|
Guddoomiye ku xigeenka Xiriirka
kubada cagta oo booqday Xulka
qaranka |
|
|
|
Guddoomiye ku xigeenka Xiriirka
Soomaaliyeed ee kubada cagta Axmed Nuur Cabdulle
ayaa shay booqasho ugu tagay cayaartoyda xulka qaranka kubada cagta
Soomaaliyeed oo
u diyaar garoobaya cayaaraha qaramada bariga iyo bartamaha Afrika.

Guddoomiye ku xigeenka oo ay
socdaalkiisa ku wehlinayeen masuuliyiin kale oo
isboorti ayaa kula dar daarmay cayaartoyda kubada cagta Soomaaliyeed
in ay muujiyaan
karti iyo cayaar wanaag, isla markaana ku dadaalaan sidii macaga iyo
sharafta
qaranka Soomaaliyeed ay kor ugu dhigi lahaayeen.

“Wax kasta oo aad mudneydeen ma aadan heli sababtuna waxaa ay tahay
dhibaatooyinka
aadka u baahsan ee dalka ka jira, howsha aad qabaneysaana waa howl
qaranka
Soomaaliyeed aad u heysaan taas ayaadna sumcad iyo sharaf weyn ku
heleysaan”ayuu
guddoomiye ku xigeenku u sheegay cayaartoyda xulka qaranka oo uu ku
booqday dugsiga
sare ee booliska oo ay bilihii lsoo dhaafay ku xareysnaayeen.

“Qiimaha iyo sharafta aad leedihiin waa wax aan muddo kooban looga
sheekeyn Karin,
qof kasta oo Soomaali ahna marka uu maqlo magiciina runtii waxaa uu
xusuustaa in
kaalin weyn oo muuqata aad dalka iyo dadka Soomaaliyeed ugu
fadhisaan”ayuu
guddoomiye ku xigeenku ku yiri cayaartyda qaranka

Guddoomiye ku xigeenka ayaa cayaartoyda u jeediyay khudbad dheer oo
dhiiri gelin iyo
amaan isugu jirtay waxaana dhamaan cayaartoydu ay aad ugu riyaaqeen
sida qiirada
wadanimo ku dheehan tahay ee Mudane Axmed Nuur uu ula hadlay.
Xulka qaranka Soomaaliya ee kubada cagta ayaa barri oo Arboco ah u
amba bixi doona
dalka Kenya halkaas oo ay kaga qeyb geli doonaan cayaaraha qaramada
bariga iyo
bartamaha Afrika oo sanadkan Kenya ay marti gelineyso.
Somali NOC Media Department
- News Editor
- Ceelbuurnet.com
- admin@ceelbuurnet.com
- Muqdisho
|