10-10-2007 09:05:09 Ceelbuurnet.com
 
Elman FC oo ku guuleysatey Ramadan Cup Copenhagen Danmark

 

 

Maalinimadii sabtiga 6dii Oktoober  07 la soo gabagaboowey Koobii ramadan cup oo si habsami leh ka dhacayey garoonka Peder Lykke Hall ee magaalda Copenhagen wadanka Danmark, koobkaan ay soo qabanqaabiyeen ururka cayaaraha iyo dhaqanka Olympic Amager (Olympic Amager kultur og idrætsforening), waxaa halkaas hadal furitaan ka soo jeediyey Abdikariim Muse oo dhalinyarada kula dardaarmey iney so bandhigaan acaayr wanaag, haduu guul ku dhamaadana tartankaan inuu si joogta u noqonaayo sanad walbo haduu alle idmo iyo Mahad Ahmed Diriye (Mahad Yare) oo dhalinyara kula dardaarmey sidey ugu dadaali lahaayen waxbarashadooda Diiniga iyo mid maadi..

kooxihii halkaas iskugu yimid ay soo wada bandhigen cayaar wanaag iyo adaab ay ku jirto, ayaa cayaarti Semi-finalka isugu yimid afarta kooxood ee kala ah Elman, Horsed, Midnimo iyo Seylac waxeyna isku arkeyna sidaan.

Horsed 3 : 2 Seylac

Elman 3:2 Midnimo

Waxaa cayaartii finalka iskugu soo labada koox Elman iyo Horsed, cayaartaas waxaa si xarago leh ay guushi ku raacdey 7 : 4 kooxdii ku cayaareysey magaca elman.

 

Elman 7 : 4 Horsed

Intaas kadib ayaa waxaa lagu soo dhaweyey Macalimuu Nuur Suufi Maxamed (Nur gab) oo halkaas ugu mahad celiyey kooxihi ka soo qeyb galey, dadaalkana halkaas laga sii labalaabo, intaas kadib ayaa waxa bilaawatey bixinta biladaha iyo koobabka

Mumin Ali Afrah oo gudoonsiyey Bilad iyo hadiyad qaali ah Garsoorihi cayaarta qabanayey Nasir.

Abdiwahab Hassan (Dheeros) oo gudoonsiiyey kooxdii ugu cayaar iyo aqlaaq ficneed tartanka oo aheed Midnimo.

Bashir Abdulaahi oo gudoonsiyey goolhayihii ugu fiicnaa (Best Keeper) oo noqdey Liban abdi (Li)

Mahamed Ali gaduudow oo gudoonsiyey gooldhaliyihi ugu badna (Top score) oo ku qadey 9 goal Mahamed Hassan.

Siid Ali ayaa gudoonsiyey cayaaryahnkii ugu ficnaa (Best player) Anders.

Abdikarim Muse oo gudoonsiyey Kooxdii gashey kaliinta 2aad ee Horsed.

Macalin Nur gab oo asna gudoonsiyey kooxdii noqotey championka ee Elman koobkii kalinta 1aad iyo kabtan kenet

Gudiga qabanqaabada ayaa wuxuu u mahad celinayaa kooxihii ka soo qeyb galey iyo  dadki u soo dawasho tagey tartanka iyo ganacsatada somaliyed sida Safari shop iyo Shabeele Shop oo gacan weyn ka geystey qabsoomida tartanka Ramadan Cup.

Abdiwahaab Dheeros

Denmark

 

                         

 

 Contact us at: admin@ceelbuurnet.com     

        Copyright © 2007 ceelbuurnet.com