17-01-2007 01:21:03 Ceelbuurnet.com
Xiirey Axmed Rooble oo cod aqlabiyad leh ku guuleeystay guddoomiyaha ururweynaha SEUKI sanadka 2010

 

 

Ururweynaha SEUKI oo dhawaan yeeshay shirsanadeedkiisi caadiga ahaa kaasoo lagu dooranayey maamul cusub oo haga ururka ayaa waxaa cod aqlabiyad leh ku guuleeysyay inuu ururka hogaanka u qabto Mudane Xiireey Axmed Rooble oo ka mid ah howlwadeenadii ugu cadcadaa intii uu ururku dhisnaa isagoo waliba waaya aragnimo buuxda u leh howlaha baaxadda leh ee ururka.

 

Mudane Xiireey ayaa hadal gaaban oo uu halkaa ka jeediyey ka dib markii la doortay waxaa uu ururka intiisa kale kula dardaarmay ineey u duubtaan in ay dhalinyarada si daacad ah wax ugu qabtaan maadaama ujeedada dhabta ah ee loo aasaasay ururweynaha SEUKI ay aheeyd sidii dhalinyarada looga badbaadin lahaa waxyaaba xun xun ee khatarta ku ah nolashooda.

 

Guddoomiyaha ayaa waxaa sidoo kale howsha muhiimka ah la wadi doona Xoghaye Wali Maalin Shaaciye iyo Khasneeji Caydaruus Cali Jaamac iyo guddoomiye ku xigeen Cabdi Casiis Xuseen Cigaal ( Daalo ).

 

Shirkan ayaa sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa odayaal rugcadaa ah Sportigana ka soo qabtay jagooyin muhiim ah haatana ururka u ah odayaal la taliya wixii taagero ah ee looga baahdana si wanagsan ula garab taagan ururka kuwaasoo kala ahaa Sacad Cumar Geedi iyo Cabdulqadir Maxamuud Cabdule ( Cabdi Cadde )

 

Waxaa sidoo kale isna shirkaa goobjoog ahaa xubin Guddiga Olympikada Qranka Soomaliya Mudane Faysal Makaraan oo isna ka tirsan uruweynaha SEUKI.

 

Guddoomiyaha cusub ee SEUKI Mudane Xiireey Axmed Rooble  ayaa waxaa horyaala howlo farabadan oo baaxad leh si loo hormariyo shaqooyinka ururka islamarkaana loo hormariyo howlaha loo qabto dhalinyarada ka kala yimaada yurub iyadoo sidoo kale ay guddoomiyaha cusub hortaalo dhameeystirka heshiiskii afarta sano soo socday ee u dhaxeeyey SEUKI iyo SKIF taasoo aan ilaa hadda dhameeystirneyn inkastoo ururka SkIF ay u tanaasuleen walaalahood SEUKI balse waxaa dhiman in ay labada urur howsha dhalinyarada soomaliyeed loo hayo si daacad ah u wada qabtaan.

 

Guddoomiye Xiireey Axmed Rooble ayaa sidoo kale waxaa horyaala howlaha lagu hormarinayo Sportiga Soomaliya maadaama ururka SEUKI iyo Guddiga Olympikada Qaranka Soomaliya  ay ku ballameen wada shaqeeyn dhexmarta labada dhinac iyo in albaabada la isku furo lagana qeybqaato hormarinta Sportiga dalka iyadoo waliba ay guddoomiyaha cusub hambalyo u soo direen kooxaha ka dhisan dalka Soomliya oo ay ka mid tahay kooxda Benadir Telecom.

 

News Editor
Ceelbuurnet.com
admin@ceelbuurnet.com
Muqdisho

                         

 

 Contact us at: admin@ceelbuurnet.com     

        Copyright © 2007 ceelbuurnet.com