Bashiir Maxamed Cilmi ( bashiir jeenyo) iyo Maxamed Muuse ( Jabroos ) oo hambalyo u diray Cabdixaaq

Anagoo kala ah Maxamed Muuse ( Jabroos) oo ku hadlaya magaca Zone 4 ee gobolada iyo ciyaartoydii hore ee Gobolka jubbada Hoose iyo Bashiir Maxamed  Cilmi ( Bashiir Jeenyo) oo ka tirsanaa cayaartooydii hore xulka Qaranka Soomaliya iyo kooxdii LL:PP ama Jeenyo islamaarka hadda ah masuulka farsamada xiriirka soomaaliyeed ee kubadda cagta u qaabilsan dalka Sweden ayaa waxeey hambalyo iyo boogaadin aan la soo koobi karin u dirayaan kooxda Soomaalida ee ka dhisan dalka Ausralia oo ku guuleeystay ka mid noqoshada kooxaha heerka koowaad ee gobolka ay ka dhisan yihiin, gaar ahaan saaxiibkood Cabdi Maxamed Axmed ( Cabdixaaq ) oo soo abaabuly kooxdan oo runii gaartay heer aan looga baran kooxaha Soomalida qurbajoogta.

Cabdixaaq oo ka mid ah goolhayayaashii soo maray Gobolka Jubadda hoose xiligii barasamaadkii ayaa wuxuu aad uga dhexmuuqday cayaarihii xiisaha lahaa ee gobolada isagoo sidoo kale ududbdhaxaad u ahaa islamarkaana koobaba badan u qaaday kooxda uu ka tirsanaa ee Gobolka jubadda hoose oo aheeyd runii koox ay ka soo baxeen cayaartooy badan oo magac iyo maamuusba ku lahaa cayaartooydii xulka Qaranka Soomaliya.

Cabdixaaq ayaa xaqiijiyey in ciyaarooy la soo saaray la gaarsiin karo heer ay masali karaan xulka dalkooda iyadoo ay jiraan wadamo farabadan oo ay masalaan cayaarooydooda qurbajooga xilliyada ay ka qeybgalayaan tartamada ay isku arkaan kooxha dunida.

Cabdixaaq ayeey masuuliyiintan hambalyada u direeysaa ku dhiiri galinayaan inuu dadaalka halkiisa ka sii wado islamarkaana labajibaaro howsha culus ee uu u hayo umadda iyadoo laga sugayo mustaqbalka inuu soo saaro ciyaartooy masasha xulka qaranka Soomaliya.

 

News Editor
Ceelbuurnet.com

n @ceelbuurn

Contact us at: admin@ceelbuurnet.com adm et.co

Copyright ? 2007 ceelbuurnet.com