|
Xulka
qaranka 17 jirada ee ka kooban
dhalinyaradii qoryaha laga dhigay
iyo kuwii caseeyaha ahaa ma difaaci
karaan sharafta calanka Somaliya (
Faalo) |
|
|
|
Waxaa haatan dalka Suudaan ku sugan
kooxdii xulka qaranka Soomliya kuwooda yar yar ee 17 jirada ah ee ka
qeybgalayey tartanka CECAFA ee 17 jirada iyadoo ay isla shalayba la
kulmeen guuldaradii koowaad loogana badiyey 3-1 kooxdan oo
sida uu hore gudoomiyaha XSKC u sheegay ay ku jiraan
dhalinyaro iyagoo qori sita laga dhigay iyo kuwo ay daruufo nololeed
heeysato oo iskaga shaqeeysan jiray caseeye si ay nolol
maalmeedkooda u helaan taasoo ay qasab ku tahay xilligan xun ee uu
dalkeeni hooyo ku jiro.

Waxaa arin aad u wanaagsan ah oo marag
ma doonto ah in Soomaliya ay ka qeybgasho tartamada ka dhaca dalaka
Afrika maadama ay wali tahay dal xor ah oo ka tirsan qaaradda Afrika
haba ka jiraane dagaalo sokeeye oo daba dheeraaday kuwaasoo
burburiyey gabi ahaanba haykalkii dowladnimo ee tiirka u ahaa qeyb
kasta oo ay ka koobneeyd bulshada.
Waxaa sidoo kale cad in cayaartoyga
masalaya xul qaran uu yahay cayaartooy ka kaaftoon dhinac walba
hadeey noqon laheeyd tababar joogta ah oo la siiyo , dhanka
caafimaadka oo laga warqabo ,dhanka mooralka oo laga dhiso iyadoo
marmar loo adeegsado dhaqaale , in cayaartoygu uu ku jiro tartan
sandkii oo dhan socda oo uu yahay nin tartankaa xitaa safta intiisa
badan , inuu yahay nin ku kalsoon xitaa hadii uu dhaawac soo gaaro
inuu heli karo daawo ama daryeel ku filan , iyo ugu danbeeyn nin
moral buuxa haaya moralkaasoo u sahli kara inuu ku fikiro inuu calan
dhan matalayo.
Waxaa wax lala yaabo ah in soomaliya
oo burbursaneeyd 20 kii sano ee ugu danbeeysay dadkeediina ay in ka
badan 1 milyan qurbaha ku sugnaayeen mudadaa dheer ayna jiraan
caruur badan oo wadamadan hore ugu maray dhanka Sportiga ama
ay ku dhasheen ama ay ku koreen lana heli karo cayaartooy moral
ahaan , tabar ahaan , dhaqaale ahaan , caafimaad ahaan ,jir ahaan
dhaama kuwa ku sugan dalkii oo aan wada ognahay xaalada nololeed ee
ay maanta ku sugan yihiin in laga faaiideysan waayo.

Waaxaa wadamada Yurub iyo North
Amerika ka jira kooxo fara badan oo Soomali ah kuwaasoo ay qaarkood
dhisnaayeen in ka badan 10 sano iyagoo ay layliyaan macalimiin inta
badan ka mid ahaa cayaartooydii hore ee dalkeena magaca ku lahaa
isla markaana ay dhalinyarada kooxahan u cayaarta inta badan ka qeyb
qaataan leage ka socda dalka ay joogaan kuwaasoo sanadkii oo dhan
cayaara .
Waxaa kale oo jira tartamo ay ururo
Soomali ah qabanqaabiyaan kuwaasoo ka kala dhaca Yurub , North
amerika , carabaha , iyo waliba tartan dhawaan ka dhacay dalka Kenya
iyadoo tartamadaa ay ugu yaraan ka qeybgalaan 10 koox oo kooxdiiba
ay ka kooban tahay 20 cayaartooy taasoo tiradooda guud ka dhigeeysa
200 cayaartooy.
Waxaa dhawaan sidoo kale ay xubnaha ugu sareeya
XSKC sheegayeen ineey xiriir la smeeyn doonaan dalalka qabanqaabiya
tartamada waaweeyn ee ka dhaca qurbaha si looga soo xulo cayaartooy
matali karta magaca Soomaliya isla markaana difaaci karta sharafta
Calankeena balse waxaa moodaa in aysan fikirkan ku mideysneeyn waayo
waxaa wali socda jidkii qaldanaa iyadoo tartamada loo kaxeeynayo
cayaartooy aan awoodeedaba laheeyn.
Waxaan hubaa in isbadal weyn uu iman lahaa
hadii xulalka laga sameeyo sanad walba tartamada ka dhaca Sweden ,
Canada iyo meelaha kale ee lagu qabto cayaaraha la isticmaalo oo bal
la tijaabiyo .
Soomaliya waa burburtay waxeeyna qeyb walba oo
bulshada ka koobneeyd gacan uga baahan tahay dadka u soo hayaamay
qurbaha sida , caafimaadka , aqoonta , dhaqaalaha oo uu wadanku si
toos ah ugu xiran yahay dadka dibadaha ku nool waxaana hubaa in
Sportiguna ka mid noqdo taa oo xoogiisa laga wado qurbaha inta uu
dalku ka xasilayo.
Waxaa tusaale cad inoogu filan xulkii kubadda
cagta dalka Senigal ee wacdaraha ka dhigay cayaarihii aduunka ineey
ciyaartoyda oo dhan ahaayeen kuwo laga soo aruuriyey dibadda haba
ahaadeen kuwo naadiyo u cayaara balse Soomaliya waxaa kuwaa maanta u
dhigma dhalinyarada ka tirsan leagaga ka dhaca yurub iyo Amerika
isla markaana ka qeybqaata cayaaraha xagaaga ee ay soomalidu qabtaan.
Ma garanayo macno uu XSKC ku diido in uu ka
faiideeysto fursadan qaaliga ah ee iyaga wax loogu qabanayo maadama
ay dhalinyarada qurbajoogta ah iyaguna yihiin Soomali xaqna u
leeyihiin ineey masalaan calankooda hooyo hadii ay chance helaan.
Waxaan filayaa in la gaaray waqtigii XSKC
hurdada ka kici lahaa lana fiiryo fursada qaaliga ah ee yaala
qurbaha laguna difaaci karo karaamada , sharafka iyo qiimaha calanka
Soomaliya iyadoo taana ay naga wada dhaxeeyso waajibna ku tahay in
muwaadin walba uu ka fakaro.
Waxaa qurbaha ku diyaarsan oo laga heli karaa
qaran xoog leh oo u kala baxa waayeen iyo yaryarba kuwaasoo aan hubo
ineey soo celin karaan sharafkeena iyo karaamadena.
Cabdi Cumar Afrax (Afrax
dheere)
Stockholm
- News Editor
- Ceelbuurnet.com
- admin@ceelbuurnet.com
- Muqdisho
|