17-01-2007 00:41:06 Ceelbuurnet.com
Sacad Cumar Geedi oo ah rugcadaa Sport oo xalay gurigiisa guddiga GOS casho ugu sameeyey

 

 

Guddiga GOS oo ka kooban guddoomiye Adan Yabaroow Wiish , Xoghaye Cabdulaahi Taranbi iyo Xubin Maxamed Muuse Jabroos ayaa xalay waxaa casho sharaf ku aadaneeyd soo dhaweeyntii guddoomiyaha lagu soo dhaweeynayey Sweden xalay u sameeyey rugcadaa hore oo Sport oo lagu magacaabo Sacad Cumar Geedi oo deggan magaalada Stockholm ee dalkan Sweden.

 

Cashadan oo ay goob joog ka ahaayeen bahda Sportiga Sweden qaarkood ayaa waxaa halkaa joogay odayaal Sport oo uu ka mid yahay Cabdulqadir Cabdulle ( Cabdi Cadde ) oo hore u ahaa guddoomiye ku xigeenkii xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta haatana ka mid ah odayaasha ururweynaha SEUKI , iyo Abukar Cabdulle Dhabareey oo isna ahaa cayaartooy hore ee kooxda gaadiidka isla markaana ka tirsanaa shaqsiyaadkii ka soo qeyb qaatay hormarinta cayaaraha xagaaga Stockholm.

 

Cashadan oo ay sidoo kale goobjoog ka ahaayeen masuuliyiin ka soctday ururka SEUKI ayaa waxeey u dhacday si aad u heer sareeya iyadoo uu guddoomiye Wiishna ka mahad celiyey cashadaa sharafta leh ee loo sameeyey iyadoo uu isla markaana ka faaleeyey aqoonta durugsan ee uu u leeyahay Oday Sacad Cumar Geedi oo Sportiga ku soo dhex jiray ilaa lixdameeyadii.

 

Gudoomiye Wiish oo labadan maalmood ku sugnaa magaaladan Stockholm ayaa maanta waxaa isaga iyo xogheeyihiisu ay u amba baxeen magaalada Helisinki ee dalka Finland iyagoo Stockholm dib ugu soo laaban doona dhawaan hadii allaha awooda lihi ogolaado.

 

Soo dhaweeynta GOS uu uu ururweynaha SEUKI ka qeybqaatay ayaa shir uu ururku isugu yimid kuna saabsanaa soo dhaweeynta wafdiga waxaa xilkaa uu ururku masuul uga dhigtay Faysal Makaraan oo ah guddomiye ku xigeenka ururka isagoo runtiina hoowshaa si wanaagasan uga soo baxay wafdigana aad uga warqabay intii ay joogeen magaalada.

 

Mudane Maxamed Muuse Jabroos ayaa noo sheegay in shir weyn oo loogu talagalay bahda Sportiga oo dhan uu ka dhici doono Folkets Hus oo ku yaal xaafadda ay ugu badan tahay Soomalida iyadoo shirkaana uu bilaabmi doono 18.00 .

 

 

 

 

 

News Editor

Ceelbuurnet.com
admin@ceelbuurnet.com
Muqdisho

                         

 

 Contact us at: admin@ceelbuurnet.com     

        Copyright © 2007 ceelbuurnet.com