Councilor
Roger Blackmore (Lord Mayor ) oo noqday
masulkii uguhoreyey ee noqday
ambassadorka
Super-
Cupka Leicester 09-03-2010
|
Mamulka Bahada Sportiga
ee magalada Leicester oo gudoonsiiyey shahado
sharaf Mayorka magalada Leicester kadib
markii u si,xilkasnimo ah ugarab istaagay qaban
qaabada iyo qabsomisda kobka Super-Cupka ee
kadhaca xiliga Easterka Magalada Leicester oo
kutala bartamaha wadanka englad.

Gudomiyaha dalada
sportiga ee magalada Leicester Mudane: Omar
Hassan Mohamed (Omar-dheere) oo horkacayey
waftiga bahada sporiga ee galada
leicester oo Casumad rasmiya kahelay aqalka
madaxtoyada Magalada Leicester.

Xubnaha waftiga ayaa waxaa
kamid ahaa masuliyinta ugusaraysa xaga sportiga
magalada Leicester kuwas oo ay kamid ahaayen,
G/kuxigenka dalada sportiga ee Leicester
united sports and Culture Mudane: Cilmi
Macalin Maxamed, Xoghayaha LUSC Mudane:
Daud Muse Xasan, Qasnajiga LUSC Mudane:
C/lahi Farax Siyad, Xiririyaha Leicester
United Sports and CultureMudane: Mohamed
Faysal.
Maamulka LUSC waxay salan iyo wada hadal kadib
ugamahad celiyen tageeradii iyo garab istagii uu
garab istaag mudane:) Councilor Roger
Blackmore (Lord Mayor) qabsoomida
koobka Super-Cupka.
Mayorka ayaa asna dhiciisa uga mahad celiyey
waxaqabadka ururka Leicester United
Sports and culture waxana uu,u
xaqiijiyey in uu garab istagi dono uuna kamid
noqon dono xubnaha ,qabanqaabada koobka
Super-Cupka ee magalada
Leicester sanadwalba.
Waxaana intaa kadib maamulka LUSC u
aqoonsadeen:Councilor Roger Blackmore (Lord
Mayor) masulkii uguhoreyey oo Anbasador
unoqda Koobka Super-cupka. Mudane: Councilor
Roger Blackmore (Lord Mayor) waa uu gudomay
xilkas waana uu kufarxay in uu lashaqeyo
dhalinyarada Soomaalida oo uu kutilmaamay dad aad
iyo aad ufirfircoon oo wax ween kusookordhiyey
bulshada magalada Leicester. Intaa kadib waxaa
La,gudoonsiiyey Lord Mayorka shahado sharafta
ugusareysa ee ay bixiso jaliyada soomaalida ee
degan magalada leicester .
Hoghayaha bahda spotiga ee magalada Leicester
Mudane: Daud Muse Hassan oo shirka kadib
warbahinta kulahadlay goobtii kulanku kadhacay
ayaa ucadeyey warbaahinta in uu aad iyo
aad ugu farax sanyahay tilaabadan
horayloqaday taas oo ah gul Soomaalida oo dhan
usohoyatay.
waana waajib in Soomaalidu ay la,yeelato xiriir
dhow oo wadashaqeeyned madxda sare ee magalada
leicester gar ahaan waa gul lataban karo oo ay
sohooyen madaxda bahda sportiga LUSC.
Daud oo hadalkisii siwata ayaa
carabka ku adkeyey in ay mel walba oo maamusleh
ay gen donan magaca Soomaalida waayo waxa nalaga
aminsanyahay dad waxa dila waxana qariba laakiin
markii nalabarto dadku waxay yaqiinsanayaan inan
nahay dad shafleh oo qadarinta ay uhayaan umadaha
kale ay aad usarayso. Waxana umada soomaaliyeed
ee dagan Leicester sharaf u,ah in masuulkii
ugu sareyey uu manta kamid yahay xubnaha qaban
qaabada Koobka Super-Cupka.
Taasna waxaan uga mahad celinaynaa ilaahay
kasokow dhalin yarada iyo mamulka sharfta leh ee Leicester
united sports and Culture oo noqday
anbasadoro siwen uga turjumay waxa ay dadka
soomaalidu yihiin iyo waxqabadkoda iyo ladhaqanka
umadaha kal duwan ee aan lanolnahay sporigu
waa iskukene dad kaladuwan oo kaladhaqan ah.
Waxaan halkaan uga mahad celinayaa Dhamaan
Odayaasha sharfta leh, hoyooyinka iyo
macaliminta dugsiyada quranka oo ayagu
nalashaqeya marwalba. Waxaan kaloo halkaan
uga mahad celinayaa dhaman ururada
Soomaaliyeed ee kajira magaalada leicester iyo
cid alaale iyo cidii taageerta hawshan qaran ee
aan u hayno soomaalida qurba jooga ah.
Mudane: Daud waxaa uu
saxada,u cadeyey in malinta ay bishu
tahay 08-04-2010 ahna malinta lacayaarayo
samifaynalkakoobka Super-cupka. in uu
kadhicidoono magalada Leicester qoriturkii
cayaaraha xagaaga kadhaca magalada
Stockholom cayaarahaas oo ay qabtaan urur
weynaha Seuki. Sanadkaan waxaa qoriturka marti
loguyahay Leicester.
Waad mahad santihiin
Somalimadia
News Editor
Ceelbuurnet.com
admin@ceelbuurnet.com
|