Shir
looga hadlayey arimaha Sportiga iyo waxbarashada oo lagu qabtay
magaalada Atlanta ee carriga Mareykanka
Waxaa maanta Shir balaaran lagu
qabtay Magaaldda Atlanta ee cariga Mareykanka,waxaana looga
hadlaayey sidii Goboladda Dalka inta awooda saamaxeyso looga caawini
lahaa Horumarinta Isboortiga iyo Waxbarashada kuwa oo qeyb weyn ka
qaadan kara soo dedejinta Nabadda iyo isdhexgalka Bulshadda
Soomaaliyeed oo sanooyinkii ugu dambeeyey lakala
qoqobay.
Waxaana shirkaas oo uu soo
qabanqaabiyey Guddiga Isboortiga iyo dhaqanka ka soo qeyb galay
xubno kala duwan ee kala socday ha'ayado kala duwan ee ku hawlan
hogaaminta bulshadda,waxayna kala ahaayeen:
1)Dr. Cali Cusmaan
Cali.........Gudoomiyaha Isboortiga iyo Dhaqanka
2)Aweys Fundi ..........Madaxa
Farsamadda eeG/Isboortiga
3)Inj.Cumar
Shkhey...............Gudoomiyaha Jaaliyadda Atlanta
4)Aaden
Sanbul.....................Madaxa Maaliyadda ee Jaaliyadda
5)Maxamed Shekh...............Xubin
Guddiga Jaaliyadda
6)Ibrahim Maxamed............Madaxa
Raadiyo Qaran ee Atlanta.
7)Nafiso
Cali........................Gudoomiyaha Haweenka
Atlanta.
8)Samio Cabdulaahi...........Madaxa
Hawenka iyo Caruurta
9)Awo
Raghe......................Madaxa Hawenka iyo Caruurta.
10)Awys Axmed Cali..........Ka
socday Jaaliyadda Sacuudiga.
11)Prof. Mike
Spino...........Khabiir Isboorti iyo Macalin
Jaamacadeed.
12)Drew mearns...............Khabiir
Isboorti iyo Macalin Jaamacadeed
13)Isaac
Biwott.................Tababare Ciyaaraha Fudud.

Waxa ugu horeentii shirkaa khudbad
dheer ka jeediyey Gudoomiyaha Isboortiga iyo Dhaqanka Dr.Cali
Cusmaan Cali,waxaana ugu horeyntii uga mahadceliyey ka soo
qeybgalayaashii sidii ay uga yeeleen Casuumaada uu u fidiyey,waxa
kaloo uu carabka ku dhuftay muhimadda uu shirkaan leeyahay madaama
uu diiradda saaraayo Horumarinta Isboortiga iyo waxbarashadda ee la
doonaayo in laga hirgeliyo Goboladda Dalka inta ay awooda saamaxeyso
annagoo kala khaashan doona inta nala garaneysa qodobadaasi doorka
ay ka qaaadan karaan soo celinta nabadda iyo kala dambeynta,waxaana
uu Dr. Cali Cusmaan Cali sheegay in ugu horeentii aanu ka bilaabi
doono Gobolka Benaadir oo ah Caasimadda Dalka Soomaaliyeed oo
waayahaan dambe gaartay Horumar la taaban karo.taa oo uu
mas'uuliyadeedu leeyahay Mudane MAXAMUD AXMED NUUR(TARZAN) OO AH
GUDDOMIYAHA GOBOLKA BENAADIR AHNA DUQA MAGAALADDA MUQDISHU oo runtii
u huraay waxa alla waxii awood uu dastuurka u saamaxaayey,waxa uu
diiradda saaray ka qeyb galkii tartankii Kubadda Koleyga ee
Caasimadaha Afrika ee lagu qabtay Magaaladda Nayrobi ee dalka
Keenya,waxa dib loo soo nooleeyey Ciyaarihii Hiddaha iyo Dhaqanka uu
Gobolka Benaadir lagu yiqiin,waxa loo ololeeyey soo celinta Nabadda
iyo kala dambeynta,waxa la hor istaagay kuwa been abuurka ku
sameeyey Lahaanshaha Dhulka,waxa Gudoomiyaha Gobolka Benaadir ahna
Duqa Magaaladda Mudane TARZAN uu mar kastaba qalabka warbaahinta u
mariyaa Dadweynaha ku nool Gobolka Benaadir in Horumar kastaba uu ku
xiran yahay sida dadweynaha ay isaga khaashadaan sidii looga mira
dhalin lahaa hadafka uu Gobalkaan leeyahay.

Dr. Cali Cusmaan Cali ayaa waxa uu
ka warbixiyey taarikhda dheer uu u leeyahay Dawladda ee xamar isagoo
la soo shaqeeyey Duqowdii Magaaladda Muqdishu laga soo bilaabo
1971,kuwaa uu ka mid ahaa Cumana Maxamuud Jeele,Xasan Abshir
Faarax,Cabdulaahi Salaad,Marxuum Abuuraas,Cali Ugaas
Cabdulle.Marxuum Siid Cali iyo Marxuum Jeneraal Jilicow,waxaana uu
cadeeyey Dr. Cali Cusmaan Cali in Mudane TARZAN waxqabadkiisa iyo
xilliga lagu jiro uu noqon doono mid ay taarikhda Ummadda
Soomaaliyeed wax weyn ay ka qorto siiba miida Gobolka Benaadir,waxa
kaloo uu Dr. Cali Cusmaan hore u soo qabtay Gudoomiyaha Isboortiga
ee Gobolka benaadir oo horumarinta Gobolkaaso wax weyn ka soo
qabtay,waxaana uu Dr. Cali Cusmaan ugu dambeyntii ugu hambalyeeyey
waxqabdaka la taaban karo uu muujiyey Mudane TARZAN isagoo ku
booriyey in u adeegidda Ummadda Soomaaliyeed ee dhibaatadda la baday
ay qof kastba xaq ku tahay in uu meeshiisa ka qabto,waxaana uu Dr.
Cali Cusmaan Warbixintaasi ku muteystay sacab aad u fara badan,waxaa
kaloo halkaa ka hadlay Khubaro Isboorti iyo aqoonnyahano u dhalatay
dalkaan Mareykanka oo cadeeyey in waxii awoodooda ah aysan ka hagran
doonoin,sida kale Guddiyadda ka kala socda qeybaha bulshada waxay
ballnqaadeen in ay diyaar u yihiin in ay ka soo dhalaalaan qeyntii
kaga soo aada horumarinta Isboortiga iyo waxbarashadda ee
Goboladda,iyado xubno ka mid ah Guddiga Isbbortiga iyo dhaqanka ay
ku mashquulsan yihiin in ay la xiriiraan Gobolo kale si iyagana
loogu raadin lahaa mashruucyo horumarineed ee
Goboladaasi.
Waxaana uu shirkii ku soo
gabagaboobay si heer sare ah..