|
Gudoomiyaha GOS mudane Aden Xaji
Yabarow wiish oo labo maalmood oo
shaqo uu Finland ku yimid u
dhamaatay |
|
|
|
Guddoomiyaha GOS Aadan Xaaji
Yabarow (Wiish),xoghayaha guud ee GOS Abdullahi Tarabi iyo wafdi GOS
ka tirsan oo ay hogaaminayo ay dhawaanahanba booqashooyin ku soo
kala bixinayeen jaaliyadaha Isboortiga Soomaaliyeed ee Yurub ayaa
waxaa ay hadda laba maalmood oo shaqo ah ay ku yimaadeen wadanka
Finland.

Gudoomiyaha ayaa waxaa finland
kusoo dhaweeyey Jaaliyadda Isboortiga Finland oo uu hogaaminayo
Xubin Guddiga Fulinta GOS iyo Gudoomiyaha Kanava Abdiaziz Godah iyo
Abdulqadir Hadaafow.

Guddoomiye Wiish oo magaalada
Helsinki laga dajiyay xarun gaar ah oo jaaliyada Soomaaliyeed ay
horay ugu sii diyaariyeen ayaa shir jaraa'id oo uu qabtay waxaa uu
kaga hadlay ujeedada safarkooda Yurub iyo maalmaha safarka uga
harsan.

waxaa uu guddoomiyuhu sheegay in
safarkoodu uu qeybka yahay fulinta go'aankii ka soo baxay shirkii
lagu doortay guddiga Olombikada ee bishii Maarso ka dhacay Jabuuti
kaas oo ahaa in booqashooyin uu ku soo kala bixin doono jaaliyadaha
Isboortiga Soomaaliyeed ee Yurub ku sugan oo runtii gacan weyn ka
geystay horumarinta isboortiga Soomaaliyeed.

GUDOOMIYAHA OO JAALIYADA FINLAND
WARBIXINGUUD SIIYEY
Ugu horeeyntii ayaa waxaa
hadalo furitaan ah halkaas kasoojeediyey,maxamuud sujaac,kadibna
waxaa uu hadalkii ku wareejiyey Gudodoomiyaha Kanava isagana waxaa
uu ku wareejiyey hadalkii Macalin Bashiir Abdi Daahir, waxaa ka dib
hadalkii qaatay Gudoomiyaha waxaana uu jku bilaabay sidan:

Guddoomiyaha GOS
ayaa ugu horeyn Jaalliyada isboortiga Finland uga warbixiyey
heerarkii kala duwanaa ee Isboortiga Soomaaliya uu soo maray tan iyo
markii la riday Xukuumadii Maxamed Siyaad Bare. Mudane Wiish oo
sheegay in guud ahaan Isboortigu uu ka madax bannaan yahay siyaasada
sidaa darteed uu asiga naf ahaantiisa iyo rag ay ka mid yihiin
marxuum Nuur Xuseen Jeenyo iyo C/qaadir Gacal Abkoow si Iskaa Wax U
Qabso ah ugu tafaxeyteen sidii ugu yaraan Calanka Qaranka Soomaaliya
uga dhex muuqan lahaa kulamada Cayaaraha waaweyn ee Dunida ka dhaca.

Gudoomiyaha ayaa
waxaa uu sheegay inay ugu horeeyntii ku guulaysteen xiligii siyaad
barre Ka dib inay ugu horeeyn ku guulaysteen inay markii ugu
horeeysey qabtaan koob ay ugu magacdareen KOOBKII RAJA SOO
CELINTA,ka dibna sidaas ay ku saareen wixii la oranjiray qadka
cagaarnaa.

