Kooxda
Muqdisho oo la hoyatay koobkii cayaarihii ay soo qaban qaabiyeen
ururka ay ku bahoobeen cayaartoydii hore ee heerka koowaad loona
yaqaan SSAUK
Waxaa
galabta lagu soo gabagabeeyey garoonka The Hive Football Centre ee
galbeedka magaalada London tartankii kubadda cagta ahaa ee ay ku
tartamayeen kooxaha jaaliyadaha soomaaliyeed ee dalkan UK lana magac
baxay Somali Football Festival ayna soo qabanqaabiyeen ururwaynaha
SSAUK.

Tartankan oo soo bilowday
bartamiii bishii June ee sanadkan isla markaana la hakiyey bilowgii
bisha barakaysan ee ramadaan ayaa waxaa cayaartiisii ugu dambaysay
ay manta ku dhexmartay garoonkaasi kooxaha Al-Uruba Birmingham iyo
Mogadishu oo ka kala dhisan magaalooyinka Birmingham iyo London ee
dalkan UK.

Hadaba
cayaartan oo ay daawashadeeda ka soo qaybgaleen madax sare oo ka
tirsan maamulada kala gedisan ee sport ga Soomaaliyeed, odayaal
sport, qaar badan oo ka mid ah cayaartoydii hore ee dalka iyo waliba
dadwayne aad u fara badnaa oo kala taageerayey labada kooxood ayaa
waxa ay labada kooxoodba muujiyeen cayaar aad u raali gelisay
dadkaasi dhamaan una qalantay mid lagu soo gabagabayn karo tartan
noocaan oo kale ah.


Qaybtii hore ee cayaartan
ayaa waxaa ku gacan sareeyey kooxdii ka socotay magaalada Birmingham
waxayna labada kooxood ku kala nasteen 1-0 ay kooxda Birmingham ku
hogaaminaysay waxaase ay cayaartii isbadashay markii ay macalimiinta
kooxda Mogadishu la soo tashteen cayaartoydooda isla markaana ay wax
badan ka badaleen qaab-cayaareedkoodii taasoo dhalisay in ay goolkii
barbardhaca helaan bartamihii qaybtii labaad ee cayaarta halka ay
goolkii guusha oo asagu ahaa darbadda ganaaxa (Rigoore) heleen
dhamaadkii cayaarta sidaasina ay kooxda Mogadishu ku noqoto
horyaalka tartanka Somali Football Festival 2011 oo galay
sanadkiisii labaad ayadoo ay sanadkii horena ku guulaysatay kooxda
Ilamos.




Intaasi ka dib ayaa waxaa loo
dareeray goobtii loogu talagalay in lagu bixiyo abaalmarinadii loogu
talagalay cayaartoyda iyo waliba kooxaha kuwaasoo ugu kala
guulaystay sidan:

·
Maxamed Ibraahim (Cayaartoygii ugu wanaagsanaa- Kooxda Wembley)
·
Gwam-Nullar (Goolhayihii ugu wanaagsanaa – Kooxda Mogadishu)
·
French Steven (Cayaartoygii ugu goolasha badnaa – Harrow- 8
Gool)
· Kooxda Harrow (Kooxdii ugu aqlaaqda badnayd)
· Cali
Kaamil (macalinkii ugu wanaagsanaa – Kooxda Harrow)
· Khaalid Cali (Cayaartoygii ugu aqlaaqda
wanaagsanaa- Kooxda Ilamos)
Dhinaca
kale waxaa ayaguna hadiyado loogu mahadcelinayo la guddoonsiiyey
shirkadaha xawaaladaha ee Olympic Money Transfer
iyo Bakaal Money Transfer oo labadooduba kaalin aad
muhiim u ah ka qaatay suurtagalnimada tartankan la’aantoodna aysan
suuragal noqon lahayn in dhalinyaradan loo qabto tartan lagu
maaweeliyo xiliga fasaxa ee dugsiyada waxbarashada kala
gedisan.

Intaasi ka dib ayaa avv Xuseen diiriye oo ka
mid ah odayaasha sport ga magaaladan London waxa uu koobkii kaalinta
labaad guddoonsiiyey kooxda Birmingham oo ayagu muujiyey dadaal iyo
cayaar aad u heer saraysa cayaarihii ay cayaareen oo idil wuxuuna
uga mahadceliyey cayaar wanaaga ay muujiyeen.

Waxaa ayaguna markaasi ka dib si wadajir ah
koobkii kaalinta koowaad u guddoonsiiyey kabtanka kooxda Mogadishu
guddoomiye ku xigeenka GOS Mudane Duraan Axmed Faarax iyo odayga
sport ga dalkan UK isla markaana ka mid ahaan jiray madaxdii sare ee
wasaaraddii sport ga soomaaliyeed mudane Axmed Cabdi Daahir (Shell)
waxaana mar kaliya ka bilowday goobtaasi dabaaldeg ay kooxda
Mogadishu ugu dabaaldegayaan hanashada koobkaasi.

Odayaashii iyo bahwayntii sportga oo ayagu manta
goobjooga ka ahaa xiritaanka tartankan oo aanan halkan magacyadooda
ku soo koobi Karin ayaa waxaa halkan uga mahadcelinaya ururwaynaha
SSAUK ayadoo ay ururadii iyo shaqsiyaadkii ayagu ka soo qaybgalay
cayaartan ay ka mid ahaayeen:

·
Oday Sport, Avv Xuseen Diiriye
· Oday Sport, Axmed Cabdi daahir
(Shell)
· Oday Sport, C/Qaadir Isoo Mareey
· Oday Sport,
Muriidi Zein
· Guddoomiye ku xigeenka GOS, Duraan Axmed
Faarax
· Guddoomiye ku xigeenka XSK Kolayga, Ing C/Qaadir Cali
Geedi
· Guddoomiye ku xigeenka XSK Gacanta, Maxamed C/Laahi (M
Handball)
· Xidhibaan, C/Qaadir Cusmaan Cali (Shiddo)
·
Xildhibaan/Oday sport, Cabdi Dheeg
. Cayaartoy Hore/Oday Sport,
Cali Xasan Garabeey
· Guddoomiye ku xigeenka Somali Week/Oday
Sport, Maxamed Buuwe
· Xubin SEUKI, Faysal Makaraan
· Xubin
firfircoon bahda sportga UK, Yaasiin Diinoow
· Weriyaha
barnaamijkaSport ga Somali Channel, C/Saaq Seef


Waxaa ayaguna daawashada cayaartan ka soo
qaybgalay tiro badan oo ka mid ah cayaartoydii hore ee kubadaha
cagta iyo kolayga soomaaliyeed oo aanan halkan magacyadooda ku xusi
Karin sidoo kale dadwaynaha sportga jecel ee magaaladan ayaa ka mid
ahaa dadkii u soo daawashada tagay cayaartan galabta lagu soo
gabagabynayey tartankii Somali football Festival 2011.


Dhamaadkii abaalmarinada ka dib ayaa waxaa halkaasi
laga arkayey telifishanka qaranka Soomaaliyeed SNT, weriyayaashiisa
qaybta sport ga oo mid mid u waraysanay odayaashii, madaxdii iyo
kooxihii ka soo qaybgalay tartankan ayagoo wax ka waydiinayey sida
ay u arkaan qaabkii loo soo agaasimay tartankan iyo sidii loo
maamulayey mudadii uu socdayba waxaana ay dhamaan dadkaasi amaan iyo
bogaadin u soo jeediyeen ururkan ayagoo ku sii dhiirigeliyey in ay
dadaalkooda sii labalaabaan.
Tartankan
oo uu soo qabanqaabiyey uruwaynaha ay ku bahoobeen cayaartoydii hore
ee dalka kuwooda ku nool dalkan UK qaarkood ayaa waxa uu noqday mid
ka tilmaaman tartamada kala gedisan ee ka dhaca dalalkan ayadoo
sanadba sanadka ka dambeeya ay soo kordhayaan kooxaha ayagu soo
dalbanaya ka soo qaybgalka tartankan waxaana la filayaa in tartanka
sanadka 2012 uu noqon doono mid ka sii awood iyo xamaasad bata
midkan manta la soo gabagabeeyey.

