Ururweynaha SEUKI oo sii sagootiyey cayaaryahan Ciise Aadan Abshir oo u socdaalay ka qeybgalka cayaarta xulka soomaliya  Vs Ethiopia ka dhaceeysa Djibouti

 

Cayaaryahan Ciise Adan Abshir oo loo yaqaan Ciise Midnimo ayaa maanta u socdaalay dalka Dijbouti oo ay ka dhici doonto cayaarta uu xulka qaranka Soomaliya la yeelan doono xulka dalka aanu dariska nahay ee Ethiopia.

Cayaaryahan Ciise oo deggan dalka Norway ayaa waxaa xalay sii sagootiyey uruweynaha SEUKI oo ah ururka qabta cayaaraha kubadda cagta xagaaga ka dhaca Sweden cayaarahaas oo uu Ciise Midnimo ka qeyb qaatay dhowr mar oo hore.

Sii sagootinta uu ururweynaha SEUKI sii sagootiyey cayaaryahan Ciise ayaan aheeyn markii ugu horeeysay balse sida uu ii sheegay Ciise sagootin hore uu ururweynaha SEUKI i sagootiyey ayaan xasuustaa oo aan ka badinay dalka Tanzania waxaan hadana filayaa inaan sidoo kale ka badin doono qaranka dalka Ethiopia.

 

Cayaaryahan Ciise ayaa wuxuu muddo dheer ka tirsanaa cayaartooyda matasha xulka qaranka Soomaliya isagoo hore u noqday cayaaryahan Proffs ah ka dib markii ay iibsatay kooxda Simpa oo ka dhisan dalka tanzania.

Cayaaryahan Ciise Midnimo ayaa haatan ka tirsan koox ka cayaarta cayaaraha sare ee dalka Norway wuxuuna markasta u duuban yahay difaacidda calanka Soomaliya.

 

News Editor
Ceelbuurnet.com

n @ceelbuurn

Contact us at: admin@ceelbuurnet.com adm et.co

Copyright ? 2007 ceelbuurnet.com