24-11-2009 19:41:32 Ceelbuurnet.com
Xiriirada & Ururrada Isboortiga oo loo furay seminar dhinaca maamulka ah

 

Waxaa maanta Magaalada Muqdisho ka furmay seminaar muddo 3 maalin ah soconaya oo loo qabtay madaxda hey’adaha isboorti ee dalka ka jira, waxaana mudada uu seminaarku socdo lagu baranayaa asharro la xariira maamulka isboortiga.

 

Xubnaha ka qeb galaya seminaarkan ayaa waxaa ay ka kala socdaan xiriirada iyo ururada isboorti ee hoos yimaada guddiga Olombikada Soomaaliyeed, waxaana guddoomiyaha GOS Aadan Xaaji Yabarow (Wiish) oo seminaarka furay uu sheegay in sanadkiiba 3 jeer hada kadib la qaban doono seminaarada noocan oo kale ah.

 

“Seminaarada noocan oo kale ah oo maamulka lagu baranayo hada kadib sanadkiiba sadex jeer ayaanu qaban doonaa, waxaana ugu tala galnay in aqoonta maamulka isboortiga lagu sii horumariyo”ayuu yiri guddomiyaha GOS oo munaabadii furitaanka seminaarkan ka hadlayay maanta.

 

Waxaa uu guddoomiyuhu sheegay in wixii ka dambeeyay shirweynihii 5-aad ee doorashada GOS ee Jabuuti ka dhacay bishii Maarso lagu balamay in loo koco jowl iyo wax qabad ka weyn intii hore loona baahan yahay in balan qaadkaas laga dhabeeyo.

 

“Wixii doorashada ka dambeeyay wax weyn ayaa noo qabsoomay wadadaas ayaana kusii socon doonaa,waxaana idiin sheegayaa in xiriir ama urur iska fadhiya ayan isku mid ahaan doonin kuwa ordaaya oowax qabsanaaya, balanteenuna waa wax qabad dhab ah oo la taaban karo”ayuu yiri guddomiyaha GOS oo hadalkiisa ku wajahayay guddoomiye yaasha iyo xogahye yaasha xiriirada iyo ururada ee seminaarka kasoo qeyb galay.

 

Semninaarkan oo ay macalimiin ka yihiin Maxamed Axmed Tarabi iyo cabdirashiid Xaaji Nuur ayaa waxaa uu socon doonaa ilaa iyo maalinta kahmiista ah ee inasoo aadan oo xaflada xiritaankana lagu bixin doono shahaadooyin muujinaya ka qeybgalka seminaarka xaga maamulka ah.

 

Somali NOC Media Department

News Editor
Ceelbuurnet.com
admin@ceelbuurnet.com
Muqdisho

                         

 

 Contact us at: admin@ceelbuurnet.com     

        Copyright © 2007 ceelbuurnet.com