa waxa booqasho sharaf ku yimid
magaaladda Atlanta Guddiyadda Isboortiga ee ka socday Gobolka OHIO
taa oo aad iyo aad sharaf iyo qiimo u laheyd dadweynaha ku nool
Magaaladda Atlanta oo lagu yaqaano soo dhaweynta Marti sharafka gaar
ahaan kuwa Isboortiga taa oo ay Magaaladda Atlanta ku muteysatay
sharaf aan la qiyaasi karin.....waxaana maanta Casuumad qado loo
sameeyay Guddiga Isboortiga ee OHIO...halkaa oo la isku dhaafsaday
is marxabeen oo ay ka muuqatay jawi farxadiisu ay aheyd mid
sareysa.

Waxaana Kooxihii ka socday Atlanta
iyo Ohio dhexmaray Ciyaar saaxiibtinimo aheyd oo ay labadda
Kooxoodba ku soo bandhigeen farsamo Ciyaareed oo aad iyo aad u
sareysay taa oo soo jiidatay dadweynihii ka soo qeyb galay,waxaana
ugu dambeyntii Ciyaartii ku guuleystay Kooxdii ka socotay Gobolka
Ohio,halkaa oo loogu tumay sacab aad u fara badan oo ruuntii
Taageerayaasha Reer Atlanta ay ku soo bandhigeen sida ay ugu jajaban
yihiin Isboortiga...waxaana lagu ballansanyahay in Ciyaar kale ay
dhexmarto Labadaa gobol Maalinta Jimcaha oo ay Taarikhdu tahay Nov
25,2011...Iyadoo Ciyaarta Finalka la ciyaari Doono Maalinta Sabtida
oo Kooxdii dhibco badan ay ku guuleysan doonto Koobka lagiu
Tartamaayo....waxaana idin ballanqaadeynaa in natiijadda kama
dambeysta ah aan idinla socodsiino haddi Ilaah
Yiraahdo.



