Waxa sanad kastaba la qabtaa Tartamo Isboortiga oo
dhexmara Goboladda OHIO iyo ATLANTA, taa oo looga gol leeyahay in la
abuuro jawi is dhexgal siiba dhalinyaradda hadda soo
koreysaa,waxayna ku tartamaan Isboortiga noocyadiisa kala duwan sida
Kubadda Cagta iyo Kubadda Koleyga.
Gudiyadda Isbboortiga ee Atlanta iyo Ohio waxa
waligood ka dhexeeyey wada shaqeyn heer sare ah oo ku wajahan in
dhalinyaradda kala duwan ee ku nool Goboladaasi lagu barbaariyo
Isboortiga iyado lagala dagaalamaayo dhibaatooyinka ka jira
Qurbaha,waxaana moodaa taa in maanta lagu guuleystay madaama
dhalinyaradda badankood ay maanta ku masquulsanyihiin ka qeyb galka
Ciyaaraha Noocyadooda kala duwan,waxayna labaadaasi Gobol leeyihii
Caruur aad u da yar oo u socda Tababar Isboorti,waana guusha ugu
weyn ee labaadan Gobol ay gaareen.
Haddaba waxaa dhawaan Boqosho sharaf ku yimid
Magaaladda Atlanta Guddiga Isboortiga ee OHIO iyo Koox Kubadda Cagta
aheyd ee ka socotay isla Gobola OHIO si ay Ciyaar saaxiibtinimo ah
ula yeeshaan Ciyaartoyda Magaaladda Atlanta,isla markaana ay shir ay
ula yeeshaan Guddiga Isboortiga ee Atlanta si looga wada hadlo
ayaaha dambe ee Isboortiga ee labaadaasi Gobol.

Waxaana Shirkaasi lagu gorfeeyey in loo sii
balaarin lahaa ku abaabinta Isboortiga ee Jiilalka soo
koraayo,waxaana Shirkaasi talooyin wax ku ool ah ka bixiyey Tababare
Maxamed Xaaji Giftin oo ka mid aha Tababarayaashii Kubadda ee
Soomalia kuwii ugu fiicnaa,isagoo soo saaray Ciyaaryahano magac iyo
maamusba ku lahaa Isboortiga Soomaaliyeed gaar ahaan Kubadda Cagta
sida Cabdulaahi Axmed Salxaan(Enow),Muridi Abanuur,Goolwale
Dhagey,Argentiina iyo kuwa kale,waxa kaloo halkaa ka hadklay Dr.
Cali Cusmaan,Aweyd Fuundi,Caydiid Jeeyo,Cali Mataan,Cabdulaahi
Afrikaano,Mahad 3 Point,Cabdifataax iyo khubaro kale oo aqoon
balaaran u leh Isboortiga waxaana la isla gartay in Mid Sadex qofood
labada Gobol laga soo saaro oo noqda Guddiga Farsamadda soona
uruuriyaan talooyin lagu sii hormarin karo Isboortiga labada gobol
lagana doonaayo in ay ku soo diyaariyaan sida ugui dhaqsiyaha badan
si talooyinkaasi looga sii ambaqaado.

Habeenimaddi ay jirtay koobkii kama dambeysta ahaa
oo ay labada gobol ku tartamayeen ayaa waxa garoonkii ka soo qeyb
galay Tageerayaal aad iyo aad i jilbeysan oo ka socday Magaaladda
Atlanta,kuwaa oo la garab taagnaa hiil iyo hooba kooxdooda reer
Atlanta,waxaana kooxdii ka socotay Reer Atlanta markii ay arkeen
Tageeridda hagar la'aanta ah ee shacabka Reer Atlana ayey waxay soo
bandhigeen Ciyaar Farsamadeedu ay heer sare aheyd,kana koobneyd
Hujuum iyo Difaac,waxaana taa u dheereed isu dhiidhiib gaagaaban taa
oo Kooxdii OHIO aysan awood u helin in ay iska caabiyaa,waxaana
halkaa Koobkii lagu tartamaayey soi xarago leh ugu guuleystay
Libaaxyaddii Reer Atlanta oo habeenkaasi soo bandhigay Ciyaar aan
waligeed la arki.waxayna Ciyaartii ku soo djhamaatay 4 Gool ee reer
Atlanta iyo EBER reer OHIO..waxaana halkaa garoonkii ka baxay
Taageerayaashi reer Atlanta oo Faraxsan.waxaanu is aragaa uu ahaa
mid aad iyo aad u farxad geliya Labada Guddi
Isboorti.