|
|
|
17-01-2007 00:06:29
Ceelbuurnet.com |
|
DR. CALI CUSMAAN "ATLANTA PLAN WAA
MID WAXTAR U LEH UMMADDA
SOOMAALIYEED" |
|
|
|
Waxa dhawaan lagu qabtay
Magaaladda Atlanta ee Cariga Mareykanka shir aad iyo aad muhim u
ah oo ay soo abaabushay Clark Universaty oo ka mid ah
Jaamacadaha ugu qadiinsan Magaaladda Atlanta,,waxaana Shirkaasi
ka soo qayb galay Dawladda Nyjeeria oo ay hoogaamineyysay Gabar
xubin ka ah Barlamaanka Nyjeeria,Dr. Brown oo ah Madaxwaynaha
Jaamacadda Clark,Ganacsato ka socotay Dalka Nyjeeria,Tababare
Ron Davis oo ka soo noqday Tartankii Ciyaaraha Fudud ee lagu
qabtay Dalka Jarmalka,iyo Wafdi matalayey Ummadda Soomaaliyeed
oo uu hogaaminaayey Gudoomiyaha Guddiga Isboortiga iyo Dhaqanka
ee Magaaladda Atlanta isla markaana ahaa Xoghayaha Guddiga
Olympigadda ee Tartankii 1996 Dr. Cali Cusmaan Cali,waxaana
wafdigaasi ka mid ahaa Halyey Cabdi Warsame Isaaq oo ka mid ahaa
Xulkii qarana Soomaaliyeed ee Ciyaaraha Fudud uuna soo ciyaaray
Kooxdii Ciyaaraha Fudud ee Wakaaladii Ganacsiga (ENC).

Wxaana halkii warbixin aad u dheer
siiyey Madaxwaynaha Jaamacadda Clark Mr. Brown isagoo sheegay in
la doonaayo in la sameeyo Barnaamij loogu magac daray Atlanat
Plan oo la doonaayo in la unko xiriir ku wajahan Arrimaha
Bulshadda,Siyaasadda iyo Dhaqaalaha oo ay hormuud u noqoto
Jaamacadda Clark lagana qayb geliyo dhamaan Dawladaha dhaca
Qaaradd Afrika,taa oo aan rajeyneyno in ay ugu hormartay tartan
Ciyaareed oo loo abaabulo Ciyaaryahanadda Mareykanka iyo kuwa ka
socdo Dawladaha Afrikaanka laguna qabto Xarunta Jaamacadda
Clark,

Shirkaas oo aad iyo aad muhim uga
ah Dawladaha Afrikaanka ayaa halkii waxa khubbad dheer ka
jeediyey Dr.Cali Cusmaan Cali Gudoomiyaha Guddiga Isboortiga iyo
Dhaqanka ee Atlanta isagoo sheegay in Barnaamijka Atlanta Plan
uu yahay mid ruuntii qayb way ka qaadan kara horumarinta
Qaaradda Afriaka,isagoo sheegay in haddi aanu nahay
Masuuliyiinta Ummadda Soomaaliyeed aanu si buuxda uga qayb geli
doono,waxaana uu sheegay in aanu leenahay khubaro ku xeel dheer
arrimaha kala duwan uu barnaamijkaan salka ku hayo sida arrimaha
Bulshada oo aanu u kala qaadeyno waxbarashada iyo
Isboortiga,waxaanan uu Mitaal u soo qaatay sida Dr. Cabdirisaaq
Cusmaan iyo Macalin Burhaan oo ka mid aha aqoonyahanadda
Soomaaliyeed oo aad iyo aad ugu xeel dheer arrimaha
waxbarashadda kana soo shaqeeyey muddo aad iyo aad u dheer in ay
wax badan ummadda Soomaaliyeed u soo dhicin doonaan,sidoo kale
marka laga hadlaayo Isboortiga waxa uu Dr. Cali Cusmaan Cali
farta ku fiiqay in Atlanta iyo goboladda ku xeeran ay leeyihiin
khubaro Isboorti oo ka soo mid noqday Xulkii qaranka ama
Tababare u soo noqday Xulkii Qaranka Soomaaliyeed kuwa oo kala
ah Mxamed Xaaji Giftin oo soo noqday Tababare Xulka Qaranka
Soomaaliyee,Aweys Fundi Kooxdii Horseed iyo Xulka Qaranka
Soomaaliyeed,Cabdi Warsame Isaaq oo ka mid ahaa Xulkii Qaranka
Soomaaliyee ee Ciyaaraha Fudud,sidoo kale waxa uu Dr. Cali
Cusmaan Cali soo qaatay in Goboladda noo dhaw ay ku nool yihiin
khubaro kale oo ay ka mid yihiin Maxamed Xasan Qolof oo ka mid
ahaa Xulkii Qaranka Kubadda Cagta Soomaaliyeed ee 1963,isla
markaana ka mid ahaa garsoorayaashi kubadda Cagta ee ugu
wanagsanaa Qaaradda Afrika,waxa kaloo kula nool Magaaladda
tennesse Tababare Cabdicasiis Axmed Mahdi oo ka mid ahaa
Tababarayaashii waxa ka soo leyliyey Xulka Qaranka Soomaaliyeed
ee Kubadda Cagta isla markaana Shahaado Heer Caalami ee Kuabdda
Cagta ka soo qaatay dalka Hungeri,sidoo kale Magaaladda
Virgiiniya waxa ku nool LMr.Khaliif Riiko oo ka mid ahaa Kooxdii
Kubadda Cagta ee Dekadaha iyo Xulkii Qaranka ee Kubadda cagta
iyo Tababare Caraale oo ka tirsanaa Xulkii Qaranka ee Ciyaaraha
Fuduud.waxa marka noo fududaan doono in Atlanta Plan qaybtiisa
Arrrimaha Bulshadda aanu si buuxda uga qayb galno madaama aanu
leenahay khubaradaa kala duwan.

Dr. Cali Cusmaan Cali oo aad iyo
aad u qiireysan ayaa uu carabka ku adkeeyey in ay dhibaato badan
la kulantay Siyaasadda Soomaaliyeed taa oo keentay dagaaladii
sokeeyey oo aafeeyey dalkeena Soomaaliya,laakiin waxa uu Dr.
Cali Cusmaan Cali u bishaareeyey ka soo qayb galayaashii in ay
Siyaasadda Soomaaliya ay maanta mareyso halkii ugu wanagsaneyd
taa oo loo aaneeynaayo dadaalak ay muujiyeen Madaxwaynaha Dalak
Soomaaliya Sheekh Shariif iyo Raisul wasaaraha Mr. Cumar
Cabdirashiid kuwa oo albaabadda u furay in la wada hadlo
dhibaatadda jirtanna lagu dhameeyo wadahadal iyo isfaham,taa oo
aad moodid in ay soo dhaweeyeen Bulshadda Caalamka ayna ku
heleen sumcad iyo qadarin,waxaana hamigii ummadda kor uu u kacay
markii Madaxwaynaha Shekh Shariif shekk Axmed uu la kulmay
Wasiir arrimo dibadeedka Mareykanka Ms Hillary Clinton ,iyo
khudbadii Madaxwaynaha uu ka jeediyey shirkii Qaramadda Midawbay
taa oo keentay in Sacab badan loo tumo,waxaana aanu rajeyneynaa
in ay dadaalkaa uu keeno in Ummadda Soomaaliyeed ay mar kale
gacmaha is qabsato.

Dr. Calli Cusmaan Cali oo ka
mid ah aqoonyahanadda Dhaqaalaha ayaa shir waxa uu uga
warbixiyey in dagaaladii sokeeyey in burburiyeen kaabayaashii
dhaqaalaha,waxaana uu sheegay in dhaqaalaha Ummadda Soomaaliyeed
uu ku tiirsanaa Xoolaha iyo Beeraha isagoo raaciyey in ay
Ummadda Soomaaliyeed ay leeyihii xeeb dhirirgeedu yahay 3333Km
oo ay ka buuxaan khayraad kala duwan,isagoo u sheegay ka soo
qayb galayaasha Atlanta Plan in uu jiro Khayraad DIHAN(RESOURCE
POTENZIALE) oo aanu ka codsaneyno in Ummadda Soomaaloiyeed laga
caawino,waxaana ka soo qayb galayaashi ay aad iyo aad ugu
khashuuceen khudbadaas qiimaha leh oo uu Dr. Cali Cusmaan Cali
ka jeediyey shirkaas,waxaana uu ugu dambeyntii Ummadda
Soomaaliyeed ugu baaqayaa in markaan nabadda loo jeesto madaama
la arkay in uusan dagaal wiil ku dhalanin in uu ku dhinto
mooyee,waxaana uu shirkii mku soo gabagaboobay si qiimo
leh,isagoo Dr. Cali Cusmaan Cali halkaa sacab badan loogu tumay.
- News Editor
- Ceelbuurnet.com
- admin@ceelbuurnet.com
- Muqdisho
|
|