Macalin Jacksan oo lagu soo dhaweeyay magaalada katarinaholm ee dalkan Sweden

 

Waxaa booqasho gaaban ku yimaaday magaalada katarinaholm ee wadanka Swedan cayaartooygii weeynaa ee naadigii Horseed caawa iyo maalin Horseed Macalin Jacksan waxaa halkaa ku soo dhaweeyay bahda isboortiga ee katarinaholm oo ugu horeeyo ciyaaryahan Macoow oo kamid ahaay naadiga MBC Club madbacada qaranka iyo odayga isboortiga rug cadaa weeynaa Nuureey Baarbe iyo ciyaar yahankii yaasiin maaxi macalin iyo garsoori hii caalimaga ee swedan cabdulaahi dhaqaale ahna odayga magaalada ugu taariikhda weeynaa magaalada katarineholm iyo Yaasiin Gacal oo kamid eh odayaasha isboortiga magaalada .

Isku soo wada dub booqashadii macalinka waxyaalahii uu aad ugu farxay oo aay ka mid ahaayeen dhalinyaro dayar oo qarkood matali kara xulkooda qaranka Soomaaliyeed waqti kasta oo loo baahdo hadaa tusaale u soo qaadano Sakariye Tarabi oo ah wiil uu dhalay halyeeygii waynaa ee is bootiga ahna xogeeyaha gudiga Olymbikada Soomaaliyeed mudane Tarabi iyo ciyaar yahan kale oo lagu magacaabo Cabdi Xakiin Batakoow oo ah nin aad iyo aad u firfircoon ahna ciyaartooy uqalma qaranka Soomaaliyeed magac iyo maamuus ku leh magalada katreniholm.

Macalin Jacksan waxa uu u hambalyeeyay ciyaartooyda katarinaholm dadaalka aywadaan iyo macalinkooda Macoow waa inay hal kooda ka sii wadaan dadaalkooda.

Macalin Macoow waxa uu wadaa ciyaartooy dadooda u dhaxeeysa 12 jir , 16 jir iyo 25 jir oo mustaqbal fiican ku leh ciyaaraha kubada cagta .

News Editor
Ceelbuurnet.com

n @ceelbuurn

Contact us at: admin@ceelbuurnet.com adm et.co

Copyright ? 2007 ceelbuurnet.com