DR Cali Cusmaan " Halyeeyo Sport oo Atlanta soo booqday

 

Waxaa Magaaladdda Atlanta ee Cariga Mareykanka dhawaan soo booqday Halyeeyo Isboortiga Soomaaliyeed u soo Kifaaxay,kuwaa oo kala ahaa Axmednuur Maxamed Xaashi oo magac dheer(Seyga Ruushka) oo ka tirsanaa Xulkii Kubadda Cagta ee Qaranka Soomaaliyeed iyo Kooxdii Kubadda Cagta ee LLPP isla markaana ah Gudoomiyaha Mideynta Qurbajoogta Isboortiga iyo Gudoomiyaha Guddiga Isboortiga ee Gobolka Kentaky Mudana Xamza Sayid Xamza oo isna ka tirsanaa Xulkii Qaranka ee Kubadda Cagta Soomaaliyeed isla markaana ka mid ahaa Kooxdii Kubadda cagta ee Dekedda.
Waxaana Halyeeyadaasi soo dhaweyntooda ka qeyb galay dhamaan Jaaliyadda ku sugan Magaaladda Atlanta oo ay hogaaminayaa Guddiga Isboortiga iyo dhaqanka,waxaa kaloo ka qeyb galay Guddiga Jaaliyaadda SomaliAmerican Center,Xubno ka socdo Gudiga Hoyooyinka ee Atlanta , dhamaan Odayaasha ku nool Magaaladda Atlanta iyo xybno ka socday Raadiyaha Qaran oo ku hadla codka Jaaliyadda reer Atlanta.
 
Waxaa kaloo khadka teleefoonka kaga qeyb galay soo dhaweyntooga madaxa Isboortiga ee ku kala nool Dalkaa Mareykanka kuwaa oo kala ahaa:
1)Cabdi Cali Macalin.........Gudoomiyaha Isboortiga ee Mineapolis
2)Cabdulaahi Xirsi Cabdi..Gudoomiyaha Isboortiga ee Main
3)Cali Dhagey...................Gudoomiyaha Isboortiga ee North Caroline
4)Cabdicasiis A.Mahdi......Gudoomiyaha Isboortiga ee Tennesse
5)Nafiisa Ali......................Gudoomiyaha Haweenka ee Atlanta
6)Cabdulaahi W,Jeegaxiir.Ciyaartoy Kubadda Koleyga ee N.Muqdishu
7)Cabdulaahi Kolombo Wariyahii Isboortiga ee raadiyo Muqdishu
8)Mukhtaar Cuti................Mucjisadii Kubadda Cagta Soomaalityeed.
9)Guddiga Isboortiga ee Atlanta.
Waxa ugu horeyntii halkaa ka haddlay Gudoomiyaha Guddiga Isboortiga iyo Dhaqanka ee Atlanta Mudane Dr.Cali Cusmaan Cali oo marka hore isagoo ku hadalaayo Magaca Guddiga Isboortiga ku soo dhaweeyey Halyeeyadaasi Magaaladda Atlanta,waxaana uu warbixin ka siiyo maraxaladihii kala duwanaa ee uu soo maraya isboortiga Atlanta isagoo sheegay in maanta ay reer Atlanta Sharaf u tahay in ay soo dhaweeyaan Halyeeyadaani oo qeyb weyn ka soo qaatay Horumarinta Isboortiga Soomaaliyee iyago arrntaasi magac iyo maamiuba ku helay,waxa uu carabka ku adkeeyey Gudoomiye Cali Cusmaan Fikradda wanagsan uu AxmedNuur iyo saaxibadii ay ku unkeen Guddiga Mideynta Qurbajoogta Isboortiga taa oo runti wax weyn ka tari doonta isla markaana sameyn badan ku yeelan doona koboca Isboortiga Soomaaliyeed,iyada uusan shaki ku jirin haddi lagu guuleysto Mideyntaasi in loo gudbii doono Mideynta Qaranka Soomaaliyeed,waayo Halyeeyadda Isboortiga waxa abaal u haya dhamaan ummadda Soomaaliyeed oo ay Calankooda muddo dheer daafacaayeen,waxaana Dr. Cali Cusmaan cali uu ugu hambalyeey Guddiga Mideynta Qurbajoogta Soomaaliyeed tilabadda geesinimadda leh oo ay qaadeen,isagoo ku booriyey in aan laga hakan ka mira dhalinta guddigaasi oo xambaarsan mas'uuliyad aan la qiyaasi karin,waxaana uu ku soo gabagabeeyey Dr. Cali Cusmaan Cali oo ka mid ahaa aasaasayaasha Isboortiga Soomaaliyeed in isaga iyo gudigiisaba ay hiil iyo hooba la garab istagi doonaan.

