30-09-2009 19:09:04 Ceelbuurnet.com
Kulan dhexmaray ururweynaha SEUKI iyo GOQS oo dhawaan ka dhacay magaalada Stockholm

 

 

Waxaa magaalada Stockholm dhawaan ka dhacay kulan dhexmaray Guddiga Olympikada Qaranka Soomaliya iyo ururweynaha marka magaciisa la soo gaabiyo la  yiraah SEUKI kulankaas oo ka dhacay Hotel Ibis oo ay wafdiga ka socday Olympikada soomaliya deganaayeen.

 

Kulankan oo ay masuuliyiinta ururka SEUKI la yeesheen guddoomiyaha guddiga Mudane Adan Xaaji Yabaroow ( Wiish ) , guddoomiye ku xigeenka Mudane Duran Farax , iyo xoghayaha Mudane Cabdulaahi Taranbi ayaa waxaa ay labada dhinac uga wada hadleen sidii loo sameyn lahaa wada shaqeeyn wax ku ool ah oo dhexmarta labada dhinac maadama uu ururka SEUKI yahay ururka maanta ugu weyn ee qabta Cayaaraha xagaaga oo ay ku xiran yihiin dhalinyaro fara badan oo soomali ah oo ku nool qaaraddan Yurub isla markaana isku keena kumaankun Soomali ah oo ka kala yimaada daafaha kala duwan ee dunida.

 

Kulankan ayaa Guddiga Olympikada Qaranka Soomaliya ay ururweynaha SEUKI ka codsadeen in ay albaabada furaan isla markaana qaataan wixii talooyin ah ee la siiyo iyagana ay keenaan wixii talo ah ee lagu hormarin karo Sportiga soomaliya iyo kan qurbahaba.

 

Kulankaas ayaa waxaa uu Guddoomiye Wiish ka dhawaajiyey halkaana ku cadeeyey in Guddoomiye ku xigeenka uruweynaha SEUKI Faysal Makaraan uu xubin ka yahay xubnaha Guddiga Olympikada Qaranka Soomaliya iyadoo arintaana ay soo dhaweeyeen ururweynaha SEUKI ugana mahad celinayaan guddiga GOQS xubintaa ay ku casuumeen ururweynaha SEUKI.

 

Ururweynaha SEUKI ayaa wuxuu 100% diyaar u yahay la shaqeeynta iyo taakuleeynta GOQS iyadoo aysan markii ugu horeeysay aheeyn balse hore uga qeybqaatay hormarinta Sportiga Soomaliya.

 

News Editor
Ceelbuurnet.com
admin@ceelbuurnet.com
Muqdisho

                         

 

 Contact us at: admin@ceelbuurnet.com     

        Copyright © 2007 ceelbuurnet.com