Kooxda Leicester oo 3-0 ugu awood sheegatay noqotayna Championkii SEUKI 2011 kooxdii xiddigaha Rågsved iyadoo la soo gabgabeeyey tartankii xagaaga SEUKI 2011

Kooxda Leicester ayaa laba gool ugu awood sheegatay kooxdii Xiddigaha Rågsved oo ka soctay magaalada Stockholm ka dib markii ay labada kooxood iskaga horyimaadeen ciyaartii Finelka aheeyd tartankii cayaaraha xagaaga SEUKI 2011 oo 24 bishan lagu soo gabagabeeyey garoonka weyn ee Spånga IP.

Kooxda Leicester ayaa iyadu libaax jidka taagan ku noqotay kooxda Xiddigaha iyadoo 4 sano ee ugu danbeeysay ka saarayey tournament iga markii ay isku arkaan meelaha knock out ka ah.

Balse sanadkan ayeey labada koox isakaga horyimaadeen ciyaartii Finalka iyadoo ciyaartaas oo aad u adkeeydna ay kooxda Leicester seddex gool iyo eber ku quusisay kooxdii Xiddigaha Rågsved.

Xiritaanka cayaartan ayaa waxaa ka hadlay masuuliyiin ka mid ah bahda Sportiga kuwooda dibadda iyo gudahaba, iyadoo uu halkaana ka hadlay Guddoomiyaha ururweynaha SEUKI sanadkan 2011 mudane Cabdiwali Maalin Shaaciye oo dadweynha iyo dhamaan marti sharafta uga mahad celiyey sidii ay gacan uga qaateen ciyaarahan SEUKI 2011 .

Waxaa biladaha sanadkan dhiibay dhamaan bahda Sportiga ee gudaha iyo dibadda iyadoo  uu koobka weyna bixiyey guddoomiyaha ururweynaha SEUKI cabdiwaali Maalin.

Poliska ayaa waxeey bixiyeen koobka dicipliinka oo sanadkan qaadatay kooxda olympic Amager oo ka soctay dalka Denmark.

Waxaa sidoo kale koob la guddonsiiye y koox da,yar aheeyd laguna magacaabo Tensta framtid kuwaasoo ka badiyey koox ka soctay magaalada katarinaholm.

Sidoo kale waxaa koob lagu xusayey allaha u naxariistee aabihii Sp ortiga Soomalia Nuur Jeenyo ku tartamay labada koox ee Nabadda iyo Horseed oo ka wada socday UK waxaana koobkii ciyaartan loogu tala galay ku guuleeystay kooxda Horseed.

Ciyaarahan xagaaga SEUKI 2011 ayaa waxeey ku soo gabgaboobeen jawi aad u mac iyadoo daawashada ciyaarta Finalkana ay jabisay skoor.

 

 

 

News Editor
Ceelbuurnet.com

n @ceelbuurn

Contact us at: admin@ceelbuurnet.com adm et.co

Copyright ? 2007 ceelbuurnet.com