10-10-2007 09:16:58 Ceelbuurnet.com
 
ABDISALAM CADDAAY OO GUUL U KEENAY XULKIISA QARANKA NORWAY.

Abdisalaam Abdulqadir Caddaay oo u ciyaara Kooxda Manchester City Akademy, isla markaana ka mid ah xulka under 17ka ee dalka Norway ayaa u soo hoyiyey xulkiisa qaran ee dalka
Norway. Abdisalaam bishan 2deeda ayuu wuxuu safar socdaal ah u aaday, isaga
iyo kooxdiisa qaranka dalka Poland. Halkaasi oo ay ka dhacayeen isreebreebka
ciyaaraha Yurub ee Under 17ka.


Abdisalaam wuxuu saftay seddex ciyarood, oo uu dhamaystay min 90kii daqiiqaba.
Abdisalaam waxay wada ciyaareen dalalka kala ah Poland, Austeria, iyo Macadonia.
Ciyaarihii markii ay dhamaadeen ayaa waxaa isku dhico wada noqday seddexda dal ee
kala ah Norway, Poland iyo Austeria. Kaalinta kowaad waxaa galay Dalka Austeria,
kaalinta labaad ayaa waxaa isku qabsaday labada dal ee kala ah Norway iyo dalka
Poland oo marti loo ahaa. Akhristow ciyaartii ugu dambaysay ee ay ciyaaraan dalka
Norway ayaa waxay wada yeesheen dalka Macadonia.

Norway waxaa laga doonayey in ay goolal badan ku soo badiyaan, ciyaarta qaybteedii hore waxay ku soo gabagabowday 0-0. Qaybtii labaad ee ciyaarta ayaa labaatankii daqiiqo ee ugu horeeyey waxay dhaliyeen dalka Norway 3 gool iyo dalka Macadonia oo aan waxba dhalin. haddii ay ku dhamaato ciyaarta sida ay hadda tahay waxaa kaalinta labaad ku soo bixi lahaa dalka
Poland. Akhristow Ciyaarta marka ay ka harsan tahay qaddar daqiiqada ah ayaa kubad
ka soo noqotay goolka kooxda Poland ayaa Ciyaaryahanka Mustaqbalka kubadda cagta ka helay
kubaddii meel goolka u jirta 20 mitir halkaasina uu laad xooggan ku laaday, ka
dibna shabaqii ku ruxay. Daqiiqado yar ka dib ayuu garsoorihii dhexdhexaadinayey
halkaasi ku afuufay seerigii ama firimbigii. Isla markiiba kooxdii iyo
macallamiintii waxay ku soo wada yaaceen Xiddigga Abdisalaam Caddaay iyagoo ugu
hambalyeynaya goolkii guusha. Websideka www.garoonka.com ayaa wuxuu waraysi gaaban
la yeeshay ciyaartaasi ka dib sida uu u arko guusha ay gaareen xulkiisa qaranka ee
dalka Norway. Abdisalaam Abdulqadir Caddaay wuxuu ku jawaabay xulkayga qaranka
waxaan kala qayb galay ilaa iyo 12 ciyaarood oo heer caalami ah, ciyaartanna waxay
ahayd ciyaartii iigu farxadda badnayd, sabatoo ah marka hore goolka aan dhaliyey
maanta wuxuu ii ahaa goolkii iigu horeeyey ee aan u dhaliyo xulkayga, taasi waxaa
ii sii dheer in maanta xulkayga qaranka ee dalka Norway ay u soo gudbeen
isreebreebka ciyaraha Yurub ee sanadka 2008da, sababna ay u noqoto goolkii aan dhaliyey maanta.

Shaqaalaha webside-ka garoonka.com waxay hambalyo u dirayaan xiddigga cusub ee ciyaarta
kubadda cagta Abdislaam Abdulqaadir Caddaay, waxaan mar labaad leenahay Hambalyo,
halkaasi ka si wad guushaada.Akhristayaal wixii kale oo faahfaahin ah ee ku saabsan
Abdisalaam Caddaay waxaad ka akhrisan doontaan webside-ka www.garoonka.com.

Abulkadir Ibrahim           
 

                         

 

 Contact us at: admin@ceelbuurnet.com     

        Copyright © 2007 ceelbuurnet.com