Gudoomiyaha ayaa
Wuxuuna ka dhawaajiyey in Soomaaliya ka qeyb gashay laga soo bilaabo
1996-dii Cayaarihii Olombikada ee lagu qabtay magaalada Atalanta,
Giorgia (USA) ilaa iyo kuwii ka dhacay sannadkii hore magaalada
Sidny Austaraalia,Greece ,Athena iyo Beijing ee dalka Shiinaha,
sidoo kalena Soomaaliya waxay caadi ahaan uga qeyb qaadataa
cayaaraha All African Games.
Guddoomiyaha ayaa
markii uu warbixinta siiyey jaaliyaddihii isboortiga ka dib waxaa uu
shirar gooni gooni ah lakala qaatay,ururaddii kasoo qayb galay
shirkaas oo mid walba siiyey waqti ay ugu sharxaan waxqabadkooda iyo
guud ahaan waxa ay mustaqbalka rabaan inay kawada shaqeeyaan iyaga
iyo guddiga olympikada Soomaaliyeed.
Gudoomiye Wiish wuxuu ugu dambeyntii
aad ugu nuuxnuuxsaday oo dadkii shirka joogayna kula dardaarmay in
xil la iska saaro sidii loo hormarin lahaa Isboortiga Soomaaliyeed
iyo weliba in jiilalka soo koraaya lagu abuuro muwaadannimo iyo
qiimaha uu leeyahay calankeena buluuga ee xiddigta shan-geesoodka
dhexda kaga taal.
Waxaa sidoo kale halkaas ka hadlay
Mudane Abdulahi Ahmed tarabi oo ah xoghayaha guddiga olombikada
soomaaliyeed ayaa ka war bixiyey ujeedada iyo wax qabadka olombikada
Soomaaliyeed. Mudane Tarabi waxa uu ka hadlay xiriirka olombikada la
leeyahay ururada soomaaliyeed ee ka dhisan gudaha wadanka iyo
dibeddiisaba, waxaana uu xoghayaha amaan usoo jeediyey dhamaan
bahweynta isboortiga Finland sidii sharafta lahayd oo ay usoo
dhaweeyeen.
waxaana ugu dambeyntii guddoomiyaha
iyo xoghayahaba halkaas lagu weydiiyay su'aalo isagoo dhamaantoodba
si saxaraxad leh uga jawaabay su'aalihii la weydiiyay.
GUDOOMIYAHA IYO WAFDIGIISA OO CASHO SHARAF HEER
SARE AH U SAMEEYEEN URURKA SOCOS
Gudoomiyaha ayaa waxaa uu
habeenimaddii ka qaygalay xaflad casho sharaf ah oo ay soo
diyaariyeen ururka dhaqanka iyo isboortiga Finland, cashadaas ayaa
waxaan ku tilmaami karaa inay ahayd mid aad loosoo agaasimay, inta
cashadda aysan bilaaban ayaan waxaan wax ka weydiiyey Gudoomiyaha
Ururkaas Ahmed IMAD oo ii sheegay inay ugu talagaleen gudoomiyaha
GOS inay kusoo dhaweeyaan wadanka finland,madaama uu yahay xubinta
ugu sareeysa ee isboortiga Soomaaliya.
Xaflada cashadda ayaa ahayd mid aan
qoraal looga sheekeynkarin,lakiin aan dhihi karo waxaa aya ahayd mid
aad loo soo agaasimey, xafladaas ayaa waxaa xiriiriye ka ahaa Yasiin
Abdi Raage oo ugu horeeyntii inta aan cashadda lagelin warbixin
dheer oo kusaabsan heerkii uu soo maray ururkaas ka jeediyey,kadibna
waxaa uu gudoomiyha iyo bahweyntii kasoo qayb gashayba ay halkaas ku
cuneen cashadii loogu talagay.
Cashadii ka dib ayaa waxaa lagu soo
dhaweeyey, xoghayaha guud ee ururkaas Mudane Qooje oo isna ka
waramay xaaladda ururka uu soo maray ka dibna waxaa halkaas oo
warbixin yar ka bixiyey koox uu isaga ka disay gobolka Togdheer,qaas
ahaan magaaladda Burco, qooje ayaa soo bandhigay sawiro uu ku tusayo
kooxda oo tababaro qaadanaysa iyo ciyaartodii oo hadlayaba, waxaa
intaas ka dib warkii lasiiyey Mudane Abdirisaq oo isna ku hadlay
Magaca ururka daladda Somaaliyeed, waxaa ka dib isna halkaas ka
hadlay Gudoomiyaha Ururka Kanava Abdulqaadir oo isna ka mahad
celiyay cashadaan sharafta leh, waxaa inta aan loogudbin xubinihii
martida ahaa isna halkaas waqti laga siiyey Cabdullahi
Shukri,Abdullahi ayaa waxaa uu siga ku noox nuuxsadey magaca ururka
uu leeyahay sheegayna inuu yahay shaqsiga ay kasoo maaxatay, waxaa
isgana halkaas ka hadlay xoghayihii ugu da´da yaraa xiligiisiyaad
barre waa xoghayihii hore ee xiriirka cayaaraha Fudud Mudane Cumar
Dhagaweyne, waxaa ka dib hadalkii lasiiyey Abdullahi Tarabi oo isna
sidaas oo kale ka mahadceliyey cashadan quruxda badan ee loo
sameeyey,waxaa kale oo uu sheegay inaymuhiim tahay in ururadda
isboorti ahaadaan kuwo ku mideysan isboortiga iskana ilaaliyaan
waxyaabaha kala taga u keenaya. Waxaa gunaanadkii halkaas ka hadlay
Guddoomiyaha waxaa uu ugu horeeyn halkaas mahdcelin balaaran oo ku
