|
Dr. Cunaaye oo Casho
Sharaf soo dhaweyn ah loogu sameeyay magaaladaStockholm.
Waxaa xalay lagu qabtay Xaafada
Rinkeby Restaurante Blue Moon xaflad aad loo soo agaasimay oo lagu soo dhoweynayey Dr: Cunaaye oo
safar gaaban ku yimid Sweden, xafladaas oo ahayd mid aad loo soo
agaasimay ayaa waxaa soo qaban qaabiyeey bahda
isboortiga ee Stockholm.

Waxaa ka mid ahaa raggii ka soo qeybgalay islamarkaana
isku soo dubaridey xafaladaas halkaasna ka hadlay gaar ahaan
bahda odayaasha isboortiga ee
Stocholm,Maxamed Muuse,Bashiir Jeenyo,Wali Maalin, Cabdi
Cadde,Sabreye Gaabow,Yoonis Galbeyte, Boos Caato, Feysal
Makaraan,Raage Meeryaa,Abuukar Dhabarey ,Afrax Dheere,Cabdi Dhuxul,
Cali Baaba.

Waxaa
daadihinayay xiriirinta barnaamijka Gudoomiye.Ku Xeg. hore ee
XSKC Cabdi Maxamuud Cabdulle/ (Cabdi Cadde) oo hadalka furitaankiisa
iyo qaybintiisa qaatay Marka hore wuxuu soo dhaweeyay Dr: Cunaaye Wuxuuna uga waramay Midnimada iyo
iskuxirnaanta taalo Stokholm Waa mid lagu Faanikaro lana rabo in
lagu daydaa,. Waxaa si talantaali ah hadallo qiimo leh u soo kala
jeediyay odayaasha kala ah Gudoomiyaha Biiada ee GOS Maxamed Muuse
(Jabroos) ayaa isna xusay baahida loo qabo in la hormariyo
isboortiga lagana gudbo waxkasto oo
ka hor imanayo midnimada kuna booriyay dadka in dhalinta soo koreyso
wax loo qabto,wuxuu intaas raaciyay jabroos in Bahda Sweden ay mid
yihiin sida aad hadaba aragtid,waxaan kaa codsaneynaa in aad naga
gaarsiisaa walaalaheen Bahada ispoortiga London Fariimihii aan kuu
dhiibnay.

Waxaa halkaas ka
hadlay Bashiir
jeenyo isagoo isna sheegay in lagu dadaalo
horumarinta ciyaaraha lana soo saaro cayaartoy tayo leh ee berri
wadanka anfaco, laguna dadaalo midnimada bahda isboortiga,Maadaama
aan ahay Wakiilka Farsamada
XSKC u qaabilsan Yurub,aynu dooneyno sanadkaan in aan ka qeyb galno
Cayaaro badan oo dhacaayo,wuxuuna sidoo kale gacmo furan ku soo
dhaweeyay Dr; Cunaaye.

Waxaa isna halkaas
ka hadlay Gudoomiyaha ururka SEUKI Mudane Wali Maalin Shaaciye
oo isna tibaaxay kana warbixiyay tartankii cayaraha xagaaga ee
ka dhacay Stockholm sanadkaan 2011 iyo sidii wanaagga lahayd ay ku
soo gababagoobeen ,asagoo hadalkiis ku dheeraaday una dhiibay
Dr;Cunaaye Fariimo badan uu u diray walaalihiisa Bahda ispoortiga
London, soona dhoweeyay Dotoorka.

DR,
CUNAAYE ayaa isna Marka hore wuxuu si gaaban uga
sheekeeyay Taariikhdiisii hore iyo wixii uu ka soo qabtay
ispoortiga, ayaa waxa uu u mahadceliyey isagoo qiireysan
Bahda Isboortiga ee Stokholm
sida qiimaha leh oo ay u soo
dhaweeyeen,waxaana uu tilmaamay in ay Bahdaan yihiin kuwo isku xiran oo ay ka mid
yihiin khibiiro Isboortiga noocyadiisa kala duwan ku xeel
dheer,waxaana uu ku amaanay reer
SWEDEN sida guud ahaan ay u
yihiin hal Mid oo kale,waayo
waxaa maanta soo dhaweynteda ka soo qeyb galay dhamaan Odayaashii
ispoortiga ee Stokholm ,waana arrin igu reebtay farxad aan la
qiyaasi karin,isagoo kula dardaarmay in halkaa laga wado isku duubnaanta,waxaana uu
ballanqaaday in uu arrintaasi gaarsiin doono Fariimihii aad ii
dhiibteen Odayaasha iyo Bahda ispoortiga
London
















Waxaa soo diyaariyey
Maxamed Mukhtar Sheikh
|
-
News
Editor
-
Ceelbuurnet.com
|