Guud ahaan Bahda Sportiga
iyo jaaliyadda reer Atlanta oo si diiran u soo dhaweeyey Mudane
Abdihodan Afrax oo dhawaan booqasho ku tagay
magaaladaasi
Waxaa magaaladda Atlanta ee Cariga
Mareykanka lagu qabtay Casuumad aad iyo aad looga soo shaqeeyey oo
ay soo abaabuleen Guddiga Isboortiga iyo Dhaqanka ee Atlanta taa oo
lagu soo dhaweenaayey Xubin ka Tirsan Guddiga Isboortiga ee SEUKI
isla markaana ah Tafatiraha Boga Isboortiga ee Ceelbuurnet.Com
Mudane Cabdihodan Afrax,waxaana xafladaasi ka soo qeyb galay
Jaaliyadda Somali-American Community Center,Guddiga Isboortiga iyo
Dhaqanka,Guddiga Hooyooyinka ee Magaaladda Atlanta.Madaxa Raadiyo
Sagal ,Madaxa Raadiyo Qaran iyo Halyeeyo Isboortiga Soomaaliyeed
laga qadariyo.

Waxaana ugu horeentii halkaa ka
hadlay Gudoomiyaha Isboortiga iyo Dhaqanka Mudane Dr.Cali Cusmaan
Cali isagoo marka hore soo dhaweeyey Mudane Afrax isagoo ku hadlaayo
Magaca Guddiga Isboortiga iyo dhaqanka.waxaana Dr. Cali ka
sheekeeyey doorka uu warfaafinta uga jiro horumarinta
Isboortiga.waxaana uu carabka ku adkeeyey in Isboorti uusan jireen
haddi aysan ka qeyb qaadanin warfidiyeenadda kala duwan,waxaana uu
Tilmaamay in warfidiyeenka uu qeybta ugu muhimsan uga jiro koboca
noocyadda kala duwan ee isboortiga,waa taa midda maanta dadweynaha
reer Atlanta in aysan u kala harin soo dhaweynta Halyey AFRAX oo
waqti badan geliyey horumarinta Isboortiga isagoo adeegsanaayo Webka
Ceelbuurnet.Com.waxaana uu arrintaa ku helay sumcad iyo qadarin ay u
hayaan bahda Isboortiga meel kastoo ay joogto.

Waxaa kaloo halkaa ka hadlay
Gudoomiyaha Jaaliyadda Somali-American Community Center Mudane Inj.
Cumar Shekhey,waxaana uu marka hore aad iyo aad u soo dhaweeyey
Mudane Afrax isagooo ku hadlaayo Magaca Jaaliyadda,waxaana uu amaan
aan la koobi karin u jeediye Mudane Afrax Doorkii uu ka soo qaatay
taabagelinta Hadafka Guddiga Isboortiga ee SEUKI,waxaana uu
Gudoomiyaha Jaaliyadda Mudane Cumar halkaa uu Mudane Afrax ku
gudoonsiiye Shahaado sharaf tan ugu sareysa ay Jaaliyadda
Bixiso,waxaana uu ku booriyey in Afrax iyo Guddiga SEUKI ay
labanlaabaan dadaalka ay ugu jiraan badbaadinta Dhalaanka Soo
koraayo.

Waxaan inta ka dib khudbad qiiro
xambaarsan halkaa ka jeediyey Xubno ka socday ururka Hooyooyinka ee
Magaaladda Atlanta oo kala ahaa Marwo Caasho Geele iyo Marwo
Saamia,iyago marka hore soo dhaweeyey Mudane Afrax ka dibna amaan
aan la koobi karin u jeediyey Guddiga Isboortiga iyo Dhaqanka oo
muddo dhan 12 sano dadaal ugu soo jiray in la hormariyo bulshadda
reer Atlanta,waxaana ugu dambeyntii Marwooyinkaasi ka codsadeyn
Mudane Afrax in uu salaan ka gaarsiiyo dhamaan Reer SWEDEN gaar
ahaan hooyooyinka hor u socodka ah ee halkaa kula nool,waxayna
halaaka loogu tumay sacab badan.

Waxaa hadalkii qaatay Mudane
Cabdihodan Afrax oo ka mid ah Guddiga Isboortiga ee SEUKI isla
markaana Gudoomiye u noqday SEUKI sanadku markuu ahaa 2008,ahna
Tafatiraha Ceelbuurneet.Com,ayaa waxa uu u mahadceliyey isagoo
qiireysan Guddiga Isboortiga iyo Dhaqanka sida qiimaha leh oo
ay u soo dhaweeyeen,waxaana uu tilmaamay in ay guddigaasi
yihiin kuwo isku xiran oo ay ka mid yihiin khibiiro Isboortiga
noocyadiisa kala duwan ku xeel dheer,waxaana uu ku amaanay reer
Atlanta sida guud ahaan ay u yihiin hal qoys oo kale,waayo waxaa
maanta soo dhaweynteda ka soo qeyb galay dhamaan Jaaliyadda dad ka
socda,waana arrin igu reebtay farxad aan la qiyaasi karin,isagoo
kula dardaarmay in halkaa laga wado isku duubnaanta,waxaana uu
ballanqaaday in uu arrintaasi gaarsiin doono xubnaha Guddiga
Isboortiga SEUKI ,waxaana halkaa loogu tumay sacab
badan.

Waxaana Xaflaadaasi oo ay ka soo
qeyb galeen Mudanayaasha kala ah Inj Cumarow,Maxamed Xaaji
Giftin,Awys Fundi,Caydiid Jeenyo,Cali Mataan,Jaamacey,Yuusuf
Marshaal,Cabdicasiis Giftin Tafare,Xusen Xasan,Ibraahim
Abukar,Caasho Geele,saamiyo iyo Axmed Yare,waxaana ugu dambeyntii
halkaa loogu duceeyey Halyeyadii Isboorti oo hore u
geeriyooday,waxayna Xafladii ku soo dhamaatay si heer sare
ah.
Dr Cali Cusman
Cali
Atlanta
Georgia
USA