Kooxda Kanava oo ka socta Finland oo ku guuleeysatay koobkii EUROSOM oo maalmahanba ka socda magaalada Helisinki

in@ceel

 

Ciyaartii Fiinaalka ee kubadda Cagta Eurosom ee sannad waliba lagu qabto qaarada Yurub ayaa waxaa ugu danbayntii ku guuleystay kooxda martida loo yahay ee Kanava Finland ka dib markii 4 – 0 ay ku garaacday kooxda Gothenburg ee dalka Sweden.



Ciyaarta maanta la ciyaaray oo aad u kululeyd ayaa waxay ku bilaabatay dar dar iyo is afgarad koox waliba dhexdeeda ah waxaana kooxda Gotherburg ay iska qasaariyeen labadii galinba sedex fursadood oo ciyaaryahanka lambarka 8 – aad uu la dul tagay goolhayaha kasoo mar waliba ka qasaariyey fursadahaasi dahabiga ah.



Fursadihii ay qasaariyeen kooxda Gothenburg waxaa ka faa’ideeystay ciyaaryahanada kooxda Kanava Finland taasoo qeybtii danbe ciyaarta wax weyn ka badashay ka dib markii uu badal kusoo galay ciyaaryahanka baalka midig ee difaaca ka ciyaara oo lambarka 2 – aad u sitay Kanava kaasoo keenay Rigoore ay heshay kooxdiisa.



Rigooraha ayaa u laaday kabtankooda kuna hubsaday shabaqa, waxaa misana ay heleen 3 fursadood oo kale waayna ka faa’ideysteen waxaayna kusoo idlaatay 4 – 0 ay guushu ku raacday kooxda Kanava.



Ciyaarahaan ayaa waxaa ka qeyb galay ilaa 7 – kooxood oo loo qeybiyey 2 garuub waxaana kasoo baxay min laba koox kuwaasoo semi finalkii shalay ciyaaray waxaana kaalinta sedexaad soo ciriirsaday kooxda ugu ciyaar fiicnayd sannadkaan ee Walaalaha Qaraabo.

 



Gabagabadii ayaa koobka waxaa gudoonsiiyey kooxdii ku guuleysatay Gudoomiye Kuxigeenka kowaad ee Gudiga Olompikada Soomaaliyeed Duraan Faarax iyadoo ay goob joog ka ahaayeen madax kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Gudoomiyaha Eurosom Mr. Maxamed Axmed Diini, Xoghayaha Olompikada Soomaaliyeed Mr. Cabdulaahi Tarabi, Tababaraha Xulka Qaranka Baasketka Cabdulaahi Sheekha iyo xubno kale oo ka tirsan Xiriirka kubada Cagta Somalia.
 


Ciyaatoyda Kanava ee sanadkan ku guulaysatay koobka ayaa waxaa magacyadooda
 

Macalinka Mohamed Mukhtar Abdi atlantiz

 


 

Ciyaartoydda kooxda:
 

1. Liban Nur
2. Guled Ahmed Askar
3. Mohamed Moallin
4. Abdihakin Ibrahim
5. Mohamed Sadiq Jama
6. Abdiqadar Hassan Farah Caapo
7. Saadaq Mohamed Aden
8. Asad Ali
9. Bashir Mukhtar
10. Mubarik Mohamed
11. Farhan Omar
12. Mohamed Mohamud
13. Said Yusuf Keysani
14. Khadar Aden
15. Said Guled
17. Mahad Ali
18. Abdirahman Yussuf Ogeli
19. Deeq Abdi Ali
20. Tiibe Khalif Ahmed
21. Farhan Tahir
22. Hashim Shariif
23. Ahmed Isse Fuush 

 

 


 

 
 
Xalfad si weyn loo soo agaasimay oo loogu talo galay xeritaanka ciyaaraha Eurosom ee ka dhacayey dalka Finland caasimadiisa Helsinki ayaa waxaa shahaadooyin hawl karnimo lagu gudoonsiiyey Dhamaan cid alaale iyo cidii ka shaqeeysay ama wax la qabatay ururweynaha EuroSom.

Xafladaas ayaa waxaa looga mahadceliyey dhamaan webabkii qaybta weyn ka gaystay oo ay ka mid ahaayeen webabka Deeyoo.com, Hiiraanonline, Somaliweyn.com, Dayniile.com, Calanka.com, Midnimo.com,Somalisc.com,Somsport.com,Isboorti.com,Soomaalidamaanta.com,Xusuus.com Xidigaha.com,Ceelbuurnet.com,Onkot.com,Warasan radio,Universaltv,webka xiriirka kubadda cagta,kubadda.com,markacadey.com,togdheeronline.com

Gudoomiyaha Eurosom Mr. Maxamed Axmed Diini ayaa ugu mahadceliyey dhamaan shabakadahan sidii diiranayd ee ay ciyaaraha Eurosom isugu Xilsaareen inaay dadweynaha Soomaaliyeed ka haqab tiraan baahida ay qabaan inaay wax ka ogaadaan tartamada ka dhacaya Yurub kuwaasoo ku firirsan dalka Soomaaliya gudahiisa iyo dibadiisa ee xiiseeya ciyaaraha Soomaalida ee lagu qabto sannad waliba dal ka mid ah dalalka qaarada yurub oo ay isugu yimaadaan dhalinyaro Soomaaliyeed.

Madaxa Media ee EuroSom Abdiaziz Godah ayaa isaga oo ku hadlaya magaca dhamaan websaaydyadda aan kor ku xusnay waxaa uu hambalyo u diraya dhamaan Madaxda EuroSom,kuwa kooxaha,Ciyaartooyda iyo shacabkii ka qeyb qaatay ciyaaraha Eurosom ee sannadkaan lagu qabtay dalka Finland.
 

 
Abdiaziz Godah
agodah@hotmail.com
Helsinki-Finland

Contact us at: admin@ceelbuurnet.comadmet.co

Copyright © 2007 ceelbuurnet.com