|
Kooxda Leicester oo dhulka ku jiiday
xiddigaha Rågsved iyo Norway oo
tarbuunka saatay Qaran |
|
|
|
Cayaarihii xagaaga SEUKI 2009 oo
maalmahanba ka socday garoonka weyn ee Spånga IP ayaa waxeey haatan
ku dhaw yahiin gabagabo iyadoo shalay la cayaaray Quarter finelkii
labaad oo ay isku arkeen cayaartii koowaad kooxda Qaran oo ka dhisan
wuqooyiga magaalada Stockholm iyo kooxda Oslo Norway oo ka timid
dalka Norway.

Cayaartan ayaa waxaa garoonka soo
buux dhaafiyey dad weyne aad u fara badan iyadoo ay halkaana buuxeen
tageerayaasha Qaran ay caanka ku tahay oo shalay halkaa ka geeystay
falal aan wanaagsaneeyn iyagoo ridayey baaruud taasoo waxyeelo
gaarsiin karta caruurta yar yar ee halkaa jooga.

Cayaartan oo mareeysa 2-1 ay ku
hogaamineeysay kooxda Oslo Norway ayaa waxaa uu garsoorihii cayaarta
joojiyey cayaarta maadaama ay suurtagal noqon weeysay in
taageerayaasha Qaran ay joojiyaan Baaruudda ay ridayeen tasoo kooxda
Qaran sanadkii labaad sabab u noqotay ineey cayaarta wanaagsan ee ay
la soo shir tageen dhameeystaan oo isku dayaan ineey guuleeystaan.

Cayaartii labaad oo ay dadku wada
sugayeen runtiina ay cayaareeysay kooxdii ugu danbeeysay afartii
kooxood ee ka socday magaalada Stockholm iyo kooxdii ugu danbeeysay
4 tii koox ee ka socday UK ayaa waxeey dadku filayeen ineey
noqoto cayaar isku dheeli tiran oo ay labada koox la yimaadaan
cayaar dadka qancisa balse kooxda Leicester ayaa u awood sheegatay
kooxda Xiddigaha oo runtii sanadkan aad uga liidata intii ay kooxdu
jirtay iyadoo kooxda xiddigaha dhulka lagu jiiday lagana dhaliyey
5-0 taasoo ceeb ku ah in koox weyn oo 8 da ugu danbeeysa soo gaartay
sidaa loo galo.

Cayarahan ayaa waxaa haatan iskugu
soo haray afar koox oo koox walba ay wadan masaleeyso iyadoo reer
Sweden ay u soo hartay kooxda Neutral Göteborg reer UK waxaa u soo
haray leicester , sidoo kale waxaa Norway u soo haray kooxda Oslo
Norway iyo Holland oo iyadu aheeyd kooxda qura ee ka soctay dalka
Nederland.

Beri ayaa hadii allaha awooda lihi
ogolaado waxaa fooda is dari doona kooxha Holland iyo Göteborg iyo
sidoo kale kooxaha Oslo Norway iyo Leicester.

Cayaarahan ayaa waxaa sidii ay
caadadu aheeydba shalay ku sugnaa marti sharaf fara badan oo ka kala
yimid Afrika , Yrurb iyo North America iyadoo ay halkaa ku sugnayeen
wafdigii reer Jabuuti ee ka koobaa guddoomiyaha xiriirka kubadda
cagta Jabuuti mudane Xuseen Fadul iyo xoghayahiisa Mudane Cali
Kaamil Cali , waxaa sidoo kale joogay Guddoomiye ku xigeenka xiriika
kubadda cagta Soomaliya mudane Axmed Nuur Xasan Cabdulle ,
Kerstin Gustavsson ,Björn Begner , Annet Hägger , Guddoomiyaha
ururka EuroSom Mudane Maxamed Diini , Guddoomiya ururka TODAY Mudane
Sheekh Xuseen , Xoghayaha xiriirka kubadda koleyga Soomaliya
Ingneer Baana ,Macalin Muuse Naasir , Axmed Cabdikariin Walaayo (Cantar
Jeenyo) Shariif Zeiyn , Maxamed Axmed Caalin ,Axmadeey B ,
Gdoomiyaha ururka Skif Abukar Adan Deeqow ( Boss Caato ) , xubin GOS
Maxamed Muuse Jabroos , Oday Sport Bashiir Cilmi Maxamed ( Bashiir
Jeenyo ) Abukar Cabdulle Dhabareey,Khalaafe ,Cabdulaahi Maalin ,Sabriye
Gaboow ,Ganeey ,Bashir Mursal, Fartuun Birimo iyo marti fara
badan oo aan halkan ku soo koobi karin.

Waxaa intii aysan cayaaruhu
bilaaban sida caadada aheeyba halkaa kooxaha kula dardaaramay
odageena Axmed Saalax Diinaash oo ah garsoore caalami ah isla
markaana cayaarahan ka soo qeyb qaadanayey ilaa intii la bilaabay
isagoo u qaabilsan arimaha garsoorayaasha iyo wacyi galinta sidoo
kale waxaa cayaartooyda la hadlay Cantar Jeenyo oo ah cayaaryahan
hore oo caan ka ahaa dalkeena iyo guddoomiyayaasha kooxaha oo la
dardaarmayey cayaartooyda.




















- News Editor
- Ceelbuurnet.com
- admin@ceelbuurnet.com
- Muqdisho
|