Xulka da,doodu ka yar tahay 20 ee Soomliya oo shalay barbardhac la galay xulka dalka Tanzia cayaaraha under 20 ka socda dalka Eritrea

 

 

Xulka kubadda cagta Soomaliya ee ay da,doodu ka yar tahay 20 ka ayaa shalay cayaar aad u adag oo ka mid aheeyd cayaaraha under 20 ka socda dala Eritrea waxeey batbardhac 1-1 isladhaafi waayeen xulka dhalka Tanzania.

 

 

Cayaartan oo ay goolka ku hormareen xulka dalka Tanzania ayeen xulka dalka Soomaliya oo hore cayaartoodi koowaad barbardhac 0-0 ah la soo galay xulka dalka Sudan waxeey goolkii barbardhaca heleen qeybtii danbe ee ciyaarta ka dib kubadd aad loo soo dhisay oo ay ciyaartooyda Soomaliyeed isla heleen uuna dhameeystiray cayaaryahan Baaruud.

 

Cayaartan oo ka mid ahayd cayaaraha bariga iyo bartamaha Afrika ee under 20 ayeey xulka dalka Tanzania iska qasaariyeen rigoore ka dib markii uu goolhayaha Soomaliya qabtay iyadoo xulka soomaliyana uu gaduud ka qaatay cayaaryahan ka cayaarayey difaaca.

 

Xulka dalka Soomaliya ee under 20 ayaa waxeey haatan cayaareen laba cayaar waxeeyna leeyihiin laba dhibcood iyagoo cayaarta seddexaad la cayaari doona xulka dalka Kenya oo ay hore uga badiyeen waxeeyna leeyihiin rajo aad u wanaagsan ineey u soo gudbaan wareegga labaad ee cayaarahan.

 

Waxaa xusid mudan in shacabka reer Eritrea ay taageero xoog leh siinayeen cayaartooyda Soomaaliya taasna ay dhiiri galin wanaagsan u aheeyd cayaartooyda da,da yar ee Soomaliya oo iyagoo ka yimid dal burbursan hadana wax la qeybsanaya xulal ka yimid wadamo dhisan oo shaqeeynaya.

 

News Editor
ceelbuurnet.com

Contact us at: admin@ceelbuurnet.comadmet.co

Copyright © 2007 ceelbuurnet.com