Talyaha Poliska degmooyinka Järva Mudane Hans-Eric Neibig oo bilad sharaf guddoonsiiyey ururweynaha SEUKI

 

Kulan ballaran oo shalay oo ay taariikhdu aheeyd 10 Aug 2010 ka dhacay saldhigga Poliska degmada Rinkeby ayna ku mideeysaayeen dhamaan qeybha kala duwan ee gacanta ku leh cayaaraha xagaaga SEUKI oo sanad walba xilliga xagaaga ka dhaca garoonka weyn ee Spånga IP kana.

Kulankan oo ay ku kulmeen qeybaha ay ka midka yihiin Poliska , qeybta ka hortagga danbiyada , degmooyinka Rinkeby / Kista iyo Spånga/ Tensta sarkaal ka socday hay,adda cayaaraha dalkan Sweden , siyaasitiin , ururka walidiinta Soomalida , iyo ururka Islaamiga ah ee Järva iyo guddiga SEUKI ayaa waxaa looga wada hadlay waxyaabihii qabsoomay sanadkan 2010 iyadoo qiimeeyn ay qolo walbaba ku sameeyey cayaarihii dhacay 2010 taasoo ay qeybaha faraha badan ee ku kullansan cayaaraha xagaaga SEUKI ay isku wada raaceen in sanadkan waxa qabsoomay ay ahaayeen wax aad u weyn runtiina ay u riyaaqeen .

Sanadkan 2010 ayaa waxaa cayaarahan ay ku dhamaadeen iyadoo aysan wax rabshado ah dhicin isla markaana waxaa uu ururku cayaaraha dhameeyey iyadoo aan wax haba yaraatee wax deyn ah lagu laheeyn ururka taasoo ay qeybahan ku kulkansan cayaarahan aad ugu farxeen iyagoo goobta ka sheegay in sanadkii 2009 xilligii qiimeynta ururku uu ku jiray deyn fara badan taasoo hay,adda cayaaruhu ay dib ka saxday kana bixisay ururka deyntaa.

 

 

Waxaa sidoo kale laga wada hadlay qorshaha abaabulka cayaaraha SEUKI 2011 kuwaasoo iyagana dhici doona bisha July 2011.

Hadalada ay qeybahan kala duwan ku celceliyeen ayaa waxaa ka mid ahaa in howshii sandkan dhacday ay aad u yaraayeen qaladaadku iyagoo ay yiraahdeen waxaad sanad walba sanadka ka danbeeya aad saxdaan qaladkii hore u dhacay waxeeyse codsadeen masuuliyiintan in sanadka soo socda howlihiisan la bilaabo ugu danbeeyn bisha October balse uruweynaha SEUKI ayaaba isla haatanba howshii sandka soo socda bilaabay.

Taliyaha Poliska degmooyinka la isku yiraah Järva mudane Hans-Eric Neibig ayaa wuxuu bilad sharaf ka socta Poliska guddoonsiiyey ururweynaha SEUKI iyadoo ay biladdana ururka u qaadeen Guddoomiyaha iyo Xoghayaha ururka Xiireey Rooble iyo Wali Maalin.

kulankan oo socday muddo laba saac ah ayaa wuxuu ku soo gabagaboobay jawi aad u qurux badan iyadoo la isku wada raacay howsha wanaagsan ee uu ururweynaha SEUKI qabtay ineey aheeyd mid professional ah.

du ahn@ceelbuurn

News Editor
ceelbuurnet.com

 

Contact us at: admin@ceelbuurnet.comadmet.co

Copyright © 2007 ceelbuurnet.com