Cabdi Casiis Xuseen Cigaal oo xalay loo
magacaabay guddoomiyaha ururweynaha SEUKI ee 2012 iyadoo sidoo kale
la magacaabay qeybihii kale ee maamulka
Xalay oo ay taariikhdu aheeyd 31 Oktober 2011 ayaa
waxaa sidii caadada ahaan jirtayba ururweynaha SEUKI uu doortay
maamul Cusub oo howsha ururka u hagar baxa cayaara sanadeedka 2012
iyadoo Guddoomiyaha ururweynaha SEUKI loo doortay Cabdi Casiis
Xuseen Cigaal oo ka mid ah aasaasayaashii ururweynaha
SEUKI.

Magacaabista maamulkan cususb ee ururka SEUKI ayaa
waxeey xalay ka dhacday magaayada Blue Moon oo ku taal xaafadda
Rinkeby iyadoo ay halkaana ku sugnaayeen xubnaha ururka SEUKi iyo
dhowr marti oo iyaga halkaa joogay.

Cabdi Casiis Xuseen cigaal ayaa noqday xalay musharax
kaligii taagan sidaa darteed ayaa uu ururku codkiisa wada siiyey
maadama uu kaligii sharaxnaa waxaana sidoo kale la magacaabay
xubinii kale ee howsha la wadi lahaa gudoomiyaha cusub.

Waxaa xafladdan xalay ka hadlay Suldaan Maxamed deeqow Jacksson
oo ka mid ahaa ciyaartoydii hore ee kooxda Horseed isla markaana
ka mid ah aasaasyashii cayaaraha xagaaga Stockholm ayaa wuxuu
carabka ku dhuftay waxqabadka ururka SEUKI isagoo u mahad celiyey
guddoomiyihii hore ee SEUKi Wali Maalin Shaaciye sidoo kalana soo
dhaweeyey guddoomiyaha Cususb Cabdi Casiis Xuseen Cigaal (Daalo) iyadoo
halkaana sidoo kale uu ubax ku sii sagootiyey Wali ubaxna ku soo
dhaweeyey Cabdi Casiis daalo.

Waxaa sidoo kale Guddomiyihii hore ubax ku sagootiyey
una mahad celiyey ururka SEUKI oo uu masalayey Cabdi Dhuxul oo ka
mid ah xubnaha ururweynaha SEUKI.

Xafladdan oo uu shirgudoon ka ahaa guddoomiye ku xigeenkii hore ee
xiriirkii kubadda Cagta Soomaliya xiligii rugcadaagii allaha u naxariistee
Faarax Weheliye Cadoow Sindiko Mudane Cabdi Cadde ayaa waxaa
dhanka xiriirinta daadihinayey Faisal Makaraan oo xubin ka ah
GOS.

Guddomiyaha Cusub ayaa ballan qaaday in uu qaban doono
howl baaxad leh isagoo kaashan doona xubnaha la magaacabay ee la
shaqeeyn doona.

Maamulka ururweynaha SEUKI 2012 ayaa ah sidan hoos ku
qoran.
1- Cabdi Casiis Xuseen Cigaal ( Guddoomiye)
2- Faisal Farax Makaraan ( Gud. kuxigeen )
3- Cabdi Cumar Afrax ( Xogheynta ururka iyo
Mediyaha)
4- Axmed Cabdi Barseey ( Khasneeji)
5- Bile Cali Xamaal (Bile Madbaco) ( Gudd.
farsamada)
6- Caydaruus cali Jaamac ( Masuulka
dhalinyarada)
7- CabdiWali Maalin shaaciye ( Amaanka iyo
maareynta)
8- Axmed Saalax (Axmed Diinaash) ( Madadaxa
garsoorayaasha )
9- Xiirey Axmed Roble ( Xiriirka dibadda)

















