24-01-2007 19:39:26 Ceelbuurnet.com
Xagee Isboortigii Somaliya Marayaa ayaase u maqan?

 

 

Bal aan isla aragno xaalka guud ee soomliya xaga sport -ga, dhibaatoyinka ka dhacaysoomaliya ma aaysan burburin wax yaabaha dhaqaalaha ah, laakin waxay sidaa si la mid ah u burbur ba’an ka soo garay xaga dhaqdhaqaaqa dadka. Sida aad ka warqabtaan 16kii sano ee burburka ku habsaday dhamaan Somali waxa ay ka dhaxashay hormar la taaban karo waayo dhalaanka waxa ay xooga saareen xaga kubaddaa cagta , kubadda koleyga, cayaaraha fudud iyo dhamaan ciyaaraha qaybahooda kala duwan. Waxaan aragnay in xiriiraddii Somaaliyeed ee hoos tagi jirey Dowladdii milatariga aheyd iney ka hoos baxeen oo ay xoroobeen, xiriir walbana uu iskiis isku maamulo taas waxaan oran karnaa waa horumar lagu talaabsadey Isboortiga Somaaliya gudihiisa ka socda.

 

Waxaa wax kale oo la taaban kara ah burburkii ka dib iney dhalinyaro badan ay ka soo tageen wadankii hooyo horumar xoogana ay saareen sidii ay isboortiga aduunka wax ula qaybsan lahaayeen haba u badnaadeen dhinaca kubadda cagta oo waxaad arkeysaa in maanta Yurub laga helaayo dhaliyaro tayo leh oo garoomadda waaweyn ee Yurub wax ka keeni kara, laakiinse waxaa ka faa’ideysanaya waxaan dhihi karnaa waa dadkale.


Waxaan ka hadalnay dhinicii wanaagsanaa, lakii haddii aan u soo noqono dhinaca kale ee qaladaadka u baahaan in la saxo waxaan u kala qaybin karnaa dhowr qaybood:

Maamul daacad ah:Waxaad arkaysaa isboortigii soomaaliya gudihiisii waan soo sheegnay
oo waxaa uu ku talaabsadey horumar weyn oo lataaban karo, laakiin dhinaca kale haddii aad ka fiiriso xiriiradda dhisan waqtigan la joogo, xiriiradda waxaa ay ku talaabsadeen horumar lataaban karo. Waxaan kor ku soo xusay in uu maamulkii isboortiga ay maamuli jireen dowladii militariga aheyd hadana ay ka hoos baxeen laguna talaabsadey horumar aan lasoo koobi karin, markii uu roobkii soo da’ay oo daaqii hala gurto laysyiri ayaa waxaa soo ifbaxaysa in ay dad aan isboortiga dan kalahayn inay rabaan inay u diidaan daaqaa ay dhalinyarada guran lahayd. Waxaa isweydiin leh oo beri lala xisaabtamayaa haddii uu isboortigan yar ee aan haysano uu
burburo,Yaa masuul ka ah wixii ka yimaado waa su´aal aan weydiinayo maamulka
siyaasadda ee isboortiga soomaaliyeed.

Xirfad aqooneed:Xirfada aqooneed ee ay leeyihiin maamulada ayaa waxaa ay tahay mid
loo baahan yahay in la kordhiyo oo mar walba siminaaradda iyo dhamaan waxa tabaro ah
looga faa’ideeyo layskuna dayo in marwalba aqoontaas la kordhiyo.

Jaaliyaddaha Dibadda:Qaybtan ayaa waxaad moodaa beryihii danbe inay isbadal weyn ku
dhacayso,waxaana isleeyahay waxaa ay u baahan yihiin talo wanaagsan inay qaataan oo aysan iyagu uun ismaqnaan oo aysan ka shaqeeynin sidee ku burburinaa oo aysan u shaqeeyn wax isboorti ah ama haddii ay shaqeeynayaan u noqdaan mid aan anaga maamulno oo keliya,taas haddii aan laga gudbin waxaad moodaa inaysan waxbadan ku kordhin karin Isboortiga Soomaaliyeed.waaan soo sheegnay burburkii ka dib in dhalinyaro badan oo dibadaha ku nool ayaa awoodooda ciyaareed ay gaartay heer sare oo aan isdhihi karo aqoontooda waa looga faa ideynkaraa isboortigii somaaliya, lakiin shaqsi ahaan aan arko iney ka faa’ideysanayaan dad kale oo tanina waa qayb ka mid ah burburka isboorigeena. Jaaliyadaha ama ururada kale waxaa ay ka qayb qaadankaraan dhiirigelinta caruurta da’da yar ee jaaniska u heshay in ay caawiyaan
qarankooda, oo waxaa ay ka caawinkaraan dhinaca dhaqaalaha maadaama aysan jirin cid
Isboortigan u maqan mas’uuliyadiisana ay na saaran tahay dhamaanteen.

Warbaahinta:Warbaahinta waxaa dhihi karnaa iyadda laftigeeda dhiirigelinta dhalinyaradda sidii looga baahnaa uma ay shaqayso oo waxaad arkeeysaa isboortis kala duwan ayaa ka socday wadanka gudihiisa iyo dibadiisa intee ayaad ka qaadateen ayaad isleedihiin? aniga ahaan waan ku faraxsanahay iney jiraan webside –yo isboorti oo bulshadda wax weyn u qabtay weyna ku amaanan yihini shaqadaas weyn ee ay hayaan.


Waxaa ku dayasho mudan websidekii ugu horeeyey ee isboorti Soomaaliyeed ka hadlo waa websideka ciyaaraha,waxaana markii uu furayey aan u arkay inuu rabay inuu ku hormariyo isboortiga Soomaaliyeed,lakiin kuwa kale ee gadaal laga wada furay waxaa aya u badan yihii kuwo ku dhisan beelo ama gobol oo waxyaabaha ay ka hadlayaan waxaa ay u eg yihiin markii aad aqrisato ku aan qof wax garad ah ama isboortiga wax ka yaqaan uusan jeclaysanayn qaabka ay wax u qoraan iyo sida wax loo wajahayo intaba.

 

Waxaa muhiim ah haddii aad tahay qoraa Somaaliyeed inaad wax hormariso maahine inaadan wax burburin. Ururka Suxufiyiinta Isboortiga Soomaaliyeed ayaa waxaa uu diyaarinayaa Siminaaro iyo waxyaabo lagu hormarinayo wariyayaasha ka shaqeeya isboortiga waana soo gudbindoonaa waqtiga insha allah.

Bulshadda: Hadaba Bulshada la doonayo inay hogaamiso dhalinyarada oo ay noqoto hormood lagu tilmaansado , miyeysan joogin, away bulshadii Sportiga lagu yiqiin ee dadkan iyo dalkan caanka ku ahaa? Ma iyaga ayaa waxaa la leeyahay waxaa ayba qayb ka yihiin dadka raba inay wax burburiyaan oo waxaa ay ku marmarsiyoonayaan m,maxaa dadkii ehelka isboortiga u ahaa looga qayb gelin waayey waxyaabaha socda,marabo inaan magacsheeg sheego lakiin dadka isboortiga hogaamiyo tariikho laxusikaro ayey ku leeyihiin isboortiga oo waxaan dhihi karnaa magac iyo sharaf ayey usoo hoyeen isboortiga,lakiin qoladda aan kor kusoo sheegay ee ku andacoonaya maxaa nalooga tagay,sababtaas daraadeedna rabta inay u burburiyaan isboortiga waan latalinayaa hadda ayey dabo ka qabsho leedahay ee ka baxa arinkaas.

Gabo gaboHaddaba bahweynta isboortiga waxa baryahan dambe ku soo noq noqonayay goobaha lagu kulmo iyo Warbaahinta dalkaba sheekooyin aan qiimo iyo macno badan u lahayn Sportiga, balse salka ku haya khilaaf wax kala riixasho ah, oo macnaheedu noqonayo tallow goormaa xanuunkaasi inaga tagi doonaa, caqliguna soo noqon, Aqoonta iyo garaadka wanaagsani shaqayn doontaa. Runtii waa nasiib daro aad u wayn oo ku dhacday Sportiga dalka.

Yaa u maqan Isboortigaan?

F.G

Waxaa baryahan soo qori doonaa waxyaabo aan rabno inaan isboortiga ku badbaadino LASOCO


Abdiaziz Godah

Gudoomiyaha SSPA

News Editor
Ceelbuurnet.com
admin@ceelbuurnet.com
Muqdisho

                         

 

 Contact us at: admin@ceelbuurnet.com     

        Copyright © 2007 ceelbuurnet.com