Qorituurkii cayaaraha xagaaga SEUKI 2011
oo asbuuca fooda inagu soo haya ka dhici doona magaalada
Stockholm
Ururweynaha SEUKI oo ah ururka soo qabanqaabiya
cayaaraha xagaaga ka dhaca magaalada Stockholm ayaa wuxuu asbuuca
fooda inagu soo haya inta u dhaxeeysa 22-23 April uu qorituurkii
sanadkan 2011 ka dhigi doonaa Restraung Jubba oo ku taal wuqooyiga
magaalada Stockholm .

Qorituurkan oo ay ka horeeysay howlo badan oo
baaxad leh oo uu ururku soo qabtay kuwaas oo ay ka mid yihiin
Exchange uu uruku sanadkan u qabtay dhalinyarada yurub si
ay aragtida iyo ra,yiga isku dhaafsadaan iyo dalabaad aad u fara badan oo kooxo
aad u tiro badan ay u soo dirsadeen hogaanka ururka oo uu sanadkan
guddoomiye ka yahay Cabdiwali Maalin Shaaciye ayaa waxaa haatan la
soo gaaray xiligii qorituurka la qaban lahaa.
Cayaarahan xagaaga SEUKI 2011 oo intii qabanqaabadoodu
soo soctay ay gacan ka geeysteen ha,ydado kala duwan oo ka kala
socda qeybaha Sortiga , Poliska iyo siyaasiyiinta xaafadaha ay
cayaarahan ka dhacaan ayaa waxaa sanadkan la qaban doonaa 10 ilaa 24
bisha July iyadoo hadii allaha awooda lihi ogolaado ay ka qeybqaadan
doonaan 12 koox oo ka kala iman doona wadamada qaaradda Yurub iyo
Australia.
Qortituurkan ayaa waxaa lagu casuumay ineey ka soo
qeybgalaan bahda Sportiga Sweden iyo dadweynaha reer Stockholm
iyadoo sidoo kale ay ka soo qeybgali doonaan masuuliyiin ka
socda Poliska , waxaa sidoo kale ka qeybqaadan doona
saxaafadda.
Ururweynaha SEUKI oo qabta cayaaraha ugu ballaaran ee
ka dhaca qaraaddan Yurub xilliga kuleeylaha ayaa wuxuu sandkan ku
tala jiraa inuu cayaarahan ku soo kordhiyo waxyaabo hor leh iyadoo
ay ka mid yihiin orodada maadaama ay Soomalidu mustaqbal weyn ku
leeyihiin cayaaraha fudud.