|
Guddoomiyaha GOS Adan Xaaji Yabaroow
( Wiish ) oo xalay afur iyo casho
aad loo soo qaabeeyey loogu sameeyey
guriga cayaaryahankii hore ee kooxda
Otobaarka Abuukar Cabdulle (
Dhabareey ) |
|
|
|
Xalay oo ay aheeyd habeenkii ugu
danbeeysay bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa waxaa magaalada
Stockholm soo gaaray Guddoomiyaha Guddiga Olympikada Soomaliya
Mudane Adan Xaaji Yabaroow (Wiish) oo bilihii ugu danbeeyey howlo
Sport u joogay qaaradan Yururb isagoo hore u soo maray dalalka
Talyaaniga iyo Denmark.

Bahda Sportiga ee magaaladan Stockholm
oo u diyaargaroowday imaanshiyaha guddoomiyaha ayaa waxaa isla
xalayba Afur iyo casho si aad ah loo soo qaabeeyey u sameeyey
Cayaaryahan hore oo ka tirsanaa kooxdii Otobaarka ama gaadiidka
xiliyadii barisamaadkii laguna magacaabo Abukar Cabdulle loona
yaqaan Dhabareey kana tirsan howlwadeenada Sportiga Sweden.

Afurkan ayaa sidoo kale waxaa ka soo
qeyb galay qaar ka tirsan bahda Sportiga magaaladan Stockholm oo uu
ugu horeeyo masuulka qabanqaabada wafdigan isla markaana ah xubin
guddiga GOS Maxamed Muuse Jabroos , Sacad Cumar Geedi ,
Bashiir Cilmi Maxamed (Jeenyo) , Xaaji Jeenyo , Sabriye Gaabow
, Cabdi Cumar Afrax , Cali Cumar ,Xamdi Sheekh Axmed ,Maxmed
Mukhtaar ,Jamaal , waxaa sidoo kale cashada ka soo qeyb galay
Garsoore Xasan Wiish , Mohamed Deeq Yusuf iyo Ibrahim Ahmed
Yabaroow oo iyaguna ka yimid Dalka Denmark.

Afurkan iyo Cashadan isla socday oo
loo sameeyey guddoomiyaha ayaa waxaa si aan caadi aheeyn u soo
diyaariyey hablaha magaalada Stockholm oo ay ka mid yihiin Shamso
Jamle , Faay dheer , Faadumo Axmed , Boolaay Jimcaale , Nuurto Xaaji
.

Guddoomiyaha iyo xoghayaha GOS ayaa
hadii alla idmo maalinta talaadada waxeey safar ku tagi doonaan
dalka Findland iyagoo shir weyna kala qeybgali doona bahda Sportiga
Sweden maalinta 27 bishan shirkaasoo ka dhici doona Folkets Hus oo
ku yaal xaafadda Rinkeby.






- News Editor
- Ceelbuurnet.com
- admin@ceelbuurnet.com
- Muqdisho
|