 
Gudoomiyaha Guddiga Mideynta qurbo joogta Mudane Axmednuur Maxamed Xaashi oo lagu naaneyso Seyga Ruushka..ayaa hadalkiisa waxa uu ku bilaabay isagoo u mahadcelinaayo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Atlanta,waxaana uu uga warbixiyey doorarkii uu soo maray Gudigani,waxaana gudigana dhismahiisa soo dedejiyey ka dib markii la arkay in la kala qoqobay Halyeeyadii Isboortiga u soo halgamay iyadoo danta laga leeyahayna ay tahay in aysan waligood cududooda mideynin ama aysan u soo jeesanin ka qeyb galka Horumarinta Isboortiga,taa oo wax garadkii Isboortiga ay ka gilgisheen,waxaana maanta lugteena hore ee safarka aanu ku bilawnay Magaaladda Atlanta oo ay joogaan dad Magac iyo maamusba ku leh Isboortiga,waxaana uu Gudoomiyaha Mideynta Qurba joogta Mudane Axmed nuur Maxamed xaashi oo ku magac dheer Seyga ruushka ballanqaaday in isaga iyo gudidigiisaba ay albaab kastaba ay garaaci doonaan inta laga mideynaayo Halyeeyadda Isboortiga Soomaaliyeed,Mudane Seyga Ruushka isagoo qiireysan ayuu waxa afkiisa laga hayaa in ay tahay arrin waajib ah in la isu doon doono geesiyaddi Isboortiga Soomaaliyeed gaarsiiyey heerka sare,waxaana Gudoomiye Axmed Nuur halkaa loogu tumay Sacab aad iyo aad u fara badan.
 
Waxaa kaloo halkaa ka hadlaye Gudoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed Mudane Cumar A.Shekhey,Aweys Fuundi,Caydiid jeenyo,Cali Mataan iuo xubno kale oo ka tirsan odayaasha reer Atlanta oo dhamaantood u cadeeyey Gudoomiyaha Guddiga Mideynta Qurbajoogta Isboortiga in ay Garab taaganyihiin kuna dhiirageeliyeen hawshaan uu u hayo Qaranka Soomaaliyeed,taa oo Axmed Nuur gelisay Farxad aan la koobi karin.
 
Waxa kaloo halkaa ka hadlay Professor Mike Spino oo ka mid ahay Macalimiinta Jaamacadaha Magaaladda Atlanta,waxaana uu u cadeeyey in hawsha uu Axmednuur wado in ay tahay mid aad iyo aad u wanagsan,waxaana uu Professorka hlkaa ka sheegay in uu wado Barnaamij ku aadan horumarinta Isboortiga ee dalalka soo koraayo.isagoo Gudoomiyaha Axmednuurna ku casumay in uu ka soo qeyb galo,taa uu isna ku muteysaytay sacab aad iyo aad u farabadan oo lagu dhiirigelinaayo Professorka oo saaxiib dhaw la aha Guddiga Isboortiga iyo dhaqanka ee Atlanta isla markaana sanadkii 1984kii la soo shaqeeyey Ciyaartoydii SDoomaaliyeed ee ka qeyb gashay Olympigadii 84.
Gudoomiyaha Ururka Haweenka Marwo Nafiiso Ali aya waxay siisay Hadiyado aad iyo aad uu qiimo badan Mudane Axmednuur iyo Xamza,iyado kula dardaarantay in shaqada ay Qaranka Soomaaliteed u hayaan ay halkooda ka sii wadaan,Isboortigana uu yahay midka keli ah oo mideyn kara Soomaalia,
 
Xafladii waxay ku soo dhamaatay si heer sare ah. 

News Editor
Ceelbuurnet.com

n @ceelbuurn

Contact us at: admin@ceelbuurnet.com adm et.co

Copyright ? 2007 ceelbuurnet.com