Waxa dhawaan Magaaladda ANN ARBOR ee ka tirsan Gobolka MICHIGAN hareeyey Jawi Islaanimo,Soomaalinimo iyo Isboortinimo ka dib markii ay Halyeeyo Isboortiga Soomaaliyeed u soo kifaaxay Magac iyo Maamusna ku lahaa ay Boqosho sharaf ugu tageen Ciyaaryahankii Caanka ahaa ee Axmed Cabaas Busuri oo ka tirsanaa Xulka Qaranka Kubadda Cagta iyo Naadigii Muqdishu madaama aysan arkin muddo aad iyo aad u fog,waxa kaloo boqoshadoodu ku taxaluqday in ay soo arkaan halka uu marayo Caafimaadkiisa isla markaana ay u duceeyaan in uu Ilaah ka qaado dhibka Caafimaad oo waayahan la soo deristay.
 
Halyeeyadda Isboortiga ee halkaa tegay waxay kala ahaayeen,Maxamed Faarax Damdamis,Mukhtaar Cuti,Bashi Cali Baashi iyo Busuri Tafatiraha Xiddigaha.Com.,Dr.Cali Cusmaan Cali iyo Caydiid Jeenyo oo ka socday Atlanta,waxa Magaaladda Virginia ka yimid Khaliif Riiko iyo faysal Qaldaan,Gobolka OHIO waxa boqoshadda uga qeyb galay Bashiir Geele iyo Mahad Yare,Waxa odayaal shirkaa ka ahaa Axmed Carab oo Taarikh fog ku leh Isboortiga Soomaaliyeed gaar ahaan Kubadda Koleyga isagoo ka mid ahaa Xulkii Qaranka Kubadda Koleyga ee 1970kii.isla markaana soo noqday tababaraha Xulka Qaran Soomaaliyeed muddo dhaa 10sano,waxa kaloo halkaa Joogay Mudane Yuusuf Kolumbos oo mar soo noqday Wasiir ka tirsan qaranka Soomaaliyeed iyo Inj. Cumar oo PHD ku haysta Cilmiga Injineeriyadda,waxaana shirkaasi qadka Teleefoonka uga qeyb galay Mudane xasan Jilicow Maslax oo mar soo ahaa Kuxigaha Duqa Magaaladda ee qeybta Maaliyadda,Axmed nuur Maxamed xaashi(Seyga Ruushka) Gudoomiyaha Mideybta Isboortiga Qaranka Soomaaliyeed,Xaaji Macow Sid Barakow oo ahaa Ciyaaryahankii ugu wanagsanaa ee ka Ciyaara Lambarka 11aad ee soo mara Qaranka Soomaaliyeed iyo Cabdisamada qaasim oo ka tirsanaa Naadigii Muqdishu.
 
Waxa ugu horeyntii halkaa ka hadlay Maxamed faarax Dabdamis...waxaana uu marka hore u mahadceliyey Jaaliyadda magaaladda ANN ARBOR sida ay iskugu duubantahay taa oo runti ah mid mudan in lagu daydo,waxaana uu cadeeyey in ay maanta Farxad u tahay dhamaan Bahweynta Isboortiga ee halkaan timid si ay u soo booqdaan Walaalkooda Axmed cabaas,taa waxay caddeyneysaa in Bahda Isboortiga ay weli isku duubanyihiin,isagoo ka oday ahaan ballanqaaday in ay sii adkeyn doonaan iskuduubnaantaasi,waxaana uu Ilaah uga baryey Halyey Axmed cabaas in uu siiyo Caafimaad taam ah,isagoo ka soo qeyb galayaashii ka codsaday in ay Faataxadda u akhriyaan mar kastoo ay oogaan Salaadda.
 
Waxa kaloo halkaa ka hadlay Mudane Yusuf Kolombos,Axmed Carab iyo Inj.Cumar Maxamed Axmed oo dhamaanttood ka tirsan Jaaliyadda ANN ARBOR iyagoo ku tilmaamy bulshadda Isboortiga mid caafimaad qabta,waxay kaloo qireen in aysan jirin bulsho saa iskuugu duuban isla markaana sida iskaaga warqabta.....waxayna mudanyihiin in lagu da'ydo waayo waxa Bulshadani ay sameysay waa arrin geli doontaa taarikhda.....waxayna ballan ku qaadeen in ay xiriir la yeelan doono bulshadaan caafimaadka qabta,iyagoo akhiritaankii u duceeyey Halyeey Axmed Cabaas oo taariikh dheer ku leh Isboortiga Soomaaliyeed isagoo Naadi iyo Qaranba u Ciyaaray,waxaana Jaaliyadda Reer ANN ARBOR halkaa ku kasbadeen sacab badan.
 
Waxa ugu dambeyntii khudbadii qaatay Dr. Cali Cusmaan Cali oo marka hore mahad aan la koobi karin u jeediyey Jaaliayadda ANN ARBOR sida qiimaha leh oo ay u soo dhaweeyeen Halyeeyadaan Isboortiga oo maanta soo booqday Saaxiibkood Axmed Cabas Busuri,waxaa kaloo Dr. Cali Cusmaan uu ka warbixiyey Doorarkii uu ka soo qaatay Isboortiga Soomaaliyeed gaar ahaan Kubadda Koleyga oo uu ka mid noqday Ciyaartoydii Xulka Qaranka isla markaana uu tababare u soo noqday Xulka Qaranka,waxaana uu Dr. Cali Cusmaan isagoo qiireysaan uu cadeeyey in Axmed Carab uu soo kifaaxay Horumarinta Isboortiga Soomaaliyeed gaar ahaan Kubadda Koleyga isla markaana uu yahay tababarihii ugu fiicnaa ee soo mara Kubadda Koleyga Soomaaliyeed.
 
Waxaa uu Dr. Cali Cusmaan uu u sheegay Tababare Axmed Carab in aysan Ummadda Soomaaliyeed iloobi doonin waxa aad u soo qabatay gaar ahaan Kubadda Koleyga,waxaana halaas Axmed Carab loogu tumay Sacab aan kala go laheyn,sidoo kale Dr. Cali Cusmaan waxa uu ka sheekeeyey doorkii uu Axmed Cabaas ka soo qaatay Kubadda Cagta Naadiga Muqdishuu iyo Xulka Qaranka,waxaana uu ahaa Ciyaaryahan ay u dhameystirantahay hab ciyaareedka oo dhan waliba leh,waxaana taa u dheereed in uu ahaa Ciyaaryahan edeb iyo akhlaaq ku caan baxay taa waxay u keentay in uu ka mid noqdo dhalinyaradda caanka ku ah Kubadda Cagta,waxaana dadkayaga isboortiga waayaha badan ku soo jiray aan caan ku nahay in aan mar kastaba booqano Ciyaaryahankii ay dhibaato la soo deristo waa taa maanta midda aan halkaan u joogno oo ah in aan Halyey Axmed Cabaas dareensiino in aan meelna uga hareynin inta aan nooolnahay....waxaana kaloo aanu u sheegnay in aanu la daba taaganahy Duco inta aan noolnahay...arrinta waxay qof kastaba gelisay khushuuc aan caadi aheyn....waxana halkaa mahad aan la koobi karin ka soo jeediyey Axmed Cabaas oo runtii wajigiiisa ay ka muuqatay farxad aan la qiyaasi karin...waxaana ugu dambeyntii Ilaah uga baryeynaa in uu siiyo caafimaad taam ah.....ayuu hadalkii ku soo gabagaboobay.

 

News Editor
Ceelbuurnet.com

n @ceelbuurn

Contact us at: admin@ceelbuurnet.com adm et.co

Copyright ? 2007 ceelbuurnet.com