aadan sida gudoomiyaha loogu soo dhaweeyey Finland iyo qaas ahaan
cashadan sharafta leh uu usoo jeediyey labadii urur ee KAVA iyo
SOCOS, gudoomiyaha ayaa sheegay inay mudan yihiin labadaan urur ku
dayasho. Guddoomiyaha GOS Mudane Wiish ayaa jaaliyada isboortiga
kaga warbixiyay taariikhdii uu soo maray guddiga Olombikada
Soomaaliyeed, waxyaabihii uu soo qabtay iyo himilooyinka uu
mustaqbalka hiigsanayo. Waxaa gabagabaddii halkaas ka hadlay Imad
Iyo Aabaha isboortiga Soomaaliyeed Macalin Bashiir Abdi Daahir oo
iyagana uga mahadceliyey sidii sharafta laheeyd oo ay uga aqbaleen
madaxdda isboortiga somaaliya uga sreeysa inay kala soo qaygalaan
xaladaan cash sharafta ah, gudoomiyaha ururka dhaqanka iyo
isboortiga waxaa intaas ku daray inay la shaqeeyndoonaan GOS qaybna
ay ka qaadan doonaan dhamaan waxyaabaha lagu hormarinayo isboortiga
Soomaaliyeed.
Xubnaha kulankaa ka hadlay ayaa waxaa ka mid
ahaa Maxamuud Shujaac oo ka mid ah dhalinyarada aadka ugu heelan
horumarinta isboortiga dalka, guddoomiyaha Kanava Cabdulqaadir
Hadaafow oo isna ah shaqsi isboorti jacaylku uu ku fogaaday wax
badana soo qabtay, Aabaha Isboortiga Soomaaliyeed ee Finland Macalin
bashiir Cabdi iyadoo kadibna guddoomiyaha GOS Wiish iyo Xoghayaha
Guud Tarabi ay ku hadleen magaca GOS iyagoo u mahadceliyay ururada
isboortiga Soomaaliyeed ee Finland.
Maxamuud Shujaac ayaa ku hadlay magaca guddiga soo dhaweynta wafdiga
GOS, halka Guddoomiyaha Kanava iyo aabaha isboortiga Soomaaliyeed ee
Finland ay iyaguna ku hadlayeen codka urturada isboortiga
Soomaaliyeed ee dalkaasi ku sugan, waxaana aad la isugu afgartay
dhamaan wax yaabihii kulankaa looga hadlay.
Gudoomiyaha ayaa si Kaftan ah waxaa uu yiri,
waxaa nasoo gaarta jaaliyadaha dibadda waa dagaalsanyihiin,hadda
markii aan soo maray Switzerland,Talyaaniga,Denmark iyo hadda oo aan
ka mid Sweden, waxaan layaabay sida aad isugu duuban tihiin oo aad
uruabtaan horumarinta isboortiga,marka waxaan isweydiiyaa yay yihiin
cidda isdagaashan.
GUDDOOMIYAHA GOS ADEN HAJI YABAROW(WIISH)OO LA
KULMAY DHIGIISA FINLAND ROGER TALERMO
Guddoomiyaha ayaa waxaa uu intii uu joogay
magaaladda Helsinki ee wadanka finland uu kulamo kala gedgedisan la
yeeshay, bahweynta isboortiga Finland qaybaheeda kala duwan iyo
haddii ay ahaan lahaayeenba hayadaha ugu sareeya wadankaan.
Waxaa haddaba shir yeeshay labadda hay´adood ee
ugu sareeysa waa Finland iyo Soomaliya ay kawada hadleen sidii ay
usuubin lahaayeen xiriir wada shaqeeyneet ee labada hay´adood.
Waxaa haddaba halkaas warbin ku aadan heerkii uu soo maray guddiga
olymbikada Finland halkaas kasoo jeediyey JOUKO PURONTAKANEN.
oo ah xoghayaha guud ee olymbikadda Finland,
waxaa uu xoghayaha warbixin dheer naga siiyey mudaddii ay
dhisnaayeen iyo heerarkii ay soo mareen oo hadda laga joogo boqol
sanno.
waxaa isna ka dib halkaas ka hadlay oo sidoo kale warbin
kusaabsan,heerkii uu isna soo maray olymbikada Soomaaliyaha Kasoo
jeediyey Xoghayaha Guud ee Olymbikadda Somaaliyaha Mudane Abdullahi
Tarabi, ka dibna waxaa hadalkii qaatay Guddoomiyaha GOS Aden Haji
Yabarow Wiish oo uga mahadceliyey sidii ay usoo dhaweeyeen ka dibna
u sharaxay qaab noocee ah ayaan uwada shaqeeyn karnaa. Waxaa isna
sidoo kale jawaab ka bixiyey Guddoomiyaha Olymbikadda Finland Roger
Talermo waxaana uu soo dhaweeyey wada shaqeeyntaas, waxaana uu isla
markiiba howshii ku wareejiyey xoghayaha sheegayna inuu soo
diyaariyo wixii ay ka wada shaqeeyn lahaayeen labdda urur.
Waxaa xusid mudan sanadkii 2007 in ay SOMNOC
iyo FINNOC ay wada kulmeen, haddana la sii xoojiyey sidii ay u wada
shaqeeyn lahaayeen ama ay usii hormarin lahaayeen wax qabadka
labadda urur.
waxaa Guddoomiyaha iyo Xoghayaha ku wehliyey
Abdiaziz Godah,Abdulqadir Hadaafow,Maxamuud Sujaac iyo Maxamed
Cabdow oo dhamaan ah xubno ka tirsan guddiga Olymbikadda
Soomaaliyeed.
Waxaa soo diyaariyey
Abdiaziz Godah
- News Editor
- Ceelbuurnet.com
- admin@ceelbuurnet.com
- Muqdisho
|