Cayaaraha Ramadaanka oo ka biloowday magaalada Atlanta ee cariga Mareeykanka

 

Waxaa maalintii sabtida oo ay taarikhdu aheyd August 13,2010 ka furmay Magaaladda Atlanta ee Cariga Mareykanka Tartan Kubadda Cagta ah oo lagu soo dhaweenaayo Bisha Barakeysan ee Ramadaan,waxaana tartankaasi ka soo qeyb galay lix Kooxood ee ka dhisan Magaladda Atlanta oo kala ah : 1)Taksiley 2)Silver Back 3)Piza Xalaal and Coffe Team 4)Mogadishu Star 5)Harar Star   Waxaana habsami u socodka iyo farasamadda loo xilsaaray Guddi ka kooban dhalinyaro aad iyo aad ugu xeel dheer shuruucda Kubadda cagta kuwaa oo runtii mudan in loo hambalyeeyo sidii ay u soo maamuleen Tartamaddi hore gobolkaan looga fuliyey,kuwaaso kala ah Jaamac Cali(Jaamacey) Yusuf Marshaale,Deeq,Cabisataar Cabdi iyo Liibaan Mumin waxayna shaqadaasi ku kasbadeen amaan aan la koobi karin.

Xafladii furitaanka koobka Ramadaanka waxaa ka hadlay Xubno ka tirsan Guddiga Isboortiga iyo Dhaqanka oo ay ka mid ahaayeen Cabdulqaadir Xasan Cadde(Caydiid Jeenyo) oo si mug leh uga hadlay ahmiyadda uu Isboortiga u leeyahay dhalinta soo koreysa iyago ka helaayo Maskax Fiyow iyo Jir fiyow,Waxaana uu Mudane Caydiid u sheegay dhamaan ka soo qeyb galayaashi Furitaanka in Isboortiga laga barto is xilqaan iyo in uu kuu horseedi kala dambeyn,isagoo ka waaniyey dhalinyaradda in ay uga dambeyaan kuwa Isboortiga uga horeeyey,kana soo shaqeeyey kor u qaadida Isboortiga Atlanta,waxaana uu khudbadiisii Mudane Caydiid ku soo gabagabeeyey isagoo carabaabay in ay tahay wax laga xumaado in aad aragto mar marka qaar dhalinyaro sheeganaayo jago Isboorti oo aysan aqoon iyo khibrad toona u laheyn,isagoo ugu nasteexeeyey in ay arrintaasi ka waantoobaan.

Waxa kaloo halkaa ka hadlay Xoghayaha Arrimaha dibadda ee Guddiga Isboortiga iyo Dhaqanka Mudane Cali Mataan,waxaana uu ka hadlay waxqabadkii Guddiga Isboortiga iyo dhaqanka mudadii uu dhisnaa laga soo bilaabo dhamaadkii sanadkii 2000,waxaana dadaalkii uu gudigaasi muujiyey ka mid ahaa iyago ka qeyb galay tartamo kala duwan oo lagu kala qabtay Canada,Ohio,Tennesse,Virginia iyo Mineapolis,waxaana arrintaasi iska kaashaday Guddiga iyo dhalinyaro jecel Isboortiga Guud ahaan gaar ahaan Kubadda Cagta,waxaana maanta Ciyaaraha Atlanta aad iyo aad looga qadariyaa dhamaan Goboladda uu Dalka Mareykanka ka koobanyahay iyo Canada,taa oo ku timid Dadaalkii wadajirka ahaa oo aan loo kala harin,taa oo aan maanta Mahad aan la koobi karin aan idinku soo jeedinaayo,isagoo kooxha ka codsaday in la dhawro shuruucda lagu maamulaayo tartankaani.

Waxa isna ugu dambeyntii halka ka hadlay Madaxa Farsamadda Mudane Jaamac Cali(Jaamacey) oo sheegay shurucda lagu maamulaayo tartankani isagoo ugu horeyn cadeeyey in labadii koox ee ugu dhibco badnaato ay wada Ciyaari doonaan tartan kama dambeys ah,waxa kaloo uu sheegay in koox kastaba loo ogolyahay hal Ciyaartoy oo ajnabi ah si loo dhiiri geliyo Ciyaartoyda Soomaaliyeed,waxaana uu tartankii ku furmay si habsami leh oo dadkii ka soo qeyb galay ay u khushuuceen. Waxa iyano khadka Teleefoonka uga qeyb galay tartankaasi Gudoomiyaha Guddiga Isboortiga iyo Dhaqanka Mudane Dr. Cali Cusmaan Cali iyo Xoghayaha farsamadda Mudane Aweys Muse Arbow(Awys Fundi) oo ku amaanay Xubnaha Guddiga ee ka qeyb galay furitaankaasi iyo Guddiga Farsamadda sida habsamada leh oo ay tartankaasi u fureen,waxaana Tartankaasi lagu casumay Axmed Weli oo ka socday Guddiga Isboortiga ee OHIO kana mid ahaa aasaasayaashii Isboortiga Magaladda Atlanta inta uusan u guurin Gobolka OHIO,waxaana illa hadda la Ciyaaray laba ciyaarood oo loo kala badiyey sidatan;. 1)Silver Back VS Taksiley          8-3 2)Xalaal Piza VS Muq, Star  1-3 waxaana Daawashadda tartankaasi ka qeyb gala dadweyne aad iyo aad u fara badan iyo Guddiga Isboortiga iyo Dhaqanka.,waxayna Ciyaaraha u socdaan sidii loogu tala galay.

 

News Editor
ceelbuurnet.com
Contact us at: admin@ceelbuurnet.comadmet.co
Copyright © 2007 ceelbuurnet.com