Kooxda Kubadda cagta Xulka Qaranka Soomaliya oo maanta barbardhac guul u dhiganta la galay xulka dalka Ethiopia

 

Xulkeena kubadda Cagta Qaranka Soomaliya ayaa cayaar ku beegneeyd isreereebka cayaaraha aduunka oo marka hore la isku soo reebo qaarad qaarad la yeeshay xulka dalka aan dariska nahay ee Ethiopia iyadoo ciyaartana lagu ciyaaray garoonka weyn ee Xasan Guuleed Stadion oo ku yaal magaalada Dijabouti .

Ciyaartan oo aheeyd lugtii koowaad ee is aragga dhex mari doona Soomaliya iyo Ethiopia ayaa cayaartan lagu ciyaaray dalka Djibouti oo runtii fursad noo siiyey inaan u isticmaalno home ahaan , iyadoo lugta labaad ee cayaartana ay ka dhici doonto magaalada addis Abeba ee dalka Ethiopia.

Waxaa sharaf weyn ah in dhalinyarada matalayey xulka qaranka Soomaliya ay cayaartan u babac dhigay xulka Ethiopia iyadoo xitaa ayba ku dhaweeyd in ay badiyaan balse ay iska qasaariyeen dhowr fursad oo muhiim ahaa.

Guusha maanta u soo hoyatay xulka qaranka Soomaliya ayaa la dhihi karaa wuxuu ku yimid dadaal iyo xiriir wanaagsan oo dhexmaray xiriirka kubadda cagta Soomaliya iyo qurbajoogta iyadoo haatan uu xiriirkana biloow yahay ayaa waxaa la filayaa inuu noqdo mid mira dhala.

Ciyaarta labaad ayaa waxaa xulka Soomaliya looga fadhiyaa ineey tiigsadaan guul maadama ay xulka Ethiopia niyad jab ku tahay barbardhaca ciyaartan koowaad isla markaa uu saaran yahay walwal aad u badan maadaama dalkooda lagu ciyaarayo.

Cayaarta maanta dhex martay xulka qaranka Soomaliya iyo Xulka dalka Ethiopia ayaa waxeey gabagabadii ku soo itlaatay 0-0.

 

News Editor
Ceelbuurnet.com

n @ceelbuurn

Contact us at: admin@ceelbuurnet.com adm et.co

Copyright ? 2007 ceelbuurnet.com