|
Casho
sharaf sii sagootin ah oo ay
shirkadda Aflax u sameeysay martidii
ka soo qeybgashay cayaaraha xagaaga
SEUKI 2009 oo Stockholm lagu soo
gabagabeeyey |
|
|
|
Shirkadda Aflax oo ka dhisan
magaaladan Stockholm oo ayna hormuud u yihiin Korneyl Diini iyo
Cabdi Nasir Garweyne ayaa waxeey casho sii sagootin ah dhawaan
magaaladan Stockholm ku casuumeen dhamaan martidii ka soo qeyb galay
cayaaraha xagaaga SEUKI 2009 oo si aan caadi aheeyn loogu soo
gabagabeeyey magaaladan Stockholm.

Cashadan oo ay marti ku ahaayeen
masuuliyiinta kooxaha ayaa waxaa iyaguna joogay Guddoomiyaha
xiriirka kubadda cagta Jabuuti Mudane Xuseen Fadul iyo sidoo kale
guddoomiyeku xigeenka xiriirka Soomaliyeed ee kubadda cagta mudane
Axmed Nuur Xasan Cabdulle sidoo kale waxaa joogay guddoomiye ku
xigeenka xiriirka soomaliyeed ee kubadda koleyga mudane Injneer
Baana.

Cashadan oo ay dad fara badan ka
hadleen oo uu ka mid ahaa guddoomiyaha ururka SEUKI Sheekh Mukhtaar
Shuute ayeey waxeey dhamaantood isla soo qaadeen sidii loo hormarin
lahaa Sportiga iyo hormarinta dhalaanka Soomaliyeed iyadoo ay
halkaana ka hadleen masuuliyiinta shirkadda Aflax mudane Korneyl
Diini iyo Cabdinaasir Garweyne .

Cashadan ayaa waxaa ay ka dhacday
Resturang Indian Garden oo ku taal farasmagaalaha Stockholm halka
lagu magacaabo Medborgarpaltsen.

Magaalada Stockholm ayaa sanadkan
waxaa soo gaaray marti fara badan oo ka kala yimid dunida
dacaladeeda si ay uga qeyb qaataan cayaaraha xagaaga SEUKI 2009 oo
sanadkan noqday tartanka kaliya ee ka dhacayey magaalada Stockholm .




















- News Editor
- Ceelbuurnet.com
- admin@ceelbuurnet.com
- Muqdisho
|