|
||
|
||
|
Cayaaryahanka weyn ee Faransiiska ah Nicolas Anelka ayaa jaraaid ka soo baxa dalka France loona yaqaan France Soir u sheegay inuu qosol la dhiman gaaray markii uu maqlay in xiriirka kubadda cagta France ay ku ganaaxeen in uusan xulka qaranka France u ciyaari karin 18 cayaar.
Anelka ayaa sheegay in ganaaxan uu macnihiisu yahay in xiriirka Fransiisku ay qariyaan uun ceebtii ka raacday cayaarihii aduunka ee bishii Juun ka dhacay dalka South Afrika isagoo sheegay in xiriirka Fransiiska ay u taliyaan koox uu ku sheegay ineey uun yihiin magac u yaal isagoo sheegay in go,aankooda uu ka keenayo uun qosol.
Anelka ayaa isagoo sii wata hadalkiisa sheegay in islamarkii laga soo celiyey dalka South Africa ka dib qilaaf soo kala dhex galay isaga iyo tababaraha kooxda uu go,aan ku gaaray in uusan dib danbe ugu ciyaari doonin xulka qaranka France.
Xiriirka kubadda cagta France ayaa sidoo kale ganaax gaaban ku ganaaxay seddex cayaartooy oo kale iyadoo lagu eedeeyey ineey la safteen Nicolas Anelka markii ay iska horyimaadeen tababare Raymond Domenech.
Contact us at: admin@ceelbuurnet.comadmet.co Copyright © 2007 ceelbuurnet.com |
||