Shirkadda Xawaaladda Sahal Express
laanteeda Sweden oo heshay ogolaansho ay howsheeda ku
fuliso
Shirkadda Xawaaladda Sahal Express oo
waayadanba aheeyd shirkad la mataana ah Sportiga gacan weyna ka
geeysata howlaha hormarinta Sportiga ee gudaha iyo dibadda ayaa
waxaa dhawaan loo ogolaaday in ay howlaha xawaaladda si sharci ah u
fulin karto.
Sahal
Express ayaa waxeey ka mid aheeyd shirkadaha xawaaladaha Soomalida oo
dhawaan ay dowladda Sweden ka mamnuucday ineey howlahaa xawaaladda
ka fuliyaan dalkan Sweden taas oo dhibaato ku noqotay shirkadaha
iyo waliba macaamiishii howlahaa loo qaban jiray , balse dadaal
dheer oo ay shirkadu u gashay helitaanka ogolaanshahan ayeey ku
guuleeysatay haatan ineey howlaheeda si sharci ah u
qabsato.
Shirkadda
xawaladda Sahal ayaa hadaba waxeey farxadda ogolaanshahan kaga
jawaabeen ineey casuumaan bulshada Soomalida ah ee ay howlahan u
qabato iyadoo casho sharaf aad loo soo agaasimay ku qabtay Jubba
Restraung halkaasoo ay ka soo qeyb galeen qeybaha kala duwan ee
bulshada Soomalida ku dhaqan Stockholm iyo
nawaaxigeeda.
Ugu horeeyn
waxaa xafladan lagu furay ayaadaha quraanka iyo wacdi gaaban oo daba
socday kuna saabsanaa diinta waxa ay ka qabto beecmushtarka iyo
ganacsiga iyadoo ka dibna Micraphone lagu wareejiyey Guddoomiyaha
xawaaladda sahal Express qeybteeda Sweden mudane Maxamed Cabdi
madoobe isagoo halkaa ka sheegay howlaha baaxadda leh ee ay
xawaaladu qabato iyo sida ay uga qeybqaadato hormarinta bulshada
hadeey noqon laheeyd Sportiga , abaaraha , taakuleeynta mashaariicda
kala duwan.
Ka dib ayaa
waxaa hadalkii qaatay Guddoomiyaha guud ee shirkadda xawaaladda
Sahal Express mudane Badri Xayle Bariise oo isna ku dheeraaday
waxqabadka xawaaladdan iyo sida ay bulshada ugu adeegto isagoo
sheegay in maadaama aysan nidaam dowli ah oo canshuureed uusan
haatan jirin in ay shirkadu taas dib ugu soo celiso shacabka
Soomaliyeed iyagoo kaga qeybqaata hadba baahida jirta.
Waxaa halkaa
sidoo kale ka hadlay shaqsiyaad matalayey bulshadii halkaa isugu
timid iyadoo uu xaaji faarax u hadlay dhanka odayaasha
Stockholm , dhanka Sportiga waxaa u hadlay Bashiir Jeenyo ,
dhanka aqoonyahanada waxaa halkaa u hadlay Maxamud Afgooye , dhanka
oday dhaqameedyada waxaa u hadlay ugaas Axmed Sheekh.
Xafladdan oo
aheeyd xaflad aad u heersareeysay ayaa waxeey ku soo gabagaboowday
jawi aad u qurux badan .