Tartamadii kubadda caga iyo koleyga ee
sanadlaha ahaa ayaa si habsimi leh ugu soo gabagaboobay magaalada
Virginia ee carriga Markeeykanka
Waxa magaaladda Virginia ee cariga
Mareykanka lagu qabtay Tartamadii sandlahaa ahaa ee Kubada Cagta iyo
Koleyga oo ay sanadkaani ka soo qeyb galeen Halyeeyo Isboortiga
Soomaaliyeed caan ku ahaa soona daafacay Calanka Midabka san oo ay
Soomaalidu leedahay,isla markaana weli ku dhex jira dhadhaqaaqa
isboortiga ee Dalka Soomaaliyeed lagu hormarinaayo waxaana ka mid
ahaa ka soo qeyb galayaasha Sanadkaani Dr. Cali Cusmaan,Aweys Fundi
iyo Caydiid Jeenyo oo ka socday Guddiga Isboortiga ee Atlanta,waxa
kaloo ka soo qeyb galay Maxamed Faarax Dabdamis,Mukhtaar Cuti,Dr.
Yuusuf Shaqaaq,Xarbi, Cabdisamad Qasim,Abukar
Shiino,Faarax oday,Axmadey B,Cabdiraxmaan Tacbaan iyo Busuri
oo ah Tafatiraha Webka Xiddigaha,Com,oo dhamaantood ka socday Dalka
Canada,waxa isna ka socday Dalka Ingriiska oo ka soo qeyb galay
Mudane Axmed nuur Maxamed Xaashi(Seyga Ruushka) Gudoomiyha
Mideynta Qurbajoogta Isboortiga,sidoo kale waxa halka lagu sharfay
in uu ka soo qeyb galo Mudane Cabdulaahi Nuur Kolombo oo uu qof
kastaba ku xusuusanaayo daadihiintii Barnaamijkii Isboortiga ee
raadiyo Muqdishu ka bixi jiray Waqtiyadii barisamaadkii kana Socday
Raadiyaha VODda.,waxaan dhanka Virginia ka xusi karnaa Halyeeyadda
kala ah Khaliif Riiko,Baaburi,Feysal Khaldaan.Jaamac Bahal,Soleymaan
Abukar,Dr. Shukri Salxaan,Dayib Madaxa TVga Universal,Mudane Caraale
oo ka tirsanaa Xulka Qaranka Soomaaliyeed ee Ciyaarha Fudud iyo
Shiino Madoobe,Bashiir Geele,Mahad,Afrikaano,Delbiero waxay ka
socdeen OHIO Gudigeeda Isboortiga.

Waxaana sanadkaan Ciyaartii kama
dambeysta ku loolamay Dhanka Dhalinta Cuslaatay Koox ka socotay
Magaaladda Toronto ee dalka Canada iyo Koox ka socotay Washigton
waxaana guushoi la hoyday Kooxdii Washigtoon,dhanka dhalinyaradda
waxa Ciyaartiis kama dambeysta aheyd ku baratamay Koox ka socotay
OHIO iyo Washigton waxaana Koobkii Guusha qaaday Kooxdii OHIO oo
sanadkaan soo bandhigtay Ciyaar farsamadeedu ay sareyso halkaa oo ay
ku soo jiiteen Taageero aad iyo u fara badan loona tumay sacab aad u
badan.

Waxaana Xafladii gabagabeynta ka
hadlay Mudane Axmednuur Maxamed Xaashi oo ku magac dheer(Seyga
Ruushka) oo ah Gudoomiyaha Mideynta Qurbajoogta Isboortiga.waxaana
uu marka hore u mahadceliyey Guddigii lahaa qabanqaabadda oo runtii
uu ku tilmaamay in ay dadaal badan muujiyeen,waxaana awoodeen in
intaan oo Halyeeyo ah ay isu keenaan,taa oo runtii ah mid aan la
iloobi karin,isagoo ku booriyey in Goboladda kale ee Mareykanka ay
iyagana abaabulaan Tartamo kuwaan oo kale ah,waxaana uu ka hadlay
ujeedada Safarkiisa oo ah in uu la kulmo dadkii Isboortiga
Soomaaliyeed Magaca iyo Maamuska ku lahaa si looga wada hadlo sidii
loo hormarin lahaa Isboortigeenu oo waayahaan ay la soo gudboonaatay
dhibaato aad iyo aad u baaxad weyn,waxaana kaloo uu sheegay Seyga
Ruushka in hadafka kale oo aan u socdo ay tahay in la mideeyo cududa
Halgamayaashii Isboortiga oo qaarkood la dhex dhigay khilaafyo oo
danta laga leeyahay ay tahay in aysan midoobin,waxaana uu Seyga
Ruushka sheegay in isaga iyo gudigiisaba ay Albaab kastaba u
garaacatyan in la mideeyo Cudududa Halyeeyadii Isboortiga oo haddi
aanu ku guuleysano dadaalkaasi uu sameyn wanagsan ku yeelan doono
horumarinta Isboortiga Soomaaliyeed oo aad moodo in uusan haynin
jidkii saxda ahaa,waxaana ugu dambeyntii uu u mahadceliyey Guddiga
Isboortiga ee Atlanta iyo Guddiga Isboortiga ee Virginia oo uu
muujiyey Kalsooni iyo in ay ku garab taaganyihiin dadaalkaas ku
wajahan badbaainta Isboortiga Soomaaliyeed.

Waxaa kaloo xafladii gabagabeynta ka
hadlay Dr. Cali Cusmaan cali Xoghayihii Guddiga Olympigadda
Soomaaliyeed kana mid ah Halyeeyadda Isboortiga Soomaaliyeed ugu
Taarikh dheer Kifaax badanna u soo galay Horumarinta Isboortiga
Soomaaliyeed.waxaana uu marka hore u mahadcelliyey Guddiga
Isboortiaga ee Virgina oo runtii dadaal badan galay,waxaana uu amaan
aan la koobi karin u jeediyey Gudoomiyaha Mideynta Qurbajoogta
Isboortiga Mudane Axmednuur Seyga Ruushka iyo Gudigiisaba oo runtii
shaqada ay hayaan ay tahay mid uu u baahanyahay Qaranka Soomaaliyeed
gaar ahaan Isboortiga oo u baahan Badbaado dhan waliba leh,Dr. Cali
Cusmaan waxa isagoo qiireysan sheegay in shucladda Isboortiga
Soomaaliyeed uu soo qaaday bartamihii Lixdameyadii walina uu
sido,waxaana aan cadeynayaa in uusan weli arag Gudi isku taxalujiya
Mideynta Isboortiga taa oo uu yiri waa mid Taarikhda geli
doona,waxaana aan hore ugu cadeynay Gudoomiye Seyga Ruushka in aanu
si buuxda aanu u tageeri doono Gudigiisa iyado runta ay tahay in
Isboortiga Soomaaliyeed maanta uu u baahanyahay Badbaado dhan
kastaba leh,waxaan la khashan doona Dawladda iyo gudiyadda ku hawlan
Isboortiga in taageero lala garab istaago Gudiga Mideynta
Isboortiga,sidoo kale waxaan shacabka Soomaaliyeed ka codsaneynaa in
ay garab siiyaan Gudigaasi siiba kuwa garanaayo Isboortiga,waxaana
uu Dr. Cali Cusmaan ku soo gabagabeeyey in Isboortiga Soomaaliyeed
aysan CIDNA U MAQNEYN CEELNA U QODNEYN.

Ugu dambeyntii waxa halkaa loogu
duceeyey Cabdiraxmaan Tacbaan iyo Axmed Cabaas Busuri oo dhibaato
caafimaad daro ay la soo derisatay,waxaan Ilaah looga baryey in uu
siiyo caafimaad taam ah,waxayna xafladii ku soo dhamaatay si heer
sare ah oo uu qof kastaba ka maqsuuday.