|
||
|
||
|
Cayaarhankii hore ee nadiga Badroolka iyo Qaranka Somalia ayaa casha sharaf iyo soo dhaweyn loogu sameyey magalaada Copenhagen ee Danmark taarikhdu markey aheed maalinimadii khamiista 05. 08. 2010, barnaamijkaan ay soo qaban qaabiyeen bahda sportska Copenhagen.
Waxaa xafladii si sharaf leh u furey mudane Jamal Abdullahi, ayaa ereyo soo dhaweyn halkaas ka soojeediyey.
Waxaa hadalikii lagu soo dhaweeyey Macalin Nur Suufi Maxamed (Nur gab) oo si aad iyo aad ugu mahadceley sida sharafta leh ee boqoshada ugu soo gaarey magalada Cobenhagen si ula kulmo bahda sportska magalada Copenhagen, macalin Nur gab ayaa ka warbixiyey taariikh gaban ee sportska Soomaaliya, iyo in laga qeyb qaadto horumarinta Sportska Soomaaliya.
Waxaan intaa kadib hadalkii lagu soo dhaweyey Mudane Amaan Guuleed , Amaan ayaa marka hore ka mahadceliyey sida sharafta leh ee loo soo dhaweyey, intaas ka dib ka warbixin aad iyo aad u qimo badan ka bixiyey waagisi hore ee Soomaaliya iyo maanta u ku nool yahey wadanka USA oo weli uu sportska u ku guda jiro, asagoo soo marey marxalado kaladuwan, mudane Amaan ayaa intii u ka hadlaayey noloshisa waxaa ugu qimo badneed warbintiisa markii u cayaarayey qaranki junyariska Soomaaliya ay la cayaarayeen qarankii Nigeria oo aheed maanta badi bari Chili aad, Amaan ayaa kula dardaarmey bahda Sportska Danmark in lagu dadaalo horomarinta Sportska Soomaaliya iyo sidii wax logu qaban lahaa dhalinyarada soo koreysa.
Kulanka cashada waxaa ka soo qayb galay islamarkaana ka hadlay sida kale, Maxamed Cali (Guduudow), Abdikarim Muse, Maxamed Shukri, Cabdirasaak jamac (Insachi) Khadaafi, Cumar Allaale, Cabdifataax.
Waxaa hadalkii iyo gunaanadkii qaatay mudane Abdiwahab Hassan, oo ka war bixiyey taariikh kooban Sportska Danmark iyo uguna mahad noqey booqashadiisa qaaliga aheed mudane Amaan u ku yimid wadanka Danmark.
Contact us at: admin@ceelbuurnet.comadmet.co Copyright © 2007 ceelbuurnet.com